Hay’ada ODHA Ayaa Maanta Tabobar Muddo Laba cisho Ah Soconaayey Usoo Gabogabeysey Ciidanka Asluubta Somaliland…



Hayada Wadaniga ah Ee ODHA Ayaa Maanta Tabobar Muddo Labacisho ah uga socoanayey Hotelka Maansoor Ee Magaalada Hargeysa Usoo Gabbo Gabeysey Qaar Kamid ah Ciidamada Asluubta Somaliland.


Hargeysa (TNN)-Gabo gabadii Siminaarkani waxaa kasoo qayb galley Gudoomiyaha hay’ada ODHA  M arwo Faadumo Siciid Ibraahim, Taliyaha Ciidan Asluubta Somaliland Gen. Maxamed Faarax Xuseen  (X iirane), Taliye ku Xigeenka Asluubta Gen.Xasan Cali Cawad Iyo Xubno Kasocdey Hayadaha Wada  sh aqeynta leeyihiin ODHA.


Tababarkan oo ku saabsanaa qaabka Horumarineed Ee Ciidanka Asluubta ayaa, waxaana lagaga  ha dlayey sidii loo sameyn lahaa Qorshaha labada Sanno ee 2011-2012 isla markaana lagu Horumarin lahaa Ciidanka Asluubta Somaliland.

Gudoomiyaha Hay’ada Wadaniga ah Ee ODHA Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo gabogabadii  tabab arkani kahadashey ayaa sheegtay in ujeedada Tababarkan u qabteen tahay Sidii loo  Horumarinlah aa Ciidanka Asluubta Somaliland.

Waxay Gudoomiyaha ODHA Faadumo siciid kawaran tey qiimaha ay leedahey in la iskaashado iyadoo mid mid usoo qaadatey baraamijyo horumarineed oo lagu qabtey iskaashi bulsho,tusaale ahaa  gu doomoyaha Hayada ODHA Marwo Faadumo Siciid Waxay Sheegteyu in muddo 6 bilood gudahood ay ay ku dhagaxdhigeen kuna dhameystireen xarun lagu daryeelaayo caruurta darbijiifka Somaliland .iyadoo ODHA ay laheyd bilawgii qorshahani islamarkaana markii ay buslhada u bandhigtey ay ka qayb qaateen iyadoo maalintii ladhagaxdhigaayey ay dadku tiyo uheysteen maanta ay u hadhsan tahey uun in la dhameystiro gabogabadii xaruntaasi.

Gudoomiyaha hayada Wadaniga ah Ee ODHA Marwo faadumo Siciid Ibraahim Waxay Kawaran tey sida loogu baahan yahey in la horumariyo ciadamadeena gaar ahaan cidianka asluubta ,waxayna sheegtey Gudoomiyaha ODHA Marwo Faadumo Siciid In Hiil iyo Hooba lagarab istaagi doonaan sidii loo hurumarinlhaa Ciidanka asluubta Somaliland.



Taliyaha Ciidanka Asluubta Maxamed Faarax Xuseen (Xiirane), isaga oo Kahadley Gabogabadii  Tab abarkani ayaa waxaa uu Taliyuhu Amaan u soo jeediyey Faadumo Siciid iyo Hay’adeeda ODHA oo ka caawinaysay Tababarkan, isaga oo tibaaxay Taliyuhu sida ay muhiimka u tahay Aqoontan ay  qaate en Ciidankan la tababaray, isaga oo sheegey Taliyuhu in haddii dedaaladan halkaa laga sii wado la gaadhi doono ujeedada laga leeyahay horumarinta Ciidanka Asluubta, waxaana Taliyaha hadaladiisii ka mid ahaa “Hadaynu joogtayno dedaalka aynu ugu jirno sidii ay uga soo saari lahayn Caruurta Mustaqbal koodii ku lumayo Jeelasha waynu ku guulaysan karnaa, runtii Faadumana (Guddoomiyaha Hay’ada ODHA) aad ayey u dadaalaysaa waanay ku mahadsan tahay Gacantan ay naga siisay  Taba barkan”

Waxaana gabogabadii Tababarkani maanta goobjoog ka ahaa Hayadaha. NRC,Save The Children Iyo Unicef Oo Dhamaantood kamid ah hayadaha wada shaqeynta leeyihiin ODHA.



Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqale_88@hotmail.Com
Hargeysa Somaliland