JAGADA MADAXWEYNANIMO OO KA BANAAN SOOMALIYA
 


 

ku: Dhamaan warbaahinta xorta ah.
Ku. Dhamaan Ummada Soomaliyeed.

Dhamaan shacabka Soomaaliyeed waxaa lala socodsiinaayaa in ay Soomaliya ka banaan tahay jago amase shaqado muhiim ah ,taas oo ah QOF MADAXWEYNE U NOQDA SOOMALIYA.
SHAHAADOOYINKA :-
Shaqsiga soo doonaya shaqadan waa in uu haystaa shahaadoonkan amase uu aqoon fiican u leeyahay:-
• Maxaakiimta
• Ahlu-suna wa jamaaca.
• Al-shabaab.
• Mujaahidnimo
• Dagaalka sokeeye.

Waa in uu aqoon dheeraad ah u leeyahay burburinta wixii ka hadhay Soomaaliya,xataa hadii ay QABUURAHA tahay,abaabulka ciidan diimeed iyo kicinta qabaailka uu ka soo jeed,isagoo isticmaalaha CUMAAMAD UU MADAXA KU DUUBTO.
SHAQADA UU QAABANAYO.
Waa in uu soo dhisaa dowlad sal-balaadhan – Dowlad loo wada dhan yahay,Dowlad ay iska wada dhex arkaan dhamaanba kooxaha Diimeed ee ka jira dalka ,waan in dowladaasi ay raali gelisaa dowlado,qarsoon, waa in ay u hanjabtaa Dowladaha deriska ah iyo kuwa fogfogba,waa in dowlada uu soo dhisaa haba yaraatee aanay raali gelin dadka Somaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba.
Dowlada la soo dhisaaa waa in waxqabadkeeda ay ka bilowdaa ,joojinta QAADKA-CABIDA SIGAARKA –DAAWASHA FILIMADA-DHEGAYSIGA HEESAHA-IYO DUMINTA QABUURAHII mudada dheer la SIYAARAN JIRAY IYO WELIBA JOOJINTA SIYAARADA.

SHURUUDAHA
Waa in dadiisu aanay ka yaraan 46 ilaa uu ka dhinto.
• Waa in uu Diinta wax ka yaqaanaa una dhaqmi karaa sidii wadaad CAALIM AH, si dhaqso ahna isugu diri karaa qabaailka Somaliyeed,dagaalna ka dhex ridi karaa saacado gudahood amase markasta oo loo baahdo,isagoo adeegsanaya hab Qabaail.

• Waa in uu XILKA doonayaa,aad iyo aadna u jecel yahay in uu mar uun XIL qabto.

• Waa in magaciisa ay ku jiraan erayada ay ka mid yihiin SHEEKH
• SHARIIF
• ABUU.

• Waa inn Gadh weyn leeyahay,Shaarubuhuna u gaaban yihiin.

• Waa in uu ka soo shaqeeyey mid ka mid XARAKADA Diimeed ee ka jira dalka Soomaliya.

• Waa in uu sanadihii la soo dhaafay ka tirsanaa mid ka XARAKADA kala duwan ,xilal kala duwana ka soo qabtay sida Al-shabaab-Maxaakiimta-Ahlu –Suna wa Jamaaca,guulo la taaban karana ka soo hooyey.

• Waa in uu haystaa ugu yaraan 2000 oo dhalin yarada AFKA-DUUBTA IYO HUBKOODA.

• Waa in uu ka soo qayb galay dagaaladii SOKEEYE ee Soomaliya soo maray,si firfircoon-na uga dhex muuqan jiray.

• Waa in uu xukumaa mid ka mid ah Gobolada Soomaliya ,oo uu xoog ku haysto.

• Waan aanu aqoon fiican u lahayn Afka Soomaliga balse waa in uu ku fiican yahay kuna hadli karaa Afka Carabiga.

• Waa in uu la saaxiib yahay Dowlado aan la garanayn kuwa ay yihiin,sidoo kale waa in aan la garanayn meesha ay wax u soo mariyaan

• Waan in ay col yihiin dhamaan Culimada kale isaguna noqdaa kan keliya ee saxa ah.
Fadlan haddii aadan buuxin karin shuruudaha aanu kor ku soo sheegnay,waxaanu kugula talinaynaa in aadan waqti badan iskaga lumin,soo doonashada shaqadan.
Cidii isu aragta in ay shuraadahaa buuxin karto shaqadaana ka soo bixi karta waa in ay sida ugu dhaqsaha badan ugu soo hagaajisaa codsigeeda shirk gudoonka shirka la qaban doono ee lagu qaban doono Jabuuti amase meel kale oo aan la hubin oo dalka Soomaliya gudihiisa ah .
Araajidu waxay ku egyihiin badhtamaha 2009.

 

 

 

 



Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com