Mustafe Cabdikariim Cali (Mustafe Future) oo loo magacaabay inuu noqdo wakiilka cusub ee sha bakdda Longlivesomaliland News Media

Maamulka shabakadda caalamiga ah ee Longlivesomaliland News Media , waxay  ku war gelinayaan dhamaan asxaabta sharafta leh ee akhrisata shabakaddan iyo dha mmaan shacbiga Somalilandba,in aanu u magacawnay Weriye Mustafe Cabdikarim Cali (Mustafe  Future) , inuu noqdo wakiilka cusub ee shabakadda u fadhiya magaal ada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Mustafe,waxa uu muddo dheer ku soo jiray ,kana hawl galay saxaafada  Somaliland qaybaheeda  kala duwan, waxaanu  qayb laxaad leh ka  soo qaatay, isku dubba rid ka,diyaarinta,xog baarista  iyo isku soo habaynta wararka , oo uu shabakadda uga soo warami jiray magaalada Hargeysa.

Waxaan u rajaynaynaa in ilaahay Mustafe hawshaa loo xil saaray u fududeeyo, ka na midho dhaliyo.

Hambalyo Mustafe Cabdikariim Cali (Mustafe Future).




Maamulka Shabakadda

Longlivesomaliland News Media