Xaflad Balaadhan oo lagu Xusayay 26-guuradii Ka Soo Ware egtay Xuska Maalinta Shuhadada SNM Ee 17-Oct 1984-kii oo Xalay lagu Qabtay Hotel Askar ee Magaaladda Gabiley.

 


 

Mujaahid C/kariin Cali Buux waxa kale oo uu sheegay in Jabhadii Afraad ay dhashay SNM , SNM na ay sii dhashay Somaliland



Gabiley (TNN) - Qaar ka mid ah mujaahidiintii SNM ayaa xalay soo qaban qaabiyay xaflad lagu   maamu us ayay maalinta aadka ugu wayn qaranka Somaliland ee 17ka October ee Dagaalkii Burco Duuray oo lagu qabtay Hutel Askar ee Magaalada Gabiley.


Xafladaasi oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay badhasaab ku xigeenka gobolka Gabiley Cali Cabdi C/laahi (Cali Cadde),Maayarka Degmada Gabiley Aadan   Muxu med Badde, Gudoomiyaha Gudida Horumarinta gobolka Gabiley Maxamuud Yuusuf Xaaji Cabdi, Wasiiru  Da wlihii hore ee Hawlaha Guud iyo guryaynta Shucayb maxamed Muuse,Mujahid C/kariin Cali Buux,M uj  Cabdi Siyaaro,Mujaahid Maxamed Aadan Warsame, Mujaahid Maxamed aadan cigaal, Mujaahid  Ca bdi  nuur, Mujaahid Maxamed Axmed Bookh iyo dhamaan xubnaha ka nool jabhadii AFRAAD ee SNM ka  aasaas antay iyo marti sharaf kale oo tiro badan.


Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay badahasaab ku xigeenka gobalka gabiley Cali Cabdi C/laahi oo   f ataxada u maray mujaahidiintii ku geeriyootay xoraynta wadanka soomaliland wuxuuna ka  sheekeey ay halgankii qadhaadhaa ee SNM soomartay isagoo sheegay in SNM ay soo martay marxalado dagaal aad u adag oo ahaa mid cadowga ay iska soo horjeedaan oo ay kula dagaalamayeen qori iyo mid  siy aasad eed.


“SNM waxay gaadhay go aan si ay ugasho wadanka gudihiisa, SNM waxa ay haysato waxa ugu wayn  q origa Basuukaha layidhaa waxayna awooda saartay siday ugali lahayd gudaha wadanka” Sidaasi  waxa a yidhi badhasaab ku xigeenka oo ka waramayay taariikhdii SNM.


Badhasaab ku xigeenku waxa kale oo uu sheegay in uu ka mid ahaa mujaahidiintii maalintaa dagaalka  l agu galaayay wadanka gudihiisa qaybta wayn kasoo qaatay qaar badan oo maalintaas joogayna ay  im ika I horfadhiyaan, in badan oo mujaahidiina ay ku geeriyoodeen sidoo kalana sheegay in dagaalka u  w ayni dhacay 17 oktobar 1984 kana dhacay meel xadka Ethiopia kor u dhaafsan 40km oo la  yidha a burco kibir oo ciidamadii siyaad bare ku soo duuleen oo ay halkaa kaga hortageen oo dagaal aad u qadhaadhi ka dhacay kuna geeriyoodeen mujaahidiin farabadani oo uu ka mid yahay mujaahid lixle, cadaw badana ku laayeen SNMtu.


Maayarka Gabiley Aadan Muxumed Badde oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Taallo u samayn  do o no Mujaahidiintii ku Geeriyooday Halgankii qadhaadhaa ee Dalka lagu xoreeyay Gaar ahaana  kaara ha Degmada Geedbalaadh iyo ragii ku dhintay ee halkaasi ku aasan.
DSC06687

Maayarka Gabiley Waxaa kale oo uu balan qaaday inuu Qayb laxaadle ka qaadan doono ururinta   Taa rii khda Mujaahidiinta SNM Gaar ahaan Jabhadii Afraad inta ka nool Xog badan ka ururin doonaan.


Waxa isaguna xuskaa ka hadlay gudoomiyaha Gudida Horumarinta Gobolka gabiley Maxamuud Yuusuf  Xaaji cabdi oo ugu horayn u duceeyay mujaahidiintii ku naf wayday dagaaladii faraha badnaa ee lagu xoreeyay wadanka sidoo kalana sheegay in halgankii ay soo martay SNM lagu diyaariyo buug si ay u noqoto wax taariikhiya oo la akhrisan karo qof kasta oo wax ka haya halganka SNM uu uu iyada oo  q or aala soo gudbiyo.


Waxa kale oo xuskaasi ka waramay Mujaahid Guutoliqe oo ahaan jiray taliye guuto oo ka sheekeeyay wixii loogu bixiyay magaca guuto liqe waxaanu sheegay in uu ka howlgalay mujaahidiintii afaraad oo uu markaasi haystay Mujaahid M/cali oo uu bilaabmay halgan lagu baabiinaayay jabhadii axmed  guray waxaanu sheegay in uu marka horeba cadho xun u hayay jabhada axmed guray dabadeedna M/cali uu u dhiibay guuto kamida mujaahidiinta afaraad una sheegay in ay ku soo dhowyihiin laba  g uuto ka mida jabhada Axmed guray waxaanu ugu jawaabay aniga ayaa liqaaya labada guuto  sidaas ina uu ku raacay magucu

Waxa isaguna xafladaasi xuska ah ka hadlay Mujaahid C/kariim Cali Buux oo sheegay in halgankii  foo sha xumaa ee soo maray wadanka rag badani ku shahiideen ragbadani ku curyaameen caruur badani ku aabo waayeen hooyo badani ku asay qaaday wakhti xun oo soomaray umada reer soomaaliland uu ahaa loona baahanyahay in la qoro taariikhda halganka ay soo martay soomaaliland


Mujaahid C/kariin Cali Buux Waxa kale oo uu sheegay in Afaraad ay dhashay SNM, SNM na ay sii  dha sh ay Soomaaliland, waxa uu shacabka reer soomalilandna kula dardaarmay in ay ilaashadaan  naba da oo qof kasta uu dhiniciisa heegan ka ahaado.


C/kariin Cali Waxa uu halkaasi ka Tiriyay Gabay qiiro leh oo uu Dareenkiisa ku cabirayay isla  markaan a kaga warbixinay Aasaaskii Halganka iyo Marxaladihii Qadhaadhaa ee Jabhadda Afraad ay soo  mart ay Wakhtigii uu Gudoomiyaha ka ahaa iyo Guud ahaanba Sida ay wax u dhaceen.



Mujaahid Cabdi Siyaaro oo ah Abwaan ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland aya isaguna Halkaasi ku soo bandhigay Gabay aad u qiiro badan oo uu ku Sharaxayo taariikhda halkii qadhaadhaa ee  Somalil and soo martay laga soo bilaabo Jabhadii Afraad oo ahayd Hooyadii SNM iyo ilaa iyo Xaaladda manta Dalku marayo, kaasi oo uu si wayn ugula dardaarmay Xukuumadda Cusub ee uu Madaxwaynaha ka yahay Axmed Siilaanyo.
Cabdi siyaaro oo Bulsho waynta Gabiley aad u Xiisayso Suugaantiisa ayaa halkaasi ka qaaday Hees aad u qurux badan oo uu ku Amaanayo Dalka Somaliland.


Xuska 17ka October ayaa guud ahaan si balaadhan looga xusay magaalooyinka Somaliland oo dhan iyadoo Gabiley Sanadkasta lagu qabto xuskan maalinta baalka dahabka ah kaga xusan taariikhda shuhadada SNM.
 

 



Mustafe Abdikariin Ali (Mustafe Future)
Agaasimaha Guud ee Timacade News
www.TimacadeNews.com
Timacadenews@hotmail.com
Mobile: 00-252-2-4423109