Hamabalyo,Hambalyo,saaxiibkay Farxaan Xaaji Cali Axmed, mulkiilaha TVGA  Caalamiga ah ee  Horn Cable tv (HCTV)

 


Waxaan hambalyo kal iyo laab ah hawada u marinayaa saaxiibkaygii qaaliga ahaa,Farxaan Xaaji Cali Axmed, mulkiilaha TV ga Caalamiga ah ee Horn Cable TV (HCTV) , oo ku guuleystay in  HCTV  laga daawado Qaaradda Yurub .Waa maalin aniga qiime gaar ah ii leh,waa maalin iigu suntan xus uus qorkayga, waa maalin taariikhi ah , waa maalin farxadeed , waa maalin qiime iyo sharafba u gu fadhida dhammaan inta jecel Qaranimda, jiritaanka,horumarka iyo karaamada shacabka xarii rta ah ee reer Somaliland.

Sharafta iyo magaca uu soo hooyay Farxaan Xaaji Cali Axmed,waa mid aan  faaidadeeda, saame ynteeda iyo waxtarkeedaba,  aan la qiyaasin karin , laguna soo koobi karin  qoraal iyo web site lagu soo daabaco ,  baal dahabana ka gashay taariikhda Somaliland.

Anigoo fursaddan ka faaideysanaya,waxaan kale oo aan Hambalyo ballaadhan  halkan uga diray aa  dhammaan shaqaalaha,wariyayaasha iyo maamulka HCTV,oon leeyahay hawshaa qiimaha leh ee aad Dalkeenna  u haysaan,ilaahay ha idinku garab galo,hana ka daalina ,Insha Allah weydin g aadhi himiladiina,Aamiin,Aamiin.

Farxan Xaaji Cali , oo aanu saaxiib ahayn illaa muddo aad u dheer ,kuna soo wada bar baaranay magaalada Hargeysa, wuxuu ahaa shaqsi ilaahay u dhaliyey dad la dhaqan ,akhlaaqad wanaags an,aadna ay ugu dheer tahay saaxiibtinimada iyo walaaltinimadu. Walaw Farxaan aragatidiisa a y  iigu danbeysay waqtigii uu Dalka Maraykanka uu u soo anba baxayey, haddana xidhiidhkayag u marnaba ma  kala guin.

Waxaan leeyahay saaxiibkay Farxaan,waxaad tahay  Halyey,  xoogiisii,tacabkiisii iyo maalkiisaba u huray  Dalkiisii Hooyo ,magacii Somalilandna gaadhsiiyey dunida dacaldeeda,midhihii aad beert ayna waataa maanta lagu diirsaday, loona aayey.

Waxaan  Allaha weyn kaaga baryayaa , inuu  maalkaaga iyo xoogaagaba kuu barakeeyo, kana yeelo  mid aad ku liibaanto if iyo aakiraba.Dhammaan shacabka Somaliland, ee jecel Qaranimada iyo horumarka Dalkeenna Hooyana ,waxaan ka codsanayaa inay hiil iyo hooba la garab is taaga an  walaalkeen Farxaan Xaaji Cali, oo aynu HCTV ,  ka dhignno mid hir gala,oo dhammaaan Qurba jooga iyo Dalkii  jooguba , ku soo wada hirtaan.

 

Mar labaad ,waxaan leeyahay saaxiibkay Farxaan Xaaji Cali Axmed iyo dhammaan hawl wadeena da TV ga Caalamiga ah ee  HCTV , Hambalyo , Hambalyo , Hambalyo


 



Eng: Mohamed Ali Muse (Farshaxan)
Civil Engineer
Senior Computer Network Specialist
Editor in Chief & Webmaster
Timacade News Network (TNN)
www.TimacadeNews.com
January 27, 2011