Is dhex yaaca iyo muqlowga maamul ee ka jira Xakuumadda Siilaanyo, By: Tallaabo


 

Wax kasta oo qofka aadamaha ihi qabanayo waxa looga baahan yahay in aqoontiisa uu yeesho ama cid hagaysaa ay jirto.

Tan iyo intii la doortay Mr Siilaanyo oo aan ka badnayn labaataneeyo cisho, waxa aad ka  milics an kartaa qaabka maamul ee xakuumadda siilaanyo la jaan qaaday. Waxa layaab ku noqotay  sh acbiga somaliland salaadiintii beelaysnayd ee qaladkii maamul ee cidhibta xumaa ka galay  shacb iga somaliland iyada oo cid la xisaabtantay aanay jirin iyo wax hadal ah oo ka soo yeedhay  mad axweynihii shacabku u doortay inuu ka taliyo masiirka ummadan.

Waxa taa ka sii layaab badan xilalka maamulkani magacaabay oo jagooyin isku mid ah ay wada magacaabeen Duqa Golaha Wasiirada iyo Madaxweynuhu, jagooyinkaas oo kala ahaa  Agaasim aha Madaxtooyada oo uu magacaabay Duqa Golaha Wasiiradu(Raiisal wasaaraha), halka  Siilaa yo magacaabay Agaasimaha Siyaasadda ee Madaxtooyada, bal hadda u fiirsada waa laba  Agaa sime e' miyaanay halkaas ka muuqan is -dhex yaaca maamul iyo aqoon darada halkaas ka  muuq ata oo ku soo ifbaxday muddo aan ka badnayn labaataneeyo.

Dhinaca kale wadaadkan Awqaafta iyo diinta ee la durduriyay warqadda uu amarka ku bixinayo in la joojiyo barnaamij ka baxa Radio Hargeysa iyo TVga qaranka isaga oo aan waxba ka weydiin wasaaradii xilka warfaafinta lahayd.

Miyaanay cadaan ahayn qaabka guracan ee uu ku bilaabmay maamulka siilaanyo, miyaanay  cad dayn inay waajib tahay in shacbiga somaliland isu diyaariyo inuu dhacsado qarannimadiisa.

Miyaanay mucjiso ahayn In Horjoogaha Gal-mudug yimaaddo Hargeysa isaga oo u socda  Ethiop ia kana gudbay Wajaale, maamulka siilaanyona uma sharixin ummada waxa uu ka soo doonay Hargeysa.

Miyaan la odhan karin Labaataneeyo cisho gudahood waxa loo gogl xaadhayaa sidii wada hadal loola geli lahaa maamulada dhalanteedka ah ee ka jira Somalia.

Maamulkan jira waxa shacabka somaliland oga fadhiyaa inuu wax badan iftiimiyo kana saaro  dal ka muqlahan siyaasadeed,mise shirkaddii maamulkan dhistay ayaa sidan rabta.

Somaliland Ha Waarto
 

 

 

Ibrahim Duale Suleiman
Hargeysa.