Hay’ada Wadaniga ah ee GAVO ayaa tababar u qabatay ilaa 350 ardayda dugsiyada ku jira iyo kuwa dhameystay isugu jira
 


Berbera (TNN)-Hay’ada Wadaniga ah ee GAVO ayaa tababar u qabatay ilaa 350 ardayda dugsiyada ku jira iyo kuwa dhameystay isugu jira tababarkan ayaa ardaydaasi lagu barayay caluumta lagula tacaalo nolol maalmeedka iyo xirfadaha la iskaga difaco iyo barashada Youth Peer Education kuwaasi oo lagu qabtay  xarunta dhalinyarada ee Berbera waxaana xidhitaankii todobaadkii koobaad ee tababarkaasi ka hadlay A gaasimaha Fulinta ee Gavo Axmed Cumar Xrsi Cerigabo oo ka waramay muhiimada ay leeyihiin  dhalinyara du iyo tababarada ay u qabtaan markasta waxaanu yidhi “Waxaanu tababarada noocan ah u qabanaa dhalinyarada waxaana haatan todobaadkan dhamaaday la tabaray 350 dhalinyaro ah iyadoo uu sii socon doono todobaadka danbena tababarkani waxaanu ku baranayaa sidii ay ula tacaali lahaayeen nolol  maal meedkooda iyo YPE oo dhalinyaradu ay u baahanyihiin waxaana maalgalinta bixinaysa Hay’ada IMO  anag oo gavo ahna waanu fulinaynaa” ayuu yidhi Agaasimaha Gavo.
 


Waxaanu Agaasimuhu ka hadlay waxyaabaha ay la qabtaan dhalinyarada Berbera waxaanu yidhi  “Mashr uucan waxaanu iska kaashanaynaa IMO waxaanuna ku tababaraynaa dhalinyarado badan oo reer  Berbe ra iyadoo aanu hore usoo tababarnay tiro badan balse todobaadkan waa tiradii ugu badnayd ee tababar noocan oo kale ah qaadata, gavo waxay dhalinyarada ka tababartaa khatarta aids iyo waxbarashada  dh alinyarada ku aadann iyo wacyigalinta guud oo aanu ku hawlanahay”



Tababarkan ayuu bixinayaa khabiir arimaha dhalinyarada iyo tababaradooda qaabilsan waxaana halkaasi ka faa’ideysanayaa boqolaal kamid ah dhalinyarada magaalada Berbera oo isugu jira rag iyo dumar  waxa anay maanta buuxdhaafiyeen xarunta dhalinyarada ee Gavo ee Berbera oo tababaradani ay ka socdeen iyadoo ay dhalinyaraduna isa sii tababaraan marka wax la baro kuwo kale ay gaadhsiiyaan aqoontii la  bar ay si loo gaadho tiro badan oo dhalinyaro ah, Tababarkani waxa soo dhamaaday todobaadkii hore  waxaa nay lasii wadi doonaa ilaa wiiga soo socda.



Hay’ada Wadaniga ah ee Gavo (general Assistance and volunteers organization) ayaa ku hawlan  tayayn ta iyo kobcinta aqoonta dhalinyarada iyo ka wacyigalinta khataraha soo food saara waxay kaoo  shaqeyn aysay Somaliland iyo sanadkii 1993 kii iyadoo dhinacyo badan horumarka ah na mashaariic badan ka qabatay.
 

 

 



Abdikarim Said Salah.
Journalist For Horn Cable TV,
Sahil Region Area Based
Geeska Afrika Journal,
in sahil region

Berbera Press Editor
website: www.berberapress.com
Regional Journalist

Mobile: +25224441209
Email: clkarim_3@hotmail.com
suldaan14@yahoo.com