Madaxweynaha j. d'jabouti oo loo ogolaaday in uu isa soo rashaxo mar 3aad

 

Djibouti (TNN)-Golaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa ansixiyey mooshin ahaa in wax laga bedalo distoorka dalkaas, iyada oo la ansixiyey qodobbo dhawr ah oo mid ka mid ahi dhigayo inuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ee hadda xilka haya Ismaaciil Cumar Geelle uu mar saddexaad isu soo taagi karo tartanka doorashada, halka markii hore distoorka dalkaasi  og olaa in laba jeer oo kaliya Madaxweynuhu is sharixi karo.

Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Baarlamanka dalka Jabuuti Md. Xuseen Cumar  Kawaal iye, ayaa sheegay in dalka Jabuuti horumar gaadhay, isla markaana ay laga maarmaan  tah ay in distoorka dib loo furo, si loo waafajiyo xaalada maanta, maadaama sida uu sheegay Md. Kawaaliye la sameeyey distoorka dalka 1992-kii.

"Fadhiga maanta waxa dib loogu eegayey distoorkii dalka u yaallay, dhawr qodob ayaa la taabtay oo la casriyeeyey, waayo sharciga waxa la ansixiyey 1992-kii, maantana waxaynu maraynaa 2010. Markaa wakhtigii intaa u dhexeeyey wax badan baa isbedalay, dunidu sidii hore maaha, reer Jabuuti laftoodu horumar bay gaadhaan, markaa si loo waafajiyo waxyaabaha isbedalay la waafajiyo, waxyaabaha qaarkoodna laga bedalo ayaa goaan lagu gaadhay, si loo waafajiyo casriga, ulana jaanqaado dastoorka Jabuuti is beddalada jira." Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka dalka Jabuuti oo galabta u waramayay Idaacadda VOA laanteeda Afsoomaaliga.

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda DJabuuti, waxa uu ku  doo day inay Baarlamaan ahaan waajibaadkoodii shaqo guteen, dastoorkana ay fureen, isla  mar kaana wax ka bedal iyo kaabis ku sameeyeen, balse waxa kaliya ee hadhsani yahay sexeexii iyo ansixintii Madaxweynaha Jabuuti, kaasoo marka uu Madaxweynuhu baasgareeyo dhaqan gal ka noqonaya dalkaas.

"Baarlamaan ahaan waannu u codaynay, laakiin waxa hadhay in Madaxweynaha  Jamhuuriy adda Djabuuti uu saxeexo oo uu ansixiyo sharciyan. Waajibkii annaga Baarlamaan ahaan na saarnaa waannu gudanay, shaqadayadii ayuunbaannu qabsanay." Ayuu hadalkiisa raaciyey Guddoomiye ku-xgeenka 2-aad ee Baarlamaanka Jabuuti.

Waxa uu Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Jabuuti Xuseen  Cu mar Kawaaliye oo faahfaahin ka bixinaya inta jeer ee Madaxweynuhu is-rasharixi karo, dada loo baahan yahay inuu noqdo iyo dada aan la dhafi Karin, waxa uu yidhi; "40 jir illaa iyo 75 jir, haddii Illaahay ku simo, caafimaadkiisana qabo way u furan tahay inuu qofku  Madaxwe yne isku sharaxo, haddii shacbigu jeclaado oo dadweynuhu codkooda siiyaan ama doortaan, wax u diidayaa ma jiraan, sharciguna waa furan yahay."

Guddoomiyuhu, waxa uu intaa ku daray oo uu sheegay in qodobbada dastoorka ee ay  bedal een uu ka mid yahay qodob dhigaya qof laba dhalasho haystaa inaanu Jabuuti Madaxweyne ka noqon Karin, balse qofka Madaxweyne noqonaya looga baahan yahay inuu yahay qof  re er Jabuuti ah oo kaliya haysta dhalashada Jamhuuriyadda DJabuuti.

Si kastaba ha ahaatee, Mucaaridka Jabuuti iyo dadka ka soo horjeeda Siyaasadda  Madaxwe yne Geelle ayaa si weyn uga soo horjeeday in Madaxweynaha Jabuuti dastoorka loo furo si mar saddexaad uu isugu soo taago doorashada Madaxtooyada ee dalkaas, ka dib markii laba jeer oo hore la soo doortay, iyada oo dastoorkii hore ee wax ka bedalka maanta lagu  same eyey ogolaa kaliya in Madaxweynaha dalkaas laba jeer wax ka badan aanu doorasho isu soo taagi Karin.



Source: Ramaasnews