In Anigana Tog-Wajaale Laygu Toogto Dawladuna TV GA Iga Caayaan Adeer Ma Yeelayo, 6 Biloodna Ma Ogolin Ee Dawlada Dhexda Soo Dhiga Faysal

 

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inaanu ogolayn in lixda bilood ee Guurtidu u kordhisay uu xilka sii hayo Madaxweyne Rayaale, isla markaana uu diyaar u yahay in meel dhexe laysugu yimaaddo, doorasho deg-deg ahna la galo.


Faysal Cali Waraabe, oo maanta ka qaybgalay Munaasibad lagu xusayay 28-guurada ka soo wareegtay maalintii la aasaasay Ururka SNM 6-dii April 1981-kii oo maanta ku beegnayd, taasoo ay Ururka Sooyaal iyo Xukuumaddu soo abaabuleen, isla markaana lagu qabtay Huteel Ambasador ee Magaaladda Hargeysa, waxaanu Faysal ka hadlay arrimo xasaasi ah oo wakhtigan taagan. Sidoo kale, Guddoomiyaha UCID, ka waramay sooyaalkii taariikheed ee Ururka SNM oo dalka ka xoreeyay Xukunkii Siyaad Barre.


“Muran kuma jiro inay SNM taariikh samaysay, Shaki kama jiro inay SNM baabi’isay quwaddii dawladaha Afrika ugu wayneyd. SNM umay dagaalimin inay xukunka qabsadaan, ee waxay ka dagaalameen markii loogu yimi Shaqadoodii, dantoodii, Caarkoodii, ayay dagaalameen, cadaw iska caabi ayaanay ahaayeen, Illaahayna wuu ku guuleeyay.” Ayuu yidhi Faysal Cali


Waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay Guddoomiyaha UCID, in Soomaaliya ay ka abuurmeen saddex Jabhadood oo xornimadoon kuwada magacawnaa, hase ahaatee, SNM oo kalaiyi ay ka guulaysatay hadafyadooda oo kala duwanaa darteed, Guddoomiye Faysal oo arrintaas ka hadlayaana, waxa uu yidhi, “Saddexdii Urur laba way baydheen, midi waxay ahayd SSDF oo muraadkeedi wuu socon waayay, USC, ninkii Caydiid ayaa waday oo ninkiina wuu ka dhintay, SNM way najaxday Xagga Millatariga, iyaduna xaggii siyaasiyiinta ayay goblin ka ahayd. Waa Illaahay mahaddii haddii dadkii la adeegsan jiray ay maanta ay isdhaleen oo carruuro, halka ay weli siyaasiyiintii halkoodii taagan yihiin.”


Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, mar uu ka hadlayay xaaladda siyaasadeed ee wakhtigan dalka ka taagan waxa uu yidhi, “Maanta arrintan taagani uma baahna in lays dhaliilo, uma baahna in lays qabqabsado, ninna nin odhan dawladdu ma jirto, laakiin waxaanu leenahay dawladda wakhtigeedi wuu dhammaaday. Dastoorku waxa uu sheegayaa in Xukuumadda la soo doortaa ay shan sano talada hayso, dastoorka meel ay kaga taalaa ma jirto dawlad Somaliland ahi talada haynaysaa ma jirto. Sannadkii hore ee (Guurtidu kordhisay), Annaga ku keenay wadahadal iyo is-afgarad laakiin muu ahayn kii Guurtida, ee markaanu wadahadalay ayaanu u ogolaanay.”


“SNM umay dagaalamin in Masuulyiintu Cashuurta cunaan, SNM waxay u dagaalan tahay inay dadkani Iskuul helaan, Caddaalad helaan, inay wanaag helaan oo ay shaqo helaan weeye. Ma soconayso October oo 6-bilood idiin kordhin mayno, ninka ku riyoonaya lix bilood baa laguu kordhinayaayoow ma yeelayno. Waxa weeye wakhtigii wuu dhamaaday Komishankaana xaq u leh inuu muddada cayimi. Dawladdu waxay maanta waddaa qas, waxay leedahay dad baa xumaan wada, iyana way la waddaa baan leeyahay, xilkuna wuxuu saaran yahay dawladda.”


“Dawladda tidhi Huteel laguma shiri karo, oo Waddo laguma shiri karo, oo Tog-Wajaale lama tagi karo oo haddaad tagto waanu ku toogan, markaa Ninka maanta isaga oo aanu sharciyaddiisa isku haysano ii diiday inaan soo eego dadka Biyuhu qaadeen hadhawto siduu iigu ogolaanayaan inaan kaambarayngareeyo, yeeli mayno ee dawladda halkaa soo dhiga, dawlad dhex-dhexaad ah ayaynu dhisanaynaa. Salaadiinta waxaanu jecelahay inaanu UCID ahaan arrinta meel dhexe keeno, Annaga nalaga maqli maayo dawladi ma jirto, Guurtida waxeedu waa sharcina nalaga maqli maayo, meel dhexe ayaanu isugu imanaynaa Guurtiduna xaq umalaha inay wakhtiga cayinto, salaadiinta waxaan u sheegayaa dawlad xaalaal ah oo noo illaalisa doorasho sidaanu u samaysan lahayn baanu ka tashanaynaa.”


“Laakiin in Annigana Tog-Wajaale laygu toogto iyaguna ay TV-ga iga caayaan taa Adeer ma yeelayo. Waxaan leeyahay ha keento dawladdu tanaasul, dawladdu ha ogolaato wadatashi, wixii ilmaha u dan ah ayaa umushana u dan ah, dalkani waxxa uu ku soo noolaaday wada tashi iyo isu tanaasul, laakiin Guurtibaa iigu dhuftay oo waan seexanayaa walee inaan lagaa yeelanaynin, MAY…May la yeeli maayo waynu isu imanaynaa, wixii caddaalad ah ayaynu ku dhaqaaqi, lix bilood uma argon dantii dalka, uma aragno dantii Somaliland, waxa Somaliland lagu iibinayaa waa doorasho, haddaan doorashada dib u ridno waa layna illoobayaa., markaa waxa weeye inaynu doorasho degdeg ah galaa, wakhtiga Komishanku soo sheego ogolaanaa,oo aynu isugu nimadnaa. Dadkana halaga daayo hadalada dagaalka dalka ka ridi kara.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay oo uu yidhi Guddoomiye Faysal.


Faysal Cali Waraabe, waxa uu soo jeediyay, sababta Xisbiga KULMIYE uga qaybgali waayay Munaasibadan in wax laga waydiiyo, isla markaana laga gudbo wax kala jiidashada iyo laysu joojin maayada. “Nimanka halkan iman waayay waa in loo yeedhaa, maxay ku cadhoonayaan waa in lays waydiiyaa, haddii laysu joojin waayo waa waxa dhibaatada horsedaysa, halaysu joojiyo, halaysu tanaasulo oo haylaysku dulqaatay 31-ka May ayay nootagaan tahay haddii laakiin ay kumoshinku bedalayaan waanu ogolahay, hadalada dhibaatada keenayana halayska daayo, maanta dalkeena dad badan baa ka baxay oo isyidhi dagaal baa dhacaya, maanta dhibaatada ay inoo gaysteen hadday labada Xisbi (KULMIYE IYO UDUB) ka naxayaan dalka way isu tanaasili lahaayeen, laakiin uma jeedaan dalka ee Kursiga ayay u jeedaan, Kursigana Illaahay ayaa bixiya, Sumxaana watacaalaa’e.” Sidaa ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale, Waxa Munaasibadaas ka hadlay Xoghayaha guud ee Xisbiga talada haya ee UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cali Maxamed Warancadde, Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibada Siciid Maxamed Nuur, qaar ka mid ah Mujaahidiintii Ururka SNM, Masuuliyiinta Ururka SOOYAAL iyo Marti-sharaf kale, waxaanay dhammaan masuuliyiintaas kala duwani ka warameen sida ay maalintani qaaliga ugu tahay dadka reer Somalilland, waxaanay rajeeyeen in Illaahay sannadkan sannadkiisa, maalintan maalinteeda bash-bash iyo barwaaqo iyo Somaliland oo la aqoonsaday gaadhsiiyo.

 

 

 



Hadhwanaagnews