Madaxweyne Siilaanyo oo la sheegay inuu Cafis u fidiyey Siyaasiga Jaamac Maxamed Qaalib oo Dhawaan dalka ku soo laabanaya


 

 


Adis Ababa (TNN) : Warar laga helay Ilo ku dhow weftiga Madaxweynaha oo dib uga dhacay shalay Safar ay ku tagi lahaayeen dalka Shiinaha ayaa sheegay Madaxweyne Siilaanyo intii uu ku sugnaa magaaladda Addis Ababa inuu Cafis u fidiyay Siyaasiga reer Somaliland Jaamac Maxamed Qaalib ,kaasoo la filayo inuu Dalka dib ugu soo laabto.


Illaa hadda ma jiro War rasmi ah oo xaqiijinaya arrintan, laakiin waxay Wararku sheegayaan inuu beryahanba jiray xidhiidho dhex marayey Madaxweynaha iyo Jaamac Maxamed Qaalib, mana cadda inuu jiro Cafis uu soo weydiistay Madaxweynaha sidii ay horeba u yeeleen rag ay isku fikir ahaayeen oo ay ka mid yihiin Cismaan Kaluun iyo Sifir.


Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wef tigii uu hoggaaminayay ayaa la filayey inay xalay saqdii dhexe ka dhoofeen dalka Itoobiya una kicitimeen dalka China, iyaga oo shalay a kulan kula yeeshay Magaalada Addis ababa safiirka dawlada Ingiriiska u fadhiya Itoobiya Md, Norman Ling. Sidaasi waxa lagu sheegay war saxaafadeed uu xalay soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daa hir (Cukuse) oo sidoo kale ka hadlay sababta dib u dhigtay Weftiga waxaanu u dhignaa sidan:-


“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftiga uu hogaa minaayo ayaa caawa (Xalay) Saqda dhexe ka duulaya Magaalada Addis-ababa ee Dalka Eth iopia iyaga oo u sii jeeda Magaalo Madaxda Wadanka Shiinaha.


Safiirka Wadanka Ingiriiska u fadhiya Magaalada Addis-ababa ee Ethiopia Mr. Norman Ling, British Ambassador ayaa isaguna waxa uu ku soo bookhday madaxweynaha iyo weftigiisa Hotel-ka uu degan yahay ee Addis-ababa waxaanay Safiirka iyo Madaxweynuhu kulankaa kaga wada hadleen Arrimo Muhiim u ah xidhiidhka iyo wada shaqaynta labada wadan ee iskaashiga dhinaca nabad-gelyada iyo dhaqaalaha.


Sidoo kale wasiirka arrimaha debada ee Somaliland mudane Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa saaka gelinkii hore kulan la yeeshay wasiiru dawlaha Arrimaha debeda ee wadanka Ethiopia kulankaas oo daba socotay kulamadii ay wasaarada arrimaha debedu la yeelatay weftiga Somaliland ee kusugan Addis ababa.


kulankan waxa ay labada dhinac kaga wada hadleen meel-marinta qodobadii ay labada dhina c hore isugu afgarteen ee dhinacyada nabad-gelyada, ganacsiga iyo isu socodka labada shacbi ee labada wadan.


Weftiga madaxweynaha Somaliland mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay hore u qorshaysnayd in ay habeen hore ka duulaan Addis ababa ayaa dib u dhac maalin ah oo ku yimid safarka madaxweynuhu uu caawa ugu kicitimayo wadanka shiinaha waxa uu ku xidhiidhsan yahay dib u dhicii hore ee ay sababtay diyaaradii uu madaxweynuhu ka raacay hargeisa oo keentay in uu habeen ku dhaxo Madaxweynuhu dirir-dhaba taas oo sababtay in ay is riixaan balamihii uu madaxweynuhu la lahaa Masuuliyiinta iyo dawladaha uu kula kulmay Addis ababa.iyada oo ay kulamadaasi ahaayeen kuwo muhiimad weyn u leh danta dalka Somaliland oo aan la lumin Karin.”



Source: Wargayska Hargaysa Star