Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim Dheere) Oo Wergeyska Economist’e ee Dalka France u aqoonsaday ninka ugu maalqabaysan Dunida afka Soomaaliga ku hadasha shaacisayna hantidiisa


 

 


Paris (TNN)– Wergeyska Economist ee ka soo baxa dalka Faransiiska , ayaa todobaadkii hore wuxuu shaa ciyey liis dheer oo ah maal-qabeenada ugu lacagta badan qaaradda Afrika wuxuuna markii ugu hor aysay liiska ku soo darray dadka Afka soomaaliga ku hadla oo yeeshay Hantiile leh lacag aad u tiro badan.

Wergeysku wuxuu u aqoonsaday ninka ugu ladan ama ugu lacagta badan qaaradda Afrika Ninka la gu magacaabo Aniko Dangote oo dhalashadiisu ka soo jeedo dalka Nigeria oo ka ganacsade Sifaynta Sonkorta iyo Milixda ninkaasi oo Wergeysku sheegay inuu haysto lacag qadarkeedu dhanyahay 13.8 Bilyan oo dollarka dalka maraykanka ah.

Waxaa iyaguna kaalinta labaad soo gallay laba nin oo ka soo jeeda dalka Koonfur Afrika oo la kala yidhaahdo Diamond Magnete iyo Nicky Oppenheimer oo leh shariikadd keliya oo dahabka ka ganacsada oo haysta hanti dhan 6.5 Bilyan Dollar.

Markii ugu horaysay ayaa Wergeysku wuxuu sheegay in ninka ugu ladan Dalka Jibouti iyo dhulka So omaalidu degto uu yahay Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim Dheere) oo Wergeyska Economis t’e she egay inuu haysto lacag qadarkeedu dhanyahay 1.6 Bilyan dollarka maraykanka oo u dhig anta 1.2 Bilyan Lacagta Euro-da ah una sii dhiganta 1.1 Bilyan oo lacagta Sterling dalka ingiriiska ah, Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim Dheere) ayaa wergeysku sheegay inuu lacagta ugu badan ka sameeyey gan acsiga cuntada la quuto (Food Industry) isagoo u dhoofiya in ka badan 20 Daw ladood oo qaaradda Afrika ku yaalla iyo weliba Shariikado caymiska ah oo ku yaalla Koonfurta iyo Badhtamaha Afrika oo u badan dalalkii Faransiisku gumaysan jiray.

Waa markii ugu horaysay ee la shaaciyey hantida nin u dhashay jinsiyadda Soomaalida isla mark aan a ka soo jeeda Somaliland balse deegaan ahaan degen dalka Jibouti inuu haysto hanti qadar keedu kor u dhaafay Bilyan.



Paris
abdisamad sheekh