Hantida dawlada (Public properties) ee la xaraashayo

 

Sida ay caadadu tahay dawlada Somaliland ee Riyaale ka taliyo iyo caloo shooda u shaqaystayaasha wasiirada ah ee la shaqeeyaa,  ayaa waxay olole xoogle ku hayaan sidii loo wada xaraashi lahaa dhamaaan hantida da wladu leeday gaar ahaan kuwa caasimada oo qiimo badan laga siisanayo.

Waxaa arintan shuraako ku ah WASAARADA HAWLAHA GUUD (SICIID SULUB), MAAYORKA CAASIMADA (JICIIR) IYO MADAXWAYNAHA OO ISAGU ARINTAN KA DAMBEEYA.

Waxaan u digayaa Tijaarta is leh ka gaadhsiiya ee lacagta la dul joogta dh ulka dadwaynaha ka dhexeeya ee loogu talo galay, guryo shaqaaluhu  gal aan, garoomo, xafiisyada dawlada, wadooyinka, schoolada, iyo  dhamaan ba hantida dadwaynaha ee calaamadasan NINKA IIBSADAW ADIGAA LACAGTAADII KU SHUBAY CEEL HADHAWNA KALA SOO BIXI.

Waa lays kaga daba iman marka DAWLADO SHARAF LIHI YIMAADAAN, A MA DIB LOO EEGO BUUGAAGTA DAWLADA. Hadhaw dawlad ayaa ii  saxee xday lagaa yeeli maayo ee la soco waayo kuwa kuu saxeexay ayaa musu qmaasuq lagu soo ogi doonaa markaa iyagu ha kaa saaraan. Ka imika  bixi naya ee madaxwayne, wasiir iyo maayor ahow iyana waa lagu waydiin ee taa la soco hadii aad ugu talo gashay inaad wadanka ku sii noolaatid.

Waxay aniga iila muuqataa inaydaan wadanka dan ka lahayn ood ka hanti urursanaysaan e.Tijaarta ay ugu horeeyaan kuwa ugu waawaayn ayaa ah kuwa dhacaya hantida dadka, WAAR DULMAAYOW WAA LAGU DULMI ADNEE OGAW.


Waxaan dadwaynaha reer Somaliland ka codsanayaa inay doorashada so o socota u codeeyaan, MUSHARAXA ku balan qaada inuu soo celinayo han tida dawlada, ha noqdo mid madaxwayne u sharaxan, iyo mid mayor u sharaxanba.

Saxaafada waxaan leeyay shaqadiinu waxay ahayd inaad arimahaa iyo wa xa la midka ah daba gashaan,  intaad hebelbaa maantana halkan ka dagay iyo xafladaha ka sheekaynaysaan.


 

 

 Xoriya Ali
Xoriyoo@ymail.com
London, UK