ILAAHAW NA DIL OO HA NA DOORIN ABWAAN SINGUB OO AAD ISU BADALAY LANA BAXAY MR QASAAYE QABIIL QAATAY

 

Abwaan:Siciid Cabdi Dheen


MA TAQAAN MAXAMUUD CABDILAAHI SINGUB

Waxaan aaminsanahay in dadka ku hadala luqada soomaligu ay aad u yaqaanaan
abwaanka wayn ee caanka ah .
Markaad abwaan iyo hal abuur soo qabsato waxa markiiba maskaxdaada ku soo dhacaya rag badan oo uu singub ka mid ahaa

1.maxamed cumar [huryo]
2.axmed saleebaan bide
3. cabdi aadan [cabdi qays]
4.hadraawi
5. xasan qawdhan
6. cali sugule
7. iyo abwaankeenii waynaa singub

Hadaba maxay tahay waxa dooriyay singub ee sharaftii iyo karaamadii ka xayuubiyay  ma xay tahay waxa keenay inuu abwaanku ka soo dego heerkii uu taagnaa kuna hoos celiyay meel aan u qalmin.[ilaahaw na dil oo ha na doorin]ragan kor ku xusan hadaan mid ka mida soo qaato iyo sumcada ay umada dhexdeeda ku leeyihiin.


Waxaan soo qaban karaa MUDANE ABWAAN HADRAAWI
Hadraawi waxa loo qabtay xaflado badan oo aad loogu xusay taariikhdiisa Waxa loogu  mag ac daray meelo badan sida dugsiyada wax laga barto iyo rugaha caafimaadka, xataa  wa xaad arkaysaa cadarada oo qaarkood asaga loogu magac daray sida [ hadraawi cadar] in kastoo shakhsiyan aan ka soo horjeedo in cadaro loogu magac daro abwaanka waayo cadarka iyo waxaasi waa shuqul dumar balse kolay waxay ka wadaan oo kaliya waa QADA RIN IYO XISHMAYN ay abwaan hadraawi u hayaan.

Hadraawi wuxuu ahaa ninkii horkacaayay wafdiga balaadhan ee ilaa kismaayo socday  qas digooduna ahaa nabadaynta umada iyo isu soo dhawaynta shacabka asagoon qabiil iyo reer hebel midna eegayn.

Hadaba singub oo aan lahaa DARAJADAAS oo kale ayuu leeyahay ama waabu ka sarayn sawkan HABAASKA BUDHAA KU HAYA MAAHA.
Maxaa casilay singub ee hooos ugu celiyay qabiil iyo qabyaalad Singub oo aan lahaa  maa nta wuxuu dadkiisa baahan ee gumaysiga ku hoos jira ayuu inta itaalkii magaalada  Harga ysa gabood uga samayn .asagoo adeegsanaya macrifadii waynayd ee uu u lahaa  somalil and ayaa maanta asagii noqday WIIL YAR OO JABHADAYNAYA asagoo marba hees yar iyo rasaas yar meel kasoo ganaaya.


AAdbaan ugala hanwaynaa intan abwaan maxamuud cabduilaahi singub Waxa abwaanku dhulka jiiday nagacii waynaa ee soomali aad u taqaanay laguna bartay hal abuurnimo, maja ajilo iyo waliba asagoo abwaanku markuu doono heesa.

Waxa ila quman in singub maanta magaca badalo lana baxo MR QASAAYE QABIIL QAATAY.
Magaca maxamuud cabdilaahi singubna uu taariikhdiisa soo afjaro una daayo darajadii uu lahaa .[HIBO EEBE KU SIIYAY HABEEN LAYSKAMA QAADO] Waa xaqiiq in qofku sida uu u dhaqmo karaamadiisuna ahaanayso

Hadaba waxaa leeyahay mr qasaaye qabiil qaatay heestaadii ugu danbayday ee u dhiibtay alfanaana saado cali.MA ka fikirtay marka hore waxaad ka hadlaysaa inay suurtoobi karaan ama socon karaan. MR QASAAYE QABIIL QAATAY waxaan ku leeyahay wali miyaad aragtay diyaarad ka soo kacda madaarka magaalada oo ka dibna duqaysa isla magaalada ay ka soo kacayso.mr qasaaye qabiil qaatay waadigii hargaysa joogay markii duqayntaasi dhacaysay ee askarta iyo saraakiisha diyaaradaha iyo madaafiicda ku garaacayay hargaysa ay isla magaalada ay duqaynayaan hadana u soo qado tagi jireen markay joojiyaan duqaynta.
SAW ma xasuuusatid marka ay dukaamada soo galaan ee dumarka iyo caruurrtu ku odhan jireen WAAR MAA NAGA DAYSAAN MADAAFIICDA IYO DUQAYNTA waxay ugu jawaabi jireen adigu waad ogayd [ QOSOL IYO CAYAAR CAYAAR WAXAY ODHAN JIREEN HAL MAAALIN KA BACDI WAA LA JOOJINAA ] Adigaa ka markhaatiya oo waqtigaa hargaysa joogay ahaana gudoomiyihii tiyaatarka magaalada hargaysa. MR qasaaye qabiil qaatay adaa ka  markhaa tiya in xaqdaro meesha ka dhacday

Maanta oo halgan dheer la soo galay horumarna la gaadhay ma kula tahay in sidaada in dib loo noqonaayo jawaabtu waa maya.Ma kula tahay in calankan la taagay layska taagay oo cayaar cayaar loo taagay jawaabtu waaa maya cayaar cayaar looma taagin. Miyay kula tahay in cayaar cayaar dabka loogu guray intii mujaahid iyo mujaahidad loogu jeclaa.
MR QASAAYE QABIIL QAATAY BAL MARKA HORE CAQLIGA KAGA YARA SHAQAYSII  INTAD AN HEES ISKA SOO MAGUUJIN.

Mr qasaaye qabiil qaatay ma maqashay in diyaarada daalo dhawr jeer dhici gaadhay oo maxay u dhici gaadhay.Marka dayaaradu soo gasho hawada somaliland ee pilotku sheego in hada dayaaradu dul marayso hawada somaliland ayaa dadku hal mar qaylo is qabsataa
ayagoo ku dhawaaqaya erayo wadaniya iyo kalgacayl ay u qabaan somaliland ka dibna  wa xay bilaaba sacab iyo cayaar iyo farxad taasina waxay keentaa in dadka badankiisu  waq tiba u waayo inuu suunka xidho .

Balse marka pilotku dhawr jeer hadlo ayaa la kala fadhiistaa oo suunka la xidhaa si  dayaar adu u gududato safarkeeda.mr qasaaye qabiil qaatay GUDCUR AYAAD GUDAYSAA umada ilaa xad sidaa u jecel dalkooda ayaad leedahay SANDULE IYO QASAB AYAA LA IDINKU YEELSIINAYA SOMALI WAYNKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK AAD BAAN UGU QOSLAY .

Gabagabdii


Hadii ay busaaradii iyo colaadi aad idiin saamaysay horta may ahayn inaad xaasidnimo  mar ba aflagaado soo tuurtaan.Anagaaba ilaa 50 kun oo qaxootiya idiin hayna dadka idin  caaw iyayna anagaa ugu badan ee idin siinay meel aad ku nasataan oo nabad ku heshaan laakiin ABAALKA MA GUDAAN.Hadaba ma laga yaabaa heestaada mooyee INAAD FIDNO HADA AAN DADKU OGAYN INAAD ABUURTO. ma laga yaabaa mr qasaayoow inaad dadka wax fahansiiso oo qabyalada aad rabto lagula wado.mr qasaaye qabiil qaatay waxaan talo ku odhan lahaa AWOOW SALAADA ISKA TUGO OO ISKA CIBAADAYSO qaskana iska dhaaf iyo afaara qabiilka XAGAA IYO AAKHRIRO AYAA MALAA KULA HABOON INAAD WAX HOR MARSATO


wabilaahi tawfiiq

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London