Ismaciil yaraw "nin wixii hungurigiisa maray
hiifay waa qadaf "

 



Waxaa dhawaan shaashadaha Talafeeshinada iyo warbaahinta qaarkood ka soo muuqday Wasiirkii ho re ee Arrimaha Gudaha,  Ismaciil Yare,isagoon in muddo ahna aan ka hadal arimaha siyaasada dalka, ka dib markii laga qaaday xilkii Wasiirnimo ee uu hayay lagana caydhiyay xubinimadii xisbiga UDUB.

Islamarkaana uu ku guulaysan waayay inuu si buuxda uga mid noqdo xisbiga talada Dalka haye ee KUL MIYE.inkasta oo ayaamihii u danbeeyay ee loolalanka doorashada uu meel fagaara ah kasheegay inuu ku biiray xisbiga Kulmiye, isla markaana uu ka noqonayo khaladadii uu sameeyay,balse aan madaxda KULMIYE  dheg jalaq usiin iyadoo ay ugu wacan tahay garashada ay garanayaan Garaadka iyo Caqliga ismaaciil yare.

Ismaaciil waxa uu ku eedeeyay qoladii ay wada shaqayn jireen inay ahaayeen rag urursada hantidii u madda, waxaase is waydiintu tahay miyaanu Ismaaciil ka mid ahayn kuwaas uu sheegayo, inagoo xasu usan maankana ku hayna inuu yahay Wasiirkii kaliya ee xilka lagaga eryay Musuq iyo xatooyo ka dib markii uu cunay Musharkii Ciidamada suga Nabad Gelyada haayadaha aan Wadaniga ahayn, taasoo ah ayd dhacdo caddaana oo Booliiskii uu lacagta ka cunay, ku mudaharaaday xaruunta baarlamaanka hor teeda. Haddiise sida uu sheegayaa ay dhabtahay muxuu markaa uga tagi waayay.Dadkana ugu shee gi waayay?,saw isna muu urursan badhkiisa. Waxaan ku leeyahay "Nin wixii hungurigiisa maray hiifay waa qadafe"

Hadaba waxaan odhankarnaa amaba ay tahay " Ismaaciil wuxuu maanta Af kaga aargudanayaa rag la meeqaam ahaa oo siyaasada kaga badiyay,sida Wasiirkii hore ee Maaliyada Ambassador Cawil Cali Du caale  iyo isagoo eedaymahan iyo dacaayadahan kaga doonaya xil xukuumada maanta jirta".Run aha an tiina waa fikir khayaali ah in cay ama aflagaado uu sameeyo loogu dhiibo mansab.

Ismaaciil waxa uu lahaa mahadhooyin madmadaw oo uu sameeyay intii uu haya jagada Wasaarada Arrimaha Gudaha , waxaana ka mid ahayd, dhacdadii foosha xumayd (wariyuhu waydiiyay) ee uu had h cad ku baadhay xaruuntii dhexe ee KULMIYE, oo ahaa Xisbi Qaran,maanatana uu ka quud darrayna yo ama sasabo iyo baryo ku waydiisanayo xil loo dhiibo.

Ismaaciil waxa uu falkaasi ku eedeeyay Alle ha unaxariisteeTaliyihii hore eeBooliiska Col.Maxamed Cige oo mootan. waana arin waxba kama jiraana, markhaatina waxaa ugu filan waraysigii laanta af sooma aliga ee BBC du la yeelatay asagoo ku sugan Xaruuntii baadhitaanku ka socday.

Ismaaciil waa shakhsi ku caan baxay musuq iyo qabyaalad,waana siyaasiga qudha ee caddaystay qab yaaladda taasoo oo ay ku kalifayso aqoon iyo khibrad laŽaanta siyaasadda,waayo waa nin kashaqayn jiray iibka kiilooyo JAAD ah, isla markaana aan kala garanayn siyaasadii iyo qabyaaladii.

Hadaba aan akhriste tusaalayaal u soo qaadano Shirwaynihii UDUB  oo Ismaaciil Yare ka mid ahaa rag laga saaray ,mar saxaafadu waydiisay inay Booliisku xidheen iyo in kale waxa uu ku jawaabay "Anigu ma ahi nin Hargaysa gudaheeda lagu xidhi karo, Hargaysa aniga ayaa wax ku xidha waxna ku dila".

Akhriste bal qiimee hadalka uu caasimadii dalka kaga dhigayo Beer uu leeyahay, miyaanu ogayn in Ha rgaysi Caasimad tahay oo lawada yaal, muwaadiniinta reer Somaliland oo dhamina kuwada leeyihiin x uquuq siman.waxaa kaloo kamida waqti nin shacab ahi ku dhintay gacanta askari booliis ah inuu yidhi "Waxaa dadka laynaya rag Bari ka yimi " waana hadal ku tiraabi jiray .

Tusaale kale haddii aan soo qaato: waraysigii u danbeeyay ee uu bixiyay. labada Wasiir ee kala ah Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda oo kuwada jira xukuumad dhismeheedu cusub yahay isku wax  qabad na ah, isla markaana aynu ogayn inay isu ahaayeen Gudoomiye iyo ku xigeenkiis xiligii QARAN, sida uu u kala gudbinayo oo midna amaanayo ka kalana ku tilmaamayo mid aan hawshii loo igmaday qabanay n.

Markaa ismaaciil yare waa ninkaa ku caanka ah qo qobka iyo Beelaynta dadka wada dhashay ee reer somaliland. Sidaan hore u soo sheegnayna waa Wasiirkii koobaad ee Hanti uu lunsaday lagu qabto lag una eryo,sidaa daraadeed isaga ayay tahay inuu xishoodo oo indhaha dadka iska qariyo.

Waxaan ku soo gunaanadayaa Adiguba Ismaaciilaw Wasiir baad ahayde maxaad qabatay oo lagugu xasuusanayaa maanta?





 

 

 

 

Sayid-Maxamed Cabdulahi Xasan
Burco, Somaliland
Sayidmaxamed22@gmail.com