JUBBA YAA GUBAY

 


Waxa laga yaabaa in aanay fahmi karin da a yar ama dhalinyaro fara badanoo ay ka horreysay ama  ha na qaad ahayn taariikda dhacdadan ah gubashadii Jubba oo ka mid ahaan jiray barkulannada waaweyn ee dadka intooda ladan iyo inta taliskii macangagga ahaa ee siyaad barre gacansaarka la lihiba ay ku ku lmi jireen cabbitaan iyo cunno fududna laga heli jiray .


Jubba waxa gubay taliskii waagaa jiray isagoo eedda gobashada Jubbana dusha ka saaray jihooyin kale oo uu ul booca ugu tukubayay , waxana ay noqotay su aal jeesjees mudan oo iyadoo la og yahay cidda jubba gubtay hadana la isweydiiyo oo la yidhaa ( JUBBA YAA GUBAY ).

Waxase is weydiin leh ujeedada an ka leeyahay weedhan ee anusoo atteeraystay amma an uga golleey ahay .

Akhristoow tan iyo maalintii lagu dhawaaqay gooni isu taagga somaliland ee loo dhammaa bulsho ahaan iyo beelo ahaanba waxa inagu dhabanayay dabaylo xooggan oo dhinacyo badan inagaga socday gude  i yo dibadba dabaylahaasoo marar badan inna gilgilay ilaahayse mahadi ha ka gaadhee aan marnaba  gun ta inaga rujjin oo aynu kagasoo doognay isku duubnaan iyo madaxdeenna oo quus buuxa ilaa maanta ka jooga inay inala hor yimaaddaan wax aan innoo cuntamayn oo ka yar ictiraaf buuxa oo taash u noqda  g ooni isu taaggeenna.

Adduunyada iyo madaxdeenna intooda badanee hoos u guuxa ahba bal qabsoo meelbaynu ugu  allifanna hay aan is beddel kasoo naasa caddeyn , haddaynaan is maaweelinayn oo sida ay xaqiiqadu tahay ( wax aynu ugu allifannahay gobol ka mid ah soomaliya).

Doorashadii qiimaha badneydee dalka ka dhacday adduun weynuhu marna wey inagu farxeenoo xisbi ay hore uga haysteen calool nugayl iyo ballan qaadyo (inaga xaggeena ka booli ah) ( xaggoodase )lagu hiili karo ayaa yimi hoggaankii dalka ( waa kulmiye e )marna way ka nexeenoo waxaynu noqonnay umad u bisil inay raad ku yeeshaan cidda mayalka u qabanaysa oo maalinba hoggaankii ay garan waayaan cod ku baddalaya inkastoo uu kulmiye inagu noqday ( dusha ka sumuni hoosta ka saddex ganbo ).

Arrintaa oo waaqic ahoo jirta ayaa hadana an xisbigii kulmiye sii kala mullaaxiyee waxa ayaan darra  noq otay in xisbigaasi doorashadii dabadeed ay soo if baxday inuu xisbigu yara kala kacsan yahay oo  shidhk iisa iyo buudhigu yarahe kala socdo talo wadaaggoodana warab ku jiro .

Arimahaa hoose ee daahyada dabadooda ka socda ee khaakhaayiraadda soomaliweyn iyo sidii qobtolkii kala sarriigmay dib laiskugusoo toltoli lahaa kusoo arooraya , xisbiga kulmiye gudihiisa qolana waa  sirru ddaari ( siday doonaan ha inoogu af gobaadsadaane ) , qolana waa dheg weyn uu mujaahid muuse biixi ku jiro waana qaybta sida maatida aan war looga shanqadhin intan danbase wax yara uriyoo sidii riyo daayeer arkay bifffffta haya cidise aanay ka hoos qaadayn.

Ruug caddaaga siyaasiga ahee aynu dooranay jagada madaxweynenimo ayaa isaguna durba lasoo kala baxay gedihiisii uu caanka ku ahaa ee ahayd ninba nin muraayad haadda uga muuqda oo uu ku  khuukhin ayo inuu daba dhigo si aan ninnaba u ladin jagada uu hayo oo nin walba ay cabsiyi ku gedaannaato.

1: Muuse Bixi , waxa lagu wayrixiyaa Samaaloo lagu yidhi ku ag daran doorri,  marka uu mujaahidku mad axa yara gundhiyaba.

2: Dr Gabboose, waxa loo soo ciyaarsiinayaa oo muraayad haadda uga muuqda Siffir oo ay isku hayb yih iin,  reerkase uga  yara fara dhuudhuuban.

3: Maxamed Xaashi, Wasiirka Maaliyadda ,oo isna lagu waadaaliyo kaacaanyahanka Kulmiye kaadidiisa u soo cabbayee ina Cabdi Gaboobe arrimahaa iyo arrima kaloo aanay habboonayn inaynu halkan ku soo q aadanaana, waa arrimaha sababay hashkadda ku timi caafimaadkii Wasiirka Maaliyadda ilaahay ha caafi yee.

Dufcaddan hore ee wWasiirada , ayaa u badan rag awrka lagu kicinayo ama Wasiiradii uu Alla ha u naxar iistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal , ku tilmaamay xalkii , xul maahee waa niman ninba goor ay noqota ba meel la dhigi doono .

Waxase aad mooddaa baryahan danbe in Wasiirka Arimaha Guduhu kawaanka saaranyahay , oo hawlo uu u dabtay iyo kuwo aanu u dabaninba isku fan galeen, dhawr dheriyoo kala sarreeyana madaxa kula jira , madaxweynahana ay ku adkaan doonto madaxa Wasiirka Arimaha gudaha iyo dheryahaa faraha b adan inuu wada badbaadiyo .

waxa kale oo isaguna u soo eeg ifiso baaruudii ka soo dhammaanayso,  madaalahan Wasaaradda Arrim aha Dibadda, Dr Maxamed Cabdillaahi,  oo markii xilka loo magacaabay xaffarka ku kexeeyay ee khadad ka kharaaidka iyo dhaqaalahaba odayga gacanta u soo geliyey,  isna waxa hubaal ah odaygu daaqaduu ka bixin doonaa , hadii aanu la hadhin wax loogu habrado , oo dux iyo iidaan leh,  isagana nimaan muuqaa lkiisu weli u baadi soocnaynbaa muraayad haadda uga muuqda.

Mudanayaashii baarlamaanka mudadu ka dhammaatayee sida soodhaha mooshin caana diiqeedka yaree sah boodka ah la oogsadayna wakaa durba odaygu intuu faraqa woxoogaa yaroo uu ku mustafeeyey ug u shubay ama farsamooyinkiisii kale ku damiyay sanqadhoodii la waayay.

Iskusoo wada duuboo dawladeennu iyadoo inta badan waxan dalkeennii ka dhacaya si toosa iyo si  dad banba ugu lug leh, ayay hadana inna weydiinaysaa halka ay sartu ka qudhuntay ,markaa miyaanay aha yn sidii taliskii Siyaad Barree inutuu Jubba gubay,  hadana dadka kale ku eedaynayay ,waa su' aale hada ba JUBBA YAA GUBAY .

wabillaahi ttawfiiq



waa : Maxamuud sheekh Cabdillaahi maaray ( gabyaaye )
oo idin leh ilaahaybaa mahad iyo maamuusba iska leh .

 

 

 

 

 

 Maxamuud Sheekh Cabdillaahi Maaray
( Gabyaaye )