Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Sh. Shariif Uu Damacsan Yahay Inuu Ra’iisal Wasaare Ka Dhigto Nin Ka Mid Ah Ragii Ka Danbeeyey Xasuuqii Jaziira Ee Lagu Gumaaday Shacabkii Somaliland Ee Deganaa Muqdisho

 



“Xasuuqii Ka Dhacay Rwanda Waxa Ka Xumaa Kii Shacbigeena Lagula Kacay”

“Professor-Da Walaalaha Ah Cilmigoodii Waxa Baabiiyey Cuqdad Nafsi Ay Ka Qabaan Dalkii Ay U Dhashe en”
Eng. Faysal Cali Waraabe



Hargeysa, October 12, 2010 (TNN) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali  War aabe ayaa si kulul ugu eedeeyey Madaxwaynaha xukuumada Taagta daran ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed inuu cadaystay cadaawada uu u qabo Ummadda Somaliland, kaas oo sheegay in Sheekh Shariif uu damacsan yahay inuu Raysal Wasaare ka dhigo nin magaciisa la yidhaahdo Col. C/qaadir  She ekh Cali Diini oo ka mid ahaa saraakiishii Rajiimkii Siyaad Barre ee ka dambeeyey xasuuqii Xeebta Jaziira ee laayey dad badan oo reer Somaliland ah oo ku sugnaa Muqidhso, waxna aan galabsan.

Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ku tilmaamay Ra’isal wasaaraha uu soo wado Sheekh Shariif  nacaybshi yo uu u qabo Ummada reer Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale ka hadlay arin baryahanba  hadal  hay nteedu badnayd, taas oo ahayd in Koox aqoon yahano ah oo ka soo jeeda deegaanka Awdal ay wada an arin ka dhan ah Somaliland, isaga oo ku eedeeyey inuu hormood ka yahay Prof. Axmed Ismaaciil  Sa mater iyo walaalkii, balse aanay bulshada reer Awdal la qabin fikirkooda.

Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaas ku sheegay mar uu xalay khadka  tilifoon ka ugu waramayey Haatuf isaga oo ku sugan caasimada Hargeysa, ayaa sidoo kale waxa uu kaga had lay booqashada uu Madaxwayne Siilaanyo shalay ku tagay Miiska Saraaakiisha ciidamada qaranka, hal kaas oo loogu soo bandhigay naqshada darajada ciidamada Somaliland.

Ugu horayn Eng. Faysal Cali Waraabe isaga oo ka hadlaya Ra’isal wasaaraha uu Sh. Shariif Soo wado  w axa uu yidhi “Ninka la yidhaa Col. C/qaadir Sh. Cali Diini ee la sheegayo in Madaxwaynaha Dawlada  Som alia ee taagta daran Sh. Shariif uu ka dhigayo Ra’isal wasaare waa nin ka soo jeeda Beesha  Mareexa an, inkasta oo ay beeshaas tahay ta qudha ee inoogu aflagaadada yareyd Beelaha kale, hada ninkan la sheegayo in laga dhigayo Ra’isal wasaaraha waa nin ka tirsan ragii tacadiyada u geystey shacbiga S omaliland, waana nimankii sida wayn uga qayb qaatey xasuuqii Jaziira

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID mar uu ka hadlayey dhibaatada shacbiga Somalia ka haysata dagaalada aan kala go’a lahayn, waxa uu yidhi “Sh. Shariif waxa uu cadeeyey cadaawada uu u hayo Ummada Somaliland, mar haduu damacsan yahay in uu Ra’isal wasaare ka dhigo nin ka mid ahaa hogaamiyayaashii dadka reer Somaliland ee aan waxba galabsan ku xasuuqay Xeebta Jaziira. Aduunku wuu ogyahay in Somaliland iyo Somalia ay kala mareen laba wado, waanay ogyihiin dawlada caalamku in aanay Sina iskugu imanayn oo Somaliland 1991-kii ka tashatey Aayaheedii, Madaxwaynahaas  dawla diisu fashilanteyna waxa u ayaan daro ah in Ciidamo xasuuqaya shacbigiisa uu dhexmushaaxo. Sh. Shariif Somaliland wax uu yeeli karaana ma jiraan oo isagiibaa magaaladiisii aan gacantaba ku haynin”

“Sh. Shariif isku heli maayo in uu yidhaa Nabada Somaliland waanu ku faana, Sh. Shariif Cadaawada uu Somaliland u qabo waxa cadaynaya soo ururinta hadhaagii faqashtii, waa Nacaybshiyo wayn in uu shacbiga Somaliland sanka ka marmariyo oo uu Ra’isal wasaare ka dhigo Hogaamiyayaashii Xasuuqii Jaziira, dhawaana waxa uu Maraykanka iskugu soo ururiyey Kornayladii ugu axmaqsanaa xiligii dawladii Milatariga ahayd ee macangaga ahayd ay ka talinaysay halkan”

Eng. Faysal Cali Waraabe isaga oo baaq u diraya xukuumada Somaliland, waxa uu yidhi “Xukuumada So maliland waxaan u soo jeedinayaa in ay furto xafiis dadka ka qoro wixii loo geystey oo ay caalamka ka furtaa kiisas ka dhan ah gacan ku dhiiglayaashaas, Xasuuqii ka dhacay Rwanda waxa ka xumaa Kii  Sha cbigeena lagula kacay, waa in dawladeenu u hawl gashaa sidii caalamka loo tusay xasuuqyadii Rwand in kuweenana loo tuso”

Mar uu Guddoomiyaha UCID ka hadlayey arimo Somaliland ka dhan ah oo la sheegay in ay wadaan koox qurbo joog ah oo ka soo jeeda Awdal oo uu horkacayo Prof. Axmed Ismaaciil Samater, waxa uu yidhi “Arinta laga soo sheegayo Prof. Axmed Ismaaciil Samatar iyo walaalkii waa arin aad u fool xun, laakiin figradaas lama qabaan nimankaas shacbiga Gobolka Awdal, hadalkaas aadka looga xumaadana waxa keenay Saami qaybsigii xukuumada. Labada Professor ee walaalaha ah Cilmigoodii waxa baabiiyey Cuqd ad Nafsi ay ka qabaan dalkii ay u dhasheen”

Mar uu ka hadlayey Socdaalkii Madaxwayne Axmed Siilaanyo ku tagay shalay Xarunta Miiska  Saraakiis ha ee Ciidamada Qaranka ee sida warsaaxafeedkii ka soo baxay madaxtooyada lagu sheegay in uu  ma daxwaynuhu soo eegayey qorshe nashqad loogu sameyeeyey darajada ciidamada, waxa uu yidhi “Waa wax wanaagsan oo lagu farxo in ciidamadeenu helaan darajo, laakiin hadii ay dhacdo in ciidamadana  d hinac laga raro sida mansabyada kale ee xukuumada, waxa dhacaya saluug ka wayn kan aynu hada  ar kayno ee saami qaybsiga beelaha, markaa waa in laga taxadiraa arintaas. Waa in xukuumada Siilaanyo ka taxadirtaa Talaabadii xukuumadii Rayaale tababarka Saraakiisha ugu diri jirtey shaqsiyaadka gaarka ah ee loogu talo galay”.

Source:Haatuf