Hanbalyo:- Naadiga Akhriska Timacade

 

Waxay mahad oo dhani u sugnaatay Ilaaheena weyn ee ina baray Qalinka (qoraalka) iyo Wax akhriska sobobtoo ah maanta hadii aan alle inoogu deeqin habka Qoraalka iyo Akhriska maynaan ogaaneen wax badan oo maanta inoo muuqda sifiicana inoogu kala ifaya ama inoogu kala cad, taasi tusaale waxaa inooga filan, Malaku jibriil markuu uu usoo galay Nabigeenii Muxamed Csw oo ku jira god kii uu alle ku caabudi jiray ee ( xira) , Markii ugu horaysayba waxa uu ku yidhi (akhri) Nabiguna csw waxa uu ugu jawaabay (waxba ma akhriyo) saddex jeer markii uu malagii ku celiyay isla suaashaas lafteeda, ee uu  Nabig una csw ugu jawaabay waxba ma akhriyo ayuu ku yidhi malakul jibriil (akhrri magaca ilaaha ku abuuray, ee dadka candhuufta ka abuuray, Akhri ilaahaga ku karaameeyay, Kaasi oo baray dadka Qalinka, dadkana baray wax aanay garanayn) Surat al-calaq Kadib waaa uu dhamaystiray nabigu suuradan CSW waana suuradii ugu horaysay ee lagu soo dajiyay nabiga CSW Halkaasi waxaa si marag ma doon ah kuugu muuqata faaiidada ay leeyihiin Qoraalka iyo Akhrisku.

Intaa kadib Waxaan halkan hanbalyo iyo bogaadin uga jeedinayaa Dhalinyarta Mutadawaciinta ah ee isla garawsaday in ay abuuraan Naadi Akhris ,Waxaan si cad oo aan leex-leexad lahayn u odhan karnaa Dhalinyartani waxay inoo baneeyeen wadadii wax akhriska inagana waxaa la inooga baahan yahay in aynu ku garab galno oo ku taageerno dadaalkaas ay inoo muujiyeen ee ay in oo horseedeen.


Waxaynu dhalinyartan tusaale ahaan u sooo qaadan karnaa sida aad wadankaaga iyo dadkaagaba horumar u gaadhsiiin karto hadii aad siwada jira ah u hawl gashaan iskuna kalsoonaataan waaad aragtaa sida ay dhalinyartan maanta aasaastay naadigani Timacade readers club ay wax walba ugu qabsoomeen si dhib yar waxaanan ilaahay uga baryaynaa in ilaahay la garab galo Hawshaa culus ee ay iyagu dusha iska saareen balse aanay cidina la doonan.

Dhalinyarta naadigan aasaastay oo aan inbadan kala socdo ama ka ogahay aqoontooda iyo cilmigooduba runtii waa dhalinyar Cilmiyaysan oo heerkooda waxbarasho aad u sareeyo, dadaalkooduna waa deeq ilaahay siiyay oo runtii waa dhalin madaalayaal ah kana soo bixi kara hawshaas ay isku igmadeen. Waxay si farshaxanimo ah oo nidaamsan u fureen xaflada furitaanka naadiga Timacade Readers club Maalintii khamiis ah 24 september .2009.
hadal iyo dhamaantii waa dhalinyar tayadoodu aad u sarayso heerkooda waxbarashana aad uwanaagsan yahay, waxaanay dadaal badan u soo galeen sidii ay u abuuri lahaayeen Naadigan ay u bixiyeen Timacade Readers Club Sida aan ku rajowaynahay waxaa ka dhalan doonaa abuurista naadigan faaiidooyin aan la soo koobi Karin.

Waa wax lagu farxo maanta in la abuuro naadi wax akhris oo aynu ognahay faaiidada uu u keeni karo dhalinta reer Somaliland gaar ahaan dhalinyarta reer Gabiley oo aad ugu baahnayd naadigan oo kale, sobobta oo ah sida aynu wada ogsoonahay Wadanku waa iska bilaa camal, wax shaqooyin ahina ma jiraan, sidaas darted halkii ay ka noqon lahaayeen dhalinyar balwado leh oo ay noloshu madmadaw ka gasho kana dib dhaca dhalinyarta qayrkood waxaa wanaagsan in ay noqdaan dad jecel akhriska iyo qoraalka si ay ula jaanqaadaan dhalinyarta qayrkood una hiigsadaan horumar ay gaadhsiiyaan wadankooda iyo gobolka Gabiley-ba.

Waxaa kale oo farxad wayn inoo ah in loogu magac daray Abwaankii Somaliyeed ee waynaa waa Cabdilaahi Suldaan Timacade oo ka mid ahaa ragii u soo halgamay wadankan Somaliland kana soo riday saancadaalihii wadankeena gumaysan jiray Mudada badan . waxaa kale oo wax aad loogu farxo ah in laga furay naadigan Magaalda gabiley oo aan hore looga furin Naadi Akhris Faaiidooyinka uu naadigani u yeelan karo dhalinta gabiley runtii maaha wax aan qiyaasi karo balse waan u taagnaan doonaa hadii allle inagu simo, Dhalinta gabiley runtii waa dhalin aan muhiimad siin wax akhriska helina fursad ay wax ku akhriyaan balse ka dantu ay ku qasabtay in ay yeeshaan balwado kale oo ka reebay qayrkood oo ay la jaanqaadaan

Akhrisku waa jidka Qoraanimada

Naadigan waa naadi dhiiri galinaya Akhriska iyo Qoraalka oo aynu si fiican uga dharagsahay faaiidada ka dhalan karta iyo manfaca uu xambaarsan yahay ,Maanta aduunyada horumartay hadii loo baahan yahay heerka cilmigaaga ama waxbarashadaada in la ogaado, lagu waydiin mayo inta jaamacadood ee aad ka qalinjabisay iyo inta facultY ee aad diyaarisay balse Marka u horaysa waxaa lagu waydiinayaa (How many books did you read? ) imisa buuga yaad akhriday,? waa maxay sobobta laguu waydiinayo inta buug ee aad akhriday balse aaan lagu waydiin inta jaamacadood ee aad ka qalinjabisay hadii aan taa kaa oon tiro, Inta buug ee aad akhriday waxay ay ka turjumaysaa in dhamaantood aad diyaarisay ama aad qaybtay. Mida kale maynaan ku raaci Karin xikmadii angela carter ee ahayd : (Reading a book is like re-writing it your self) Hal buug oo aad akhridaa waxay la mid tahay in adiga laftaadu aad dib u qortay buugaas laftiisa sobobtoo ah marka aad si fiican u akhrido, ee aad u dhuuxdo, aaad la baxdo xikmadii ku jirtay si fiicana u fahanto, adiga iyo ninkii qoraagii miyaydaan cilmigaas uu soo bandhigay ka sinayn laf ahaantiisa iyo nuxurka ku jira iyadoo laakiin ay reeban tahay in aad dib u rogto amar la’aan .
Waxaa jirta xikmada ingiriisi ah oo tidhaa (Take time to read, it is the source of knowledge ) wakhti sii inaad wax akhrido waa ilaha ay ka soo burqadaan cilmiguye,xikmadani waxay si qotodheer inoo tusaysaa faaiidada akhriska iyo muhiimada wayn ee uu bulshada wax akhridaa ay u gaadhi karto horumar oo uu u horseedo akhrisku iyo una yeelan karto cilmi tayaysan oo , Waxaa kale oo aad maskaxdaada galisaa mar walba in qofka akhriska badan uu ka aqoon iyo xirfad badan yahay dadka kale,waxaynu si fiican uga dharagsanahay in xiliga iskuulka lagu jiro ama Jaamacadaba had iyo jeeer ardayga akhriska badan uu ka darajo sareeyo ardayda kale xiliga imtixaanaadka, Markaa bal is waydii adigu sobobta ?

faaiidooyinka akhrisku maaha wax la soo koobi karo balse aan ka taataabto dhawr ka mid ah :-

1. Waxaa laga faaiidaa sida wax loo diyaariyo ama loo wax loo so bandhigo loona qoro.

2. Marka aad wax akhrinayso waxaad tahay (Researcher ) waxanaad helaysaa cilmi kaa dhinaa, Maanta hadii aad doonayso in aad wax ka ogaato Habka barbaarinta wanaagsan ee ubadka waa inaad soo qaadataa buug ka hadlaya barbaarinta caruurta sida buuga Barbaarsame ee uu qoray Xasan Cabdi Madar kadib marka aad akhrido maxaa kuu soo baxaya cilmigii aad uga baahnayd oo faahfaahsan .

3. Wax akhriska badan wuxuu dhisaa heerkaaga luuqadeed oo aad si fiican u barato erayada ku jira luuqadaada ee kaa qarsoon ama aanad ka dharagsanayn macnahooda.

4. Qofka wax akhriska badan sidaynu horeba u soo sheegnay waa qof fahmadiisu fiican tahay si fiicana wax xafidi kara ama u qaybi kara.

5. akhriska badan waxa uu u horseedaa qofka akhristaha ah in uu si fiican u dul istaago una dhuuxo wax kasta oo u akhriyay ama uu dugsi ka soo bartay

6. akhrisku waa madadaalo iyo wakhti lumis faaiido leh oo aad kaga dhuuman karto balwadaha.

7. qoraalku ama akhrisku hadii aad ku dhiiranaato waa wehelkaaga ama saaxiibkaaga koowaad ( qalinku waa saaxiib kal sugan ee sunto fara ku hayntiisa)

8. Akhrisku waa sees ka mida seesaska nolosha qofka, waana qayb ka mid ah nolosha qofka.

hadii aan itaas kaga gudbo hordhacaa yaree qeexaya inyaroo ka mid ah faaiidooyinka akhriska bal sifican u eeg Qoraaga ama akhristaha Wanaagsan waa toosiyaha umada hadii uu qalinka ama maskaxdiisa u adeegsado dhanka wanaagsan, waxaanu ku hagi karaa bulshada uu la noolyahay Horumar iyo wanaag sida uu qeexay ninka xikmad yahanka ah (read books. they are good for us )Natalie Golberg .

Had iyo jeer qofka qoraaga ah ama akhristaha ahi wuu ka indho dheeryahay dadka,Markaa waa daruuri in lagu dadaalo Akhriska iyo qoraalkaba, waxaana had iyo jeeer qofka u horseeda in u wax akhriyo ugu horayn in uu aaminsan yahay in akhriska wax ka soo galayaan faaiidana u leeyahay , waliba waxa fiican in qofku uu yeesho xulasho uu kala xulanayo buugaagta Mawduucyada uu jecelyahay. waxaa lagama maarmaan ah in aad xiiso u hayso waxa aad qorayso ama aad akhrinayso si uu qoraalku ama akhrisku kuugu dhib yaraado balse hadii aanad niyad u hayn waxay kugu noqon karaan (dhagax la jabinayo oo kale) wax aad u adag oo dhib badan ,

Hadii aad doonayso in aad wax qorto ama aad wax curiso waxaa muhiim ah in Habka qoraalkaagu noqon karo qoraal ay wada fahmi karaan Bulshadu, ujeedana leh faaiidana u keeni kara qofka wax akhrinaya , Balse Qorida shay wax u dhimaya bulshada dhaqankeeda ama diinteeduba waxaa ka dhiiran inaad iska daysaba oo aanad qorin.,

Ogow Qoraalka ama diyaarintuba inaanay ahayn kaliya in aad qorto buug wayn oo dhawr boqol oo bayj ah ee qoraanimadu waa qalinkaaga oo aad adeegsato ha yaraaado ama ha badnaato una adeegsato dhanka wanaagsan balse dhanka xun oo aad u adeegsataana waa Dhaleecayn wayn oo ku Habsata qofka qoraaga ah .

Guul kasta oo la gaadhaa waxay ka bilaabantaa meel hoose (Dadaalaa Xaaji Cabaas wuu gaadhaa waanu dhaafaa ) waxaad maskaxda ku haysaa in maqaal yar oo aad qortaaa uu kuu horseedi karo in aad Mustaqbalka dhhaw (Berika maalin) noqoto Qoraa wayn .

Mid kalena aan ku xasuusiyo dadkeenu wakhtiyadii hore waxay ahaayeen dad aan aqoon qoraalka ama akhriska farta somaliguna ma qornayn,Sidaas ay tahay waxay adeegsan jireen qaabab ay wax iskaga reebi karaan si ay u ogaadaan Jiilasha ka danbeeyaa Hab Nololeedkoodii, waxaa ugu muhiimsanaa siyaabaha ay inagu soo gaadhsiiyeen Gabayga oo ahaa Madxafka ugu  balaad han ee ay awawyaasheen lahaayeen iyo iyagoo ahaa dad maskaxdoodu furan tahay gabaygana si fiican u xifdiy jiray,Balse hadana sidaas ay tahay taariikhdii umadaheenii inaga horeeyay wax badan Kama sheegi karno kamana hayno , waxaase woxogaa sugan laga hayaa intii ka danbaysay 1960kii sobobta ay u luntay taariikhda somalida oo jirtay mudooyin badan, may ahayn dad wax qora ee waxay ahaayeen Gabayaa, gabaygana looguma wada tagi karo taariikhda oo dhamaystiran inbadan oo kamid ah se waa laga helayaa iyadoo uu ay ugu horayso Qaybta dhaqanku ,Hadaba Maanta inagu gabay ma naqaan xikmad kalena ma naqaan balse waxaynu naqaan qoraal (Qalin) Hadaba si aynu maanta uga tagno ama u kaydino taariikho ay helaan jiilasha inaga danbeeyaa, waa inaan garano masuuliyadeeda oo aynu isku dayno inaan wax Qorno oo qalinkeena adeegsano.

 


Qalinkii: Fuaad abdilaahi Hassan

Fuaad_phy@hotmail.com