ISMAACIIL BUUBAAYO HOOYADII KA GUURE
AAYADII UMA NEGAADO


 



Mahad oo dhan Illaahay baa leh akhristayaal idinkana waan idiin mahad celinayaa,Bahda Warbaahin tana salaantii inoo dhaxeysey ku soo dhowaada.

Taariikhdu maalinba mid bay meel kaga tagtaaye maantana ma Ismaaciim Hure ayey xoortay, oo Ca ndhawadha kaga dhaqaaqday. Ismaaciil waa nin weyn, waa aqoon yahan ku dhashay, ku barbaaray , waxna ku bartay cariga Somaliland, ku guursaday waxna ku noqday dhulkaas Illahay dadkiisa ku m annaystay, weliba Soomaalidu waxay tidhaahdaa Gaal dil, gartiisana siiye markii Halganka iyo Dulmi-diidka Ismaaciil waxa uu ahaa nin wax ku lahaa, waxaad kaloo ka warqabtaan in Ismaaciil ka mid no qday raggii uu Madaxweynihii hore ee Cabdiraxmaan Axmed Cali u diray Soomaliya markii Jabhaduhu qabsadeen Soomaliya ka dib markii uu cararay macangaggii Siyaad Barre, Waftidaas oo uu hoggaam inayey Guddoomiyaha Golaha Guurtida ee Soomaliland maanta, markii uu sida adag u diidey Guddoo miyihii waftidu waxyaabihii uu la gola yimi Hogaamiyihii USC oo markaas ahaa Caydiid, laysna mari wa ayey, waftigaas waxaa ka saydhmay Ismaaciil iyo Cismaan Jaamac Illaa maalintaas, Ismaaciil waxa uu ku maqnaa Baadi, kagana maqnaa Dadkii iyo Dalkii uu ku dhashay,ku barbaaray, ku guursay, wax na ku noqday, waxaana uu la walaalo noqday dad ka soo horjeeda wanaagga, wax-wadaqabsiga, n abaddda, horumarka, wax noqoshada Ummadda Reer Somaliland. Taas ayaa muddo 20 sanood ka d ib dhaxalsiisay inuu ku hadlo Taariikh madaw oo ah bar aan weligiis ka goŽayn inta uu nool-yahay , Xabaashana la geleysa, ubadka uu dhalayna loogu maahmaahi-doono.

Soomaalida ayaa ku maahmaahda Hooyadii ka guure, Aayadii uma negaado , oo ah qof Hooyadii dha shay,ee barbaarisay,ee Naaskeeda ku dudey,ee Qaan-dhaadka ka dhigtay, la heshiin-waayey,ta ka le ee adeerkii qabona lama heshiinaayo waa maa hmaah aan laaxin laga goyneyn, taas miyaanu Ism aaciil maanta mutaysan, mise aniga ayaa gefaya Tolow?.

Ismaaciil Xayawaanku waa kala yaqaan,Xaafadduu yahaye, xigtona Baaniyaaladu weysugu xubeert aana, Xaashaa-Lillaahaye maxaad Somalilaand uga xishoonweydey.!!!!!!!!!!!

Ismaaciil, waxaan ku geba gebeynayaa sheekadan yar ee gaaban ee i soo martay waqtigii Halgan ka: Bile Caabbi waxa uu ahaa odey adeerkay ah oo inan-layaal u ah Reerka Ogaadeen, waxa uu de ganaa magaalada Qabri-dahare, berigaas waxa dhegtiisa ku badatay Isaaq waa la dabargoynayaa, ee meesha ay degaana dad kale ayaa qaadanaya, markaas ayuu anigoo Jabhad iska ah ii yimi, waa ila faqay isagoo Jamhadda kale ka qarinaya Fareriinta uu sido, waxa uu ii sheegay meesha uu ka yim i, iyo waxa uu u socday, ama sirta uu ii sido, waxana uu iga codsaday inaanan inta kale u sheegin.

Maxay Sirtii noqotay Ismaaciilow: Isaaq waa la cidhib-tirayaa,muddo dhow bay bilaabaneysaa,hadd a waxaa niman Reer-Cabdille ah oo aanu xidid nahay ka codsaday in lay maggan-geliyo Jilib hoosaad kayga, Ogaadeenna layla tago si ay Siyaad iyo Xulafadiisa oo markaas Ogaadeenku ahaa kuwii ugu xoogga badnaa magan gelyo reer hoosaadkeyga la ii siiyo, waana layga aqbalay buu ku dhammeeee yey Sirtii.

Bile Caabbi markii uu dhammeeyey baan ku idhi adeer, ma sidaas baad la socotey oo iigu timi, haddii ay sidaas tahay oo Isaaq dhammaado, Reeraha ka hooseeya dhammaadaan, oo jilibkeenu dhammaa do, Jifideenuna ha raacdee ku noqo meeshaad ka timi,adiguna ku badbaad, hortaydana ka dhaqaaq haddii aad Illaahay taqaan uma egid nin Illaahay Abuurtiisa Cilmi iyo caqli midna u lehe.

Ismaaciil ayaan arrintaas u wadaaye waxii Illaahay qaderey waa qaderey waad ogeyd adba, ee od eygii ayaan 2007dii ku arkay magaalada Burco, iyadoo aad u cammiran, isagoo gaboobey oo Gadhka cayseytay, oo Tusbax dhawr boqol ah wata oo ruaxaya wuu i todeydey waa la ii sheegay, dabadee d waan qoyslay, markuu i weydiiyey waxaan ku qoysalayo ayaan xasuusiyey Sirtii uu ii keenay 1988 iyo badbaadadii uu u waday Jifidayada, waxa uu ii sheegay maantana inuu ku kacsan yahay Wadda addda yar yar niman uu ugu yeedhay oo uu la socdo niman la yidhaahdo Timo-weyn kuwa ka soo ho rjeedana la dagaalamayo,messhana taas u joogo, waxaana iiga muuqatay nin maalin-walba taageer san wax aan cilmi ku jirin.

Sheekadaas waxaa maanta i xasuusiyey waa u dhammaatay Gobolada Waqooyi, oo aad ku macne ysay waxaa ku kacay ama Somaliland diidey Cali khaliif, iyo ninka sheegtay inuu ka wakiil yahay dad ka Awdal dega ,saw maaha arrinku sidaas Ismaaciil. Haddii arinku sidaas yahay oo aad qabto ama arrinkaasi kaa yimi waxaan kugu sagootiyey Cirradaa Coontaye, Gu'na maad jirin, garashona waad nacday baan u maleynayaa, laakiin anigu waxaan qabaa hadalkaasi waa lagaala Hanweynaa, laakiin dee Tareenku halkaas ayuu kaaga tegey,ee garawso Taariikhdaas madaw, Ar-dambena waqtigeed halka adeerkay ka jooggo ayaad adna adeer ku dambeyn doontaaye ee waxaad yeeshaa annaga h addii ay noo dhammaato Rajada aan qabno iyo haddii kaleba Illaahay waxaa ka quusta, ku aan Diin ku filan lahayne waa ka sugeynaa rajo wanaagsan Illaahay ,ee adigu Reerka meel uga hoyo oo mag an gelyo doono sidaas adeerkay Bile Caabbi maalintaas qabay ee qaldaneyd uun baan adna ay ku tustaye dee nasiibkaa Ismaaciil.
 

 

 

 

 

 

Muj. A. S. Botan
ahmedsbotan@gmail.com.
ama a-botan@hotmail.co.uk