HAMBALYO: MAAREEYAHA CUSUB EE WAKAALADA BIYAHA HARGEYSA. MUDANE: IBRAAHIM SIYAAD YOONIS.

 

Dahir Abdi Ahmed

Waxaan marka hore halkan salaamaya madaxda iyo shaqalaha websitka Timacade News, oo qayb laxaad leh ka qaata ka haqab tirida wararka muwaadiniinta Jamhuuriyadda  Som aliland gudaha iyo debebadaba, gaar ahaana qurba joogta aan wax badan kala socon  xaa lada wadanka waad mahadsantihin ilahay ha idinka Jasaa’i siiyo, aamiin…..

Mudane Ibraahim Siyaad Yoonis hadaba waa kumaa waa nin caynkee ah?.


Anigu shakhsi ahaan intaanka ka ogahay maareeyaha cusub oo aanu isku wakhti wada  bil ownay (2005tii), isku wakhtina wada dhamaynay Degreegii jaamacadda Hargeysa (2009), waa nin degan, oo dulqaad badan, oo horumarka jecel, dhalinyar ah ,dhalinyarada aad u j ecel inuu wax la qabto, dhalinyarada dhiirgaliya had iyo goor, aqoonyahan ah, oo tusaale ahaan waxa uu qayb wayn ku lahaa buuga cusub ee diiwaanka ardayda sanad walba ka q alinjabisa Jaamacada Hargeisa, taasi oo aanu aad ugu xasuusan doonto isagoo Ibraahim ahaa ninkii qaybta ugu balaadhan ka qaadatay sidii uu qof walba oo qalin jabinaya u heli l ahaa Sawirkiisa, si uu buugaas ugu daro.

Buugaa diiwaanku faa’iidooyinka uu keenay waxa kamid ah tusaale ahaan marka ardaygu dhamaysto Degreega ee u baahdo Masters way ku adkaan jirtay in jaamacadaha debedu aqbalaan shahaadadiisa, laakiin markii aanu nimid Uganda, jaamacadaha Uganda, Somalila nd iyo Somalia aad u may kala aqoon, oo ardayda Somalia inta badan waxay sitaan  shaha adooyinkii hore ee Somalia ee fojarka haa, laakiin imika aad bay u kala barteen in aan jaa macadeheena gaar ahaan Jaamacada Hargeisa, ardayda ka soo baxdaa aanay sidan Shah aadooyin foojari ah, waa’yo waxay si fudud uga baadhaan ardayga sawirkiisa buugaas di iwaanka jaamacada Hargeisa oo ardaykastaa koobi ka haysto, jaamacadaha Uganda gaar ahaan jaamacada Kampala International University waxayba naga dalbatay markaanu bu ugaas tusnay in lala xidhiidhsiiyo Jaamacada Hargeisa si ay uga hesho koobi buugaas ah sanad walba, dabadeedna ardayda ay si fudud ay u aqbalaan taas oo aanu wadno, ahna ta Ibraahim Siyaad Yoonis Hirgaliyay. Ibraahim waa nin aanay ku jirin isla waynan oo dad ka ula dhaqma si isku wada mid ah yar iyo weyn ba, had iyo jeerna hogaamiye ahaa meel kasta oo uu joogo.


Waxaan anigu aminsanahay hadii lala shaqeeyo mudane Ibraahim Siyaad in uu wax wayn ka qaban karo baahida biyaha ee caasimada Hargeisa. Waxaan dadweynaha ku nool  Caasi mada usoo jeedin lahaa inay tageero buuxda siiyaan Ibraahim oo ah nin xilkan iyo mid ka weyn ba u qalma, waxaanan leeyahay maareeyihii hore Mud. Khaliif iyo agaasimaha  mada xtooyada Mud. Xarbi, Maaha Ibraahim sida aad moodeen waana la arki doonaa  waxqabad kiisa, waxa kale oo aan hambalyo u dirayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Ahmed Mohamed Mohamoud (Silanyo), magacaabista uu magacaabay dhalinyarta cusub ee uu ka mid yahay Ibraahim Siyaad yoonis, waxaanan leeyahay waad ku mahadsantahay madaxweyne xilal kalena waanu kaa sugaynaa haddii aanu dhalinyartii nahay.

Ugu dambayntii Waxaan Ilaahay uga baryaya Maareeyaha cusub ee wakaalada biyaha in uu ilahay u fududeyo xilkan cusub ee loo magacabay.

Aamin.
 

 

 

 

 

Dahir Abdi Ahmed
Kampala, Uganda
Pursuing , Masters in Development Students,
Kampala International University.