Hambalyo iyo bogaadin iga gaadhsii saaxiibkay, Axmed Xasan Carwo,oo loo magacaabay La Taliyaha Madaxweynha ee Arrimaha Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
 

 


Waxaa maanta farxad iyo rayn rayn aniga ii ah, inaan halkan hambalyo iyo bogaadin aan la koobi ka reyn aan uga diro , saaxiibkay ,walaalkay , Axmed Xasan Carwo , oo loo magacaabay, La Taliyaha M adaxweynha ee Arrimaha Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga.


Mudane Axmed Xasan Carwo , waa aqoon yahan weyn , oo ku talax tegay Cilmiga Dhaqaalaha iyo M aareynta Maal Gashiga, khibrad iyo waayo arrangnimo ballaadhanna leh. Walaw aanan qoraal keliya ku soo koobi karin wax qabadkiisa iyo dadaalka faraha badan ee Axmed Dalkiisa iyo Dadkiisaba u qab tay, bal aan isku dayo inaan idiin iftiimiyo dhowr qodob:


Axmed Xasan Carwo, waxaan qofnaba daah ka saarneyn , inuu qayb laxaad leh ka soo qaatay  ha lgankii iyo Guushii Xisbiga Kulmiye ku hantiyey talada Dalka,kana mid ahaa rukumadii ugu  waaweyn aa ee xisbiga Kulmiye ka hawl gala , Dalka Gudihiisa iyo Dibaddiisaba.


Axmed Xasan Carwo, waxaa marnaba la illoobi karin qoraaladiisii taxanaha ahaa, ee sida onkodka iska soo daba dhici jiray , kuna suntanaa cinwaanka: “Codkaaga ku ciil bax”, oo aalaaba intiinna bad ani aad ka daalacan jirteen Mareegaha Somaliland,mar kale ayaanan idiin soo gudbin doonaa qoraal adaas taariikhiga ah,iyagoo dhameys tiran.
 

Axmed Xasan Carwo, wuxuu muddo dheer ahaa Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaliland ee Wales, UK , waxaanu ku guuleystay inuu isku xidho ,soona casuumo mudanayaal ka mid ah Dawladda Ingiriis ka, oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibedda,Mudane David Miliband,Mudane Alun Michael MP, oo ay shirar la yeeshaan jaaliyadda. Bishii November 25 , 2008,ayuu Axmed si sharaf leh u wareejiey Xilkii Guddomiyanimada ee Jaaliyadda Wales.
 

Aan hal kaftan ah raaciyee, Axmedaw sidii Codkii loogu ciil baxay, waa in Somaliland aqoontaada,wa ayo aragnimadaada iyo khibraddaada, ugu Ciil baxdaa, oo Hashii Maandeeq Xoorkeeda beryo qol qol ka Xaafaddii Laba Nuux , lagu wada dhamaa !!!!!


Mar labaad ,Hambalyo Hambalyo Hambalyo,waxaanan Allaha weyn kaaga baryayaa, in xilkaa culus e e Madaxweynuhu kuu igmaday, Rabbi kugu asturo , kaana yeelo kii ka midho dhaliya, Aamiin.

 

 

 

 

 

Eng. Mohamed Ali Muse (Farshaxan)
Civil Engineer
Senior Computer Network Specialist
December 29 , 2010