Hambalyo ku socota Maareeyaha Dekeda Berbera

 


Anigoo leh waad laheshay shaqadaadiiye halkaa ka sii wad ilaahayna hakugu guuleeyo

Anigoo ka mid ahmuruqmaalka Dekeda Magaalada Berbera, gaar ahaan Ururka Geelle A, maga cayguna yahay Xasan Cige Cilmi waxaan rabaa inaan halkan Hambalyo aan lasoo koobi karin  u ga diro Maareeyaha Dekeda Berbera Mr. Axmed Yusuf Dirir, Kaas oo aan ugu hambalyeynayo Lacag aanu xaq ulahayn oo aanu shaqaysanay muddo dhawr sano ah oo uu naga xanibay  Ma amulkii Hore, kaas oo uu hada si xilkasnimo leh noo siiyey una aragno in uu gutay waajibkiisii m aareeyanimo, lacagtaas oo dhamayd 150,000,000 oo shilnka S/land ah(boqol iyo konton maly en oo shilinka s/land ah) .

Sida lawada ogyahay waxaanu nahay Rag quuta dhididkooda, islamarkaana marka ay  shaqay staanba loo dhiibo anaguna waxaan ku biilinaa xaasaskayaga iyo caruurtayadaba, hadaba  ma amulka cusub oo aanu aad ula dhacsanahay ka Geelle ahaan sida hagarla’ida leh ee isagoo  mu do aad u yar joogay dekeda uu hadana xaqayagii nasiiyey waa mid aanu u hayno mareyaha cusub Mr. Axmed Yusuf Dirir.

Waxaan marlabaad u hambalyeey nayaa Mareyaha anigoo leh waad laheshay shaqadaadiiye halkaa ka sii wad ilaahayna hakugu guuleeyo

Wabilaahi tawfiiq

 

 

 

 

 

Xasan Cige Cilmi
Ururka Geelle A
4448659