La dagaalan Argagaxiso mise ku deg deg iyo talax tag koox gaar ah  Marookaaniyiin  

Akhri oo adba garta naq !!!

 

Todobaadkii la soo dhaafay maalintii Khamiistii ee ay bishu ahayd 12/ 03/2009, ayaa maamulka iyo hayadaha ka shaqeeya nabadsugida magaalo madaxda dalka Holland ee Amsterdam, ay dukaan wayn oo magaciisa la yidhaa lKEA iyo dhismo-yaal badanoo ku gadaamanba dadkii ku jiray ka qaxiyeen oo dibada uga saareen, jid-goyana weliba ku sameeeyeen oo diideen inay cidi u soo dhawaato madashaasi, kuna soo daabuleen baabuur gaashaaman oo qalab iyo ciidanka waxa qarxa burburiya iyo booliisba ka buuxaan, kuwaas oo iyaguna markiiba ka hawlgalay goobtaasi, kana baadhay walxaha qarxa oo la sheegay in meeshaasi lagu qariyay oo la dhigay!.

Dhanka kale waxa ay ciidamada booliiska ah ee dhar-cadu iyaguna ku qamaameen guryo cayiman oo sida ay sheegeen ay ku nool yihiin dad lagu tuhunsan yahay inay iyagu ka danbeeyeen falkani argagaxiso ( waa siday iyagu yidhaahdeene ), waxana ay soo xidhxidheen oo jeelka u taxaabeen, saacadu markay ahayd laba iyo tobankii duhurnimo, qofkii ugu horeeyay, iyaga oo kii u danbeeyayna, dad 7 qof ah oo loo haystay arintan ay soo qabteen lixdii galabnimo, dadkaasi oo ahaa 6 rag ah 1 qof oo haween ahaa, da' dooduna ay ahayd inta u dhaxaysa 19-jir iyo 64 jir, oo dhamaantooda ka soo jeeda dal ku yaal waqooyiga Afrika oo la yidhaa Marooko.

Intaa ka dibna waxa shir jaraa-id oo ay ka soo qayb galeen dhamaan qaybaha war-is-gaadhsiinta ee maqalka ( radio ) iyo muuqaalkaba ( tv ) leh ee dalkan Holland qabtay, madaxda sedexda waaxood ee ugu awooda badan Magaalo madaxda oo kala ah, 1- Gudoomiyaha magaalo madaxda, mudane Job Kohin, -2- hogaanka sare ee ciidanka Booliska ee waaxda gobolka Noord-holland, mudane Bernard Welten iyo -3- Madax sare oo cadaalada ah, mudane Herman Bolmaar, oo ka warbixiyay sida ay uga hawlgaleen dhacdadan naxdinta iyo argagaxaba leh, iyaga oo bartaa ka magac dhabay cida looga shakisan yahay inay ka danbeeyaan falkan oo ay yidhaahdeen waa dad ka soo jeeda isir ahaan dalka la yidhaa Marooko..

Waxa markiiba ay war-is-gadhsisinta bilowday inay si balaadhan u baahiso arintii, oo uu taasi ay keentay inuu dhasho dareen farta lagu fiiqayo guud ahaan dadkii ajaanibka ah, gaar ahaana dadka Marookaanka ah oo inta badan aan wax fiican laga sheegin siday doontaba ha ku timaado ( ha jirto ama yaanay jirini ), waxa war-is-gaadhsiintu iyaga oo buunbuuninaya ay isku xidhay oo ay isku nudeen arintan iyo dhacdooyin hore oo ay qaar ka mid ahi ka dhaceen dalal kale, sida dalka Isbaanishka ( spain ) iyaga oo yidhi, mid ka mid ah todobada qof ee la xidhay ayaa cashiiro ku lahaa dad 2004-tii ku qarxiyay Tareen, magaalo madaxda Isbaanishka ee Madrid, oo dabadeed nafatoodana qarxiyay si aan loo qaban, arintaasi oo hada ay ka soo wareegtay shan gu' .

Warwar iyo walaac ayaa dadka Marookaanka iyo Muslinka kaleba leh ee dalkan ku dhaqan arintani ku abuurtay, waxana markiiba caloolyaw badan keenay sida aan sinayn ee dhinaca u dheelisan ee war-is-gaadhsiintu falkan u tabinayso, taasoo xasuuso hore iyo sooyaal ku taxnaa eedaymo falal argagaxiso, iyo aargoosi la soo kulmay dadka Muslinka ah ee ku dhaqan Holland dib u soo noolaysay. Isku soo duuboo waxa dadkii oo dhegtu u taagan tahay oo leh toloow maxaa soo yeedhi iyo maxaa ay arini ku danbayn ee gabalku idiinku dhici, soo baxay warar sheegaya in Booliiskii iyo ciidamadii Burburinta walxaha qarxaa waxba ka waayeen madashii fara madhana kala soo noqdeen, mar qudha ayaa arintaasi ku noqotay warwarkii iyo walaacii aloosmay, biyo dhinbiil dab ah lagu shubay oo darenkii kacsanaa bakhtiisay!!!. Dabadeedna waxa ka soo baxay dadkii Marookaanka iyo Muslinka kale iyo waliba dadka daneeya samo ku wada noolaanshaha neeff qaboow, waxana mar kaliya bilaabmay in war-is-gaadhsiintii ay ku jeedsato dawladii oo la waydiiyo, waxa keenay inay arin aan dhab ahayn oon si fiican loo lafo gurin dibada loola soo cararo oo weliba dadka qaarna lagu SHAABADEEYO eed aan jirin!!! Waxay taasi keentay oo sandulaysay in Booliiska, maamulka magaalada iyo cadaaaladu ay sheegaan isha ay ka heleen warka iyo sida ay ugu qanceen xogahii uu warkaasi xanbaarsanaa, ishaasi oo ay ku sheegeen,Telefoon laaga soo diray magaalo madaxda dalka Biljamka ee Brussels, iyaga oo raaciyay in qofka soo diray warkaasina ahaa ruux Dumara!. Waxana isla markiiba xoriyadoodii loo sooceliyay dhamaan dadkii la xidhay ee 7-da qof ahaa.

Waxa ay arintii ku soo gabagabeeyeen inay baadhitaan ku wadaan qofkii soo diray telefoonka oo ay ka gun-gaadhi doonaan waxa keenay inay waxaan jirin gudbiso, waxana ay waji gabax ku noqotay arintan dhicisoowday dhamaan dadkii arinta gacaanta ku lahaa, oo hada isku dayaya inay si kasta oo ay ku soo celin karaan kalsoonidoodii dhaawacantayba sameeyaan. Dhanka kale waxa ay eedaasi beenowday u noqotay dadka Marookaanka ah, arin ay ku garnaqsan karaan oo weliba ay raali galina ku dalbana karaan, mida kale si kastaaba badane hadiiba ay tanoo kale dhacda aayahana, keenaysa in loo buub reebi dooni oon si fudud farta loogu fiiqi doonin, dhinaca kale dadka maskaxda furan leh, xagooda waxa durba ka soo baxaya dhawaaqyo badanoo dawlada ku boorinaya inay xaal mariso dadka Marookaanka ah ee dhibanaha arintan ku noqday guud ahaan iyo gaar ahaanba.

Gabogabo, sida aad adba akhristoow ogtahay maaha wax ugub ah oo cusub dhacdadani ( eedayn aan cadayn loo helin ) iyo kuwa sawaabiyaaba, waxana ay ka mid tahay waxyaabaha ku soo kordhay dunida intii ka danbaysay qaraxii daarahii dhaadheeraa ee Maraykanka 11/09/2001.Waana cabsiyaha iyo kala fogaanshaha beryahanba ka dhexjira dadyowga kala isirka ama diinta ah ee dalalka qaar ku wada nool, waxana hubaal ah in sida hada ay wax u socdaan nin guul-leh noqonayn nina guul-darayste, ee aynu dhamaanteen dhibane wada noqonayno naca iyo xumaantuna ina wada saamayn doonto, mana aha sida kali ah een ku sandulaysanahay inaynu u qaabayno nolosheeno, waxa hubanti ah inay jiraan siyaalo kale oo ka wanaagsan oon ku wada noolaan karo, oon ahayn kala sooc iyo kala qoqob ku salaysan '' anaga iyo idinka ama aniga iyo adiga '' , ee ah '' inaga '' oo ay dhab tahay inay inoogu badin lahayd. Wacnaan lahaydaa aduunkanoo loo walaaloobaa ku wada noolaaanshahiisa !

 

Somaliland ha jirto oo ha joogto.

 

 

 

Qoraagii Weynaa:Cali Cumar Xasan