Hogaamiyaha Udhis Mujaahid Dhaga-Weyne Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Qaadici Doonaan Doorashada Madaxooyada Hadii Aan Lasoo Horaysiin Ta Golayaasha Deegaanka
 


“Rayaale, Axmed Siillaanyo Iyo Faysal Shuruucda Doorashooyinka Ma Badali Karaan, Haddii U rurka Qaran Ka Tagay Xaq Uu Lahaana, Anagu Cidna Uga Daba Fadhhisan Mayno”


“UDHIS ma aqbali doono mana aqoonsan doono doorasho aan loo dhamayn, waxaanu ka yeelaynaana meelbuu noo yaalaaMujaahid Ibraahin Cabdilaahi Xuseen (Dhagaweyne)

Hargeysa, December 13, 2009 (Timacade News) - Hogaamiyaha urur siyaasadeedka UDHIS M uj. Ibraahin Cabdilaahi Xuseen (Dhagaweyne) ayaa shaaca ka qaaday inay qaadici doonaan haddii ay dalka ka dhici waydo doorasho loo dhanyahay kana digay in doorashada  goolayaa sha deegaanka laga soo horaysiiyo doorashada madaxtooyada, isla markaana laga soo  horay siiyo doorashada Madaxtooyada oo uu tilmaamay in distuurka iyo xeerka doorshooyinku ay dhigayaan in doorashooyinka golayaasha deegaanku ay ka soo horayso doorasha  madaxtoo yada looguna tartmo ururada siyaasada, isaga oo intaa ku daray in heshiiskii ay saddexda  ho gaamiye xisbi ku gaadheen in dib loo dhigo doorashada goolayaasha deegaanka lana soo  hor aysiiyo ta madaxtooyada, taas oo ka hor imanaysa xaqqa dastuuriga uu leeyahay inuu ka  qa yb galo urur siyaasadeedka doorshooyinka goolayaasha deegaanka, madaxtooyada iyo  wakiil ada, kuna hanjabay haddii laysku dayo in xuquuqdooda siyaasadeed laga hor joogsado in  go, aano iyo talaabooyin adag ay qaadan doonaan.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka UDHIS Muj. Ibraahin Cabdilaahi Xuseen (Dhagawayne)  wa xa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay wargayska Haatuf xog waraysi kooban oo khaasa uu la yeeshay, kaas oo aanu hogaamiyaha UDHIS wax kaga waydiinay mawqifka ururkooda ee ku wajahan arimaha doorashada madaxtooyada iyo koomishanka cusub ee la soo doortay iyo  is taraatijadooda siyaasadeed ee mustaqbaka. isagoo hogaamiyaha UDHIS Muj. Dhagaweyne ka hadlaya arinkaasna waxa uu yidhi “Kolay anagu urur ahaan doorasho aanu  aqoonsanayn aa haba yaraatee ma jirto mid ummadda iyo ururada siyaasadu u dhanyihiin mooyiye, dooras  ha dii golayaasha deegaanka ee sharcigu dhigayey inay soo hoorayso iyagaa xisbiyadu kasoo horaysiiyey doorashada madaxtooyada, waana doorashadii ay ururada siyaasadu ay ku kala hadhi lahaayeen distoorka iyo xeerarka doorashooyinkuna waxay qeexayaan oo ay  waajib iyeen in doorashada golayaasha deegaanku ay ugu horayso, komishinku waa inay  doorasha ddii goolayaasha deegaanka furaa haddii ay dhici waydo anagu waanu qaadacaynaa cid  wali ba waxa ay donto ayey yeelaysaa doorasho aan ku salaysnayn dariiqada ku xusan dastuurka iyo xeerarka doorashooyinka anagu aqbali mayn, kana qayb gali mayno diyaarna uma nihin , talaabooyinka aanu qaadan doonana meel bay noo yaalaan sidaaa darteed waa qayrul sharci in doorashooyinka si baa marsan qawaaniinta dalka loo maamulo .

Hogaamiyayaasha xisbiyaduna awood iyo xaq toona uma laha inay doorashooyinka kala  tako oraan”

S: Maadaama ay saddexda xisbi badhtamihii June 2008 ay ku heshiiyeen in doorashada golayaasha deegaanka laga soo horaysiiyo, doorashada madaxtooyada ma waxaad leedahay waa qayrul sharci in dib loo dhigo doorashada golaha deeganka ?

J: haddii doorashadii golayaasha degaanka ee shuruucda dalka ku cayinayd la waayey wixii kale ee baal marsaniba waxay noqonayaan wax cid gaar ahi ay heshiis ku tahay oo qayrul sharci ah heshiisna sharci ma badalo waxkasta sharcigaa ka sareeya

S: ururkiina UDHIS ma waxa uu mawqifkiinu yahay in tartanka doorashada golayaasha deegaan ka qayb gashaan maadaama sadexda xisbi ay ku tartamayaan doorashada madax tooyada?

J: doorasha kastaba xaq distuuriya ayaanu u leenahay inaanu tartankeeda ka qayb galno , xaqayagaasna koomishan iyo seddax nin iyo saddex xisbi toona ma hor joogsan karaan cid aanu magan uga noqonayno doorashooyinkana aanu uga daba fadhiisanaynaa ma jirto

S: komishanka doorashooyinka ma ku war galiseen dalabkiina aad ku doonaysaan in doorashada golayaasha deeganka laga soo horaysiiyo madaxtooyada?

J: hadaanu u qoraynaa mawqifkayaga komishanka, labada gole ee baarlamanka guurtida iyo baarlamaanka iyo maxkmada sare ba haday wax ka qaban waayaan arinkaas na saacadaa wixii aanu yeelayno ayaanu go aano cad ku gaadhaynaa

S: Ma waxaad leedahay heshiiskii ay sadexda hogaamiye xisbi ee u taagan musharaxnimada jagada madaxwaynaha , Daahir Riyaale , Axmed Siilaanyo iyo Faysal Cali Warabe ay ku heshiiyeeen in doorashada deegaanka dib loo dhigo ma qayrul sharci bay ku heshiiyeen ?

J: qayrul sharci bay ku heshiiyeen Riyaale, Axmed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe na iyagu shuruucda doorashada ma badalaan kamana sareeyaan sharciga .

S: ururka Qaran oo iyagu doonayey in doorashada deegaanka ay kaga qayb galaan ururkooda siyaasiga ah waa kuwiii sadexda xisbi hogaamiyayashoodu ay ka hor yimadeen heshiiska ay ku gaadheen in doorashada madaxtoyada la soo horaysiinyana ay ugu quus gooyeen iyaga kadibna xaqoodii siyaasiga ahaa ee xisbiyadu ka duudsiyeen ay iskaga hadheen idinku maxaa kaga duwantihiin

Ururkaasi Qaran eed kaga duwantihiin maxaase yeelaysaan hadii laydiin joojinwaayo ?

J: anaga ururka Qaran waxba nagama galin iyagaanay jirtaa hadii xaq ay lahaayeen ay ka tageena anagu xaqayaga siyaasiga ah ka tagi mayno kana tanaasuli mayno.

Source:Haatuf