Hayada ODHA Oo Abaal Marino Gudoonsiisey Orodyahanadii Tobanka Kaalmood ee hore ka Galay tartankii Orodka Half Maraton-ka Hargeysa.

 


Hayada Wadaniga ah Ee ODHA Ayaa Abaal marino Gudoonsiisey Orodyahanadii Tobanka Kaalmood Ee Hore Ka Galey Tartankii Orodka Half Maratonka Hargeysa.

 

Hargeysa (TNN)-Xafladani oo aheyd mid balaadhan Ayaa xalay lagu qabtey Hotel Maansoor ee Ma g aalada Hargeysa. Xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Wasaaradda  Dhalinyaradda,D haqanka iyo Ciyaaraha somaliland,Md Maxamed Ibraahim Madar Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyaradda,Mustafe Qodax Gudoomiyaha Olompic-kadda Somaliland Maxamed Ciro , Maamulka Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud, Gudoomiyaha Dalladda Sonyo Axmed Cabdi Wacays ,Gudoomiyaha  Ha yada ODHA Marwo Faadumo Siciid Ibraahim , Madaxa Samafalka Madaxtooyadda somaliland,Marwo Aamina Maxamuud Diiriye , Hogaanka Booliska Somaliland iyo Dhalinyarro kale oo tiro badan.


Ugu horayn Waxaa Hadal kooban furitaankii xafladda ka jeediyay Gudoomiye ku Xigeenka  Xidhiidhk a Ciyaaraha Fudud Siciid Mire oo ka waramay sidii guusha ahayd ee Tartankii 21-km ugu soo  gabo gaboobay iyo Kaalintii ay xidhiidh ahaan ku lahaayeen orodkaasi inuu qabsoomo, Siciid Mire waxaa umahad naqey Hayada ODHA oo Tartankani maalgelisey.


Siciid mire waxa uu mid mid u soo qaatay dhalinyaradda kaalmaha hore ku guulaystay iyo wakhtiga orodka ku soo gabogabeeyeen isaga oo xusay in ay la ubabac dhigi karaan Orodyahanadda geeska Afric-ka marka ay siiyaan tababar fiican.

Gudoomiyaha Hayada Wadaniga ah Ee ODHA Marwo Faadumo Siciid oo iyana halkaasi ka hadashay ayaa ka warantay doorkii ay ka qaadatay tartankaasi iyo sidii ay ugu suuro gashay iyada oo  xust ay in ay Wasaaradda Ciyaaruhu garabkeeda taagnayd la,aanteedna aanay u suuro gasheen tart ankaasi.,


Marwo faadumo Siciid waxaY aad ugu dheeraatay amaan badana ay usoo jeedisay Orodyahanadii kaalinmaha hore ku guulaystay oo ay xustay inay intii karaankeeda aha ka caawin doontoo  dhina ca tababaradda, waxaa kale oo ay sheegtay in ay marka ay jabuuti geeyaan ay noqon doonaan orodyahanno Kor u qaada Qadiyadda gooni isu taaga somaliland iyadda oo Carabka ku Adkaysay inay Guulwayn soo hoyn doonaan hadii la garab galo, ictiraafka somaliland kaalin wayn ka qaadan doonan.

Gudoomiyaha Hayada ODHA Marwo Faadumo waxa ay Dumarka somaliland ka Codsatay inay Sida Madaxwayanaha oo kale u soo dhaweeyaan orodyanka kaalinta koowaad ku guulaystay marka uu jabuuti ka soo laabto si loo xuso qiimaha iyo qaaayaha uu qaranka u soo hooyay.


Faadumo Siciid waxa kale oo ay balan qaaday inay Marka ay orodyahanaddu ka soo laabtaan  Jabu uti ay soo marin doonto Gobolladda Dalka oo dhan isla markaasina ay tababari doonaan Gobol wal ba si ay orod yahanno tayo leh ugu soo baxaan qaranka somaliland. Gudoomiyaha Hayada ODHA Faadumo Siciid waxay ka Dayrisay Garoonka Kubadda Kolayga ee Timacadde oo Qabyo badani ka muuqato iyada oo ugu Baaqday Xukuumadda, ururadda iyo Ganacsataddu ka qayb qaataan qabyo tirka Garoonkaasi, waxaanay Xustay inay kaalin Wayn ka qaadan doonto dhismaha Garoonka Tima cadde, xidhiidh fiicana la samayn doonaan Wasaaradda Dhalinta iyo Ciyaaraha.

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyadda Ciyaaraha iyo Dhaqanka Maxamud Ibraahim Madar ayaa  maha dnaq u soo jeediyay Hayada ODHA Oo Lahyed Fikirka Qabashada tartankani iyo maalgelintiisaba iyo dhalinyaradii Guusha ka soo hoysay tartankii orodka 21-km, isaga oo sheegay inay kaalintooda ka soo bixi doonaan isla markaana orodyahanaddaasi gacan qaban doonaan, waxaa kale oo uu intaasi ku daray inay Gayn doonaan Waddamada Jaarka ka dib marka ay soo dhamaystaan Orodka ka dhici doona Dalka jabuuti ee ay Qaranka somaliland u matalayaan.

Wasiirku waxaa kale oo uu sheegay inay soo dhawaynayaan cid kasta oo ka qayb qaadanaysa  dhi iri galinta iyo Kor uqaadida dhalinyaradda iyo Ciyaaraha.

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan [Indho-indho] oo ka tirsan Golaha Guurtidda oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku Amaanay Gudoomiyaha hayada ODHA Marwo Faadumo siciid doorka dhiiri galinta ah ee ay la daba taagantahay dhalinyaradda isaga ku dhiiri galiyay inay halkaa ka sii wado, waxa kale oo uu amaan usoo jeediyay Ciidanka Booliska somaliland iyo doorka ay ka  qaata an horumarinta Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha, iyo ilaalinta nabad galyadooda.

Xildhibaan Cabdiqaadir waxa uu ka dayriyay Guriga ay ku jiraan Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud oo uu sheegay inuu kiro yahay isaga oo xukuumadda ugu baaqay inay Wasaaradda Dhalinyaradda iyo  Ci yaaraha u dhisto dhismo ku haboon oo Anfici kara dhalinyaradda.

Madaxa Samafalka Madaxtooyadda Marwo Aamina Maxamuud Diiriye ayaa iyana Balan qaaday  in ay kaalin wayn ka qaadan doonto hagaajinta iyo dhismaha Garoonka timacadde iyada oo xustay doorkii ay dhalinyaraddu ku lahayeen Guusha xisbiga kulmiye sheegtayna in Abaalkaasi Xukuumaddu u hayso.


Gudoomiyaha Dalladda Sonyo Axmed Cabdi Wacays iyo Amiin C/laahi Xaashi oo ka Tirsan Hayadda Wadaniga ah ee Hyda ayaa Balan qaaday inay Qaban doonan Tartanka Orodka Dhalinyaradda  Cus laatay kaasi oo ay sonyo balan qaaday in ay ku beegi doonaan Xuska maalinta dhalinyaradda, hal ka hayadda wadaniga ah ee Hayda ay Balan qaaday inay Qaban doonaan Tartan orod ah oo ay Dugsiyadda waxbarashadda Somaliland ku tartami doonaan.

Gabogabadii Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ee Somaliland ayaa shahaado Sharaf Gudoonsiiyay Gudoomiyaha Hayada Wadaniga ODHA Marwo Faadumo Siciid oo iyaddu Maalgalisay Tartanka Half-maratonka ah.

Waxaa kale oo Abaalmarino lacageed oo kala duwan la gudoonsiiyay Tobankii kaalmood ee ugu horeeyay tartanka OO Kalla ahaa.

1. Maxamed Maxamuud Maxamed $1000

2.Jimcaale Axmed Jibriil $600

3.C/alaahi Muuse Shaqalle:$400

4.Maxamed Xasan nageeye:$200

5.maxamed Cilmi Beegsi :$150

6.Saleebaan Faarax Xasan:$140

7.sakariye Maxamuud Cilmi $130

8.Maxamed Xasan Xaaji Ibraahim :$120

9.C/raxmaan Dayib Xasan:$110

10:C/wahaab Ibraahim Aw Farah:$100



iyada oo madasha lagu soo xidhay Heeska Calanka Qaranka Jamhuuiyadda somaliland.



Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqale_88@hotmail.com
Hargeysa Somaliland