Maamulka Timacade News,wuxuu ka codsanayaa dhammaan shacabka Somaliland,Xukuumadda  iyo umadda muslimiintaba ,inay ilaahay dartii ugu soo gurmadaan Hooyo  Xabiiba Jaamac Caynaashe

 

 

Anigoo ku hadlaya magacayga,Eng. Maxamed Cali Muse iyo ka dhammaan Bahweynta Timacade News,ee ku kala sugan dunida dacaladeeda,annagoo ka damqanayna,lana qaybsanayna  dhibaatada haysata Hooyo Xab iiba Jaamac Caynaashe,oo haysata saddex wiil oo ay dhashay,oo maskaxda ka buka,waxaanu ka codsanay W eriyhayaga magaalada Hargeysa,Guuleed Muxumed Ibrahim (Guuleed Yare), inuu soo ogaado xaalada dhabta ah ee  qoyskaasi ku sugan yihiin.

Walaalayaal bal aan wada dhagysanno,wareysigii  TNN la yeelatay Hooyo Xabiiba ,oo runtii markaad dhagye sataan aad ka damqan doontaan :-

 

 

 

Rabigeen subxaana watacaale,waxba uma waayin,gacantiisa ayaanay ku jirtaa inuu dhibaatada ka dul qaado hooyo Xabiiba iyo wiilasheedaba,laakiin waa qaddar Alleh,waana imtixaan ilaahay dhammaanteen ku eegayo bal sideynu ka yeello iyo halkaynuu dhignno.

Maamulka Timacade News,Ilaahay dartii ayay gacan uga geynsan doonna,dhammaan shacabka Somaliland iyo umadda Muslimiinta ahna,waxaan ka codsanaynaa inay u soo gurmadaan,qof walbbana wixii uu  awoodi karo aakhiradiisa iyo sanduuqa xasanaadka ku buuxsado.

 

Kala xidhiidh Weriye Guuleed Muxumed Ibrahim: 00-252-2 4463019 Hargeysa , Somaliland

 

Rabbi waxaan ka baryayaa inuu dhammaanteen wanaagga inaa garansiiyo,if  iyo aakhirana innaga yeelo ku wii liibaana , aamiin, aamiin,aamiin

 

 

 

Maamulka Timacade News Network TNN