“Is-qabanmayso Aan joojino Tahriibka & Inaan is-hortaagno in shidaalka dalka laga soo saaro”
 



“Dalka aan Horumarino iyo in aan is-hortaagno Warshada sibidhka, dalka aan wax kala soo baxno iyo in aan is-hortaagno ka Faa’iidaysiga kalluunka iyo khayraadka bada”


Hargeysa (TNN):-Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay inaanay is qabanayn horumarinta dalka iyo in laga horyimaado barnaamijka xukuumaddu ay dalka ka bilowday ee lagu soo saarayo shiidaalka iyo khayraadka dalka.

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu sidaasi ka sheegay Shirkad caalami ah oo ka shaqayn doonta kalluumaysiga oo magaceeda la yidhaa Pontus Marine, isla markaana kalluunka Somaliland u iib-gayn doonta adduunka oo si rasmi ah looga furay shalay caasimadda Hargeysa.

“Waxay ahayd 01/09/2013 kadib markaan Munaasabad si milgo iyo maamuus le loo soo agaasimay aan ka qayb galay, ujeedada loo shir yimidna ahayd wanqalka Shirkad ka shaqayn doonta Dhoofinta Kaluunkeena buuxa Baddaheena Dihin.Wuxuu ahaa kulan aan ku diirsaday oo leh ujeedooyin hufan isla markaana lagu gorfaynayey Baaxada Kaluunka Badaheena ku jira iyo sidoo kale baahida dadkeenu u qabaan in Khayraadka badaheena dihin la inoo iib geeyo. Dad mug iyo miisaan badan ku dhex le umadeena iyo khabiiro badan ayaa ku kulmay dhamaana waxaan isla meel dhignay sida ay muhiimad uugu leedahay shirkadan oo kale dalkeena iyo dadkeenaba, anaguna ka Dawlad ahaan waxaanu diyaar u nahay wax kasta oo lagu dhiirigelinayo wax soo saarka iyo horumarinta dalka iyo dadka,”ayuu ku yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu qoraal uu ku baahiyay shabakadiisa guusha.com oo ahaa khudbadii uu shalay ka jeediyay daah-furkii shirkadaasi.

Wasiirku waxa uu sheegay inay dhiiri-gelinayaan sharaa’iga noocan oo kale ah inay dalka ka tisqaadaan, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Shirkadan iyo kuwa la midka ahba waxay ka mid yihiin kuwo abuuri kara shaqo abuur, wax soo saar iyo sidoo kale in uu dalkeenu helo koboc dhaqaale. Waxaynu ognahay kaalinta wax soo saarku ku leeyahay horumarka dhaqaalaha waxaynu ognahay in ayna marnaba suuro gal ahayn in uu dal dhaqaale ahaan horumaro isagoo guud ahaanba Macdantiisii, Shidaalkiisii, Kaluunkiisa iyo khayraadka baddihiisuba wali ka daahsoon yihiin oo ay dhulkooga hoos jiifaan..”

Wasiirku waxa uu ku dooday inaan loo baahnayn in la is hortaagto shiidaalka oo kaalin togan ka ciyaari kara dhaqaale la’aanta iyo tahriibka da’yarta, waxaanu yidhi “Walaalayaal is-qabanmayso aan joojino tahriibka iyo in aan is-hortaagno in shidaalka dalka lagasoo saaro, dalka aan horumarino iyo in aan is-hortaagno Warshada sibidhka, dalka aan wax kalasoo baxno iyo in aan is-hortaagno ka Faa’idaysiga kaluunka iyo khayraadka bada.”

“Walaalayaal ummad aan tacab iyo dedaal la imani horumar ma gaadho, xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan, aan ka kacno fadhiga oo aan dalkeena dadkeena ku tacabno inagoo isku duuban Dad wada jira iyo quluub mida ayey guushu ku jirtaa, dad tashaday iyo tawfiiq Alle ayuu horumarku ku jiraaa, Dedaal badan iyo daacadnimo ayeynu yoolkeena ku gaadhi Doonaa,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu.

 



Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland