Kacdoonkii Ardeydii iyo Kacaankii UFFO
Axmed Maxamed Yuusuf “Jabane”

 



Febraayo 20,2015
Mareegaha Farshaxan
Qaybtii 1aad

 


Waxay tidhi "Hoogey Hayaay Cabdi-Qaadir
Hareer qabo awrka” Markuu hayinkeedu
Hagaag isu taagey Ayey tidhi " haakah"
Hebloo gabanteed ah Hilowna basteeda
Malaa u han weynna Karaamadan hiirta
Ku soo hormanaysa Hilmaanina weydey
Wadaadka hoggiisa Ka soo hangallaystay
Siduu ugu hiishey Ayaa tidhi "hooyo
Muxuu horta sheekhu Inoo yahay haybta
"?

Waxay tidhi "heedhe Hibooy ratigeennu
Markuu hingan waayo Ayaan huriwaaga
Haleel cuskadaaye Habeen ma wadaagno
Haddaan magaciisa Dantaydu higgaadin
Ma soo hadal qaado" Ujeediyo haatan
Nin tiisa u heegan Halyeynimadiisa
Hashiisa ku dheelmay Iddiisa ku hoystey
Inuu hantidayda Habaynta xilkayga
Dhismaa hodankayga Hiddaa sharafkayga
Waxaan nolol haysto Horsed ka ahaado
Ka haayir idhaahdo Ayaa ka hagaagsan


Maansada Hambaber , Abwaan maxamed IBraahin Warsame “Hadraawi” 1982

 

 


 


“Xafiiska Nabad-Sugida ayaa lagaa doonayaa” ayaa aheyd weedha dhaga ha aqoonyahan Axmed Maxamed Yuusuf “Jabane” ku soo dhacdey.Faras Magaalaha Hargeysa ayuu dhex jibaaxayey aqoonyahan Axmed Maxamed. Waa maalin Isniin ah xilli ay cadceedu godkeeda ka soo durugtay oo barqo ku dhawaad ay aheyd. Taariikhdu waxay ku beegnayd bishii Noofember 2dii, 1981kii.

Waa gu’ tilmaamo gaar ah ku leh bulshada reer Soomalland. Waa gu’gii dhi dibada loo taagey ururka SNM. Waa gu’gii uu mudane Ibraahin Maygaag Sa mater (IHUN) si cad ugu biiray halganka la dagaalanka dawladii Afweyne,w axaanu iska casilay xilkii daljire eek a hayey dalka Jarmalka.Waa gu’ taarii kh badan leh.; Waa gu’gii odoyaasha iyo waayeelka reer Soomaliland ay wa kiiladii dawladii Afweyne si cad ugu sheegeen inay talada aqoonyahanada ku raacsan yihiin;Waa gu’gii odayaashu hankooga gobanimo muujiyeen ee ay u quus gooyeen dawladii aqoonyahanada dabargoynaysay.


Waa gu’gii odayaashu garab-istaageen aqoonyahanada, una hiiliyeen.Waa gu’gii aqoonyahanadu taladda dalka iyo waxqabadkaba u heelanaadeen.Waa gu’gii dawlad hagratey dalka iyo dadka aan waxqabad laga sugin.Waa gu’gii ubaxii iyo mustaqbalkii wadanku ku dhiiradey inay baylah-tiraan hawlaha dawladu dayacdey. Waa gu’ tillmaaman xusuus gaar ahna ku leh dadka inay dalkooga wax u qabtaan jecel.Waa gu’ wax badan laga baran karo.


Hawlo uu uga baahnaa Faras-Magaalaha Hargeysa ayuu Axmed Jabane u soo tafaxeytay aroortaa. Maqalkii odhaahdaasi waxay qayb laxaad leh ka qaadatey inuu hawshuu u socday soo af-jaro.Waxaa markiiba maankiisa ku soo ururay in arintani ay raad ku leedahay hawlihii samo-falka ahaa ee ay ka wadeen dhakhtarka Hargeysa iyo Dugsiyada Hargeysa.
Waxaa kaloo barigaa dhib badani soo gaadhey biriijka (Dalagdalagta) ay dadku maraaan ee ku taala dooxa Hargeysa Kilaab agtiisa.Aqoonyahan Axmed Maxamed Jabane wuxuu ka mid ahaa dadkii kaalin laxaad leh ka geystay in dib loo dhiso oo ay dadku isticmaali karaan. Hawlaha samo-falka ee maankiis a ku soo ururay ayey tanina ka mid aheyd. Wuxuuse maankiisu warcelin uga waayey wanaaga la sa meeyo dadka waa loogu hiiliyaa ama lagu mahadiyaayee maxaa keenay Nabad-sugidaa lagaa doona yaa!!!!


Qof kasta oo xilligaa maqla dhawaaqa “Nabad-sugidaa lagaa doonayaa” waxay u aheyd geeridiisii oo loo sheegay.Hase yeeshee aqoonyahanadan uu ka mid ahaa Axmed Jabane geeriduba dhib iyo culays kumay hayn.Waxaa dhib badan ku hayey baylahaha batey iyo dhaliilaha tiro beelay ee dalka yaalay.Wuxuu aqoonyahan Axmed Maxamed Jabane farax iyo raynrayn dareemi jiray, ididiilana gali jirtay markuu ka qayb qaato hawlaha samo-falka ee mashruuc dhamaado ku kalena gudagalkiisa la qorshaysanayo.Waaxay aheyd arinta isku keentay dhalinyaradan ee hawlgalisay.
Axmed Maxamed Jabane iyo aqoonyahanadii UFFO way filayeen in dawladu ku soo maqan tahay.Waxay dawladu u heelaneyd dabar-goynta hawlaha samo-falka ee ay ka wadeen xarunta caafimaadka iyo dugsiyada sare ee magaalada Hargeysa. Sidaa darteed waxay dhalintani diyaar u ahaayeen fal-celin kasta oo dawladii xilligaasi ka timaada.Markaa Axmed dhawaaqa uu maqlay muu dhibin ee intuu eegay dhinicii dhawaaqa ayuu u sheegay inuu iminkaba tagi karo,waanu kaga dhameeyey. Aqoonyahan Axmed si fiican ayuu u garanayaa ninkan fariinta u soo gudbiyey,garashana wuu u lahaa, inkastoo aanu la sii hadalkiisa ku sii raaginba,qiimana aaney u samaynayn.


Mar kaliya ayuu Axmed Jabane hawluhuu u socday ka soo istaagey,una dhaqaaqey dhinicii xafiiska Nabad-sugida oo markaa ahaan jiray halka iminka ay tahay wasaarada dibu-dajintu. Wuxuu Axmed Jabane yimid xafiiskii una sheegay inay soo gaadhey in xafiiska laga doonayo. Waxaa loo tilmaamey xafiiska taliyaha. Xilligan waxaa gudoomiye ka ahaa xarunta Nabad Sugida Xassan Maxamed Nuur (Shaaati –guduud).


Gudoomiye Shaati-Guduud iyo shaqaalihii kaleba aad bay ula yaabeen dhiiranaanta Mudane Axmed .Waxaaney kooxdaasi maankooga ka maaxeysay waydiimaha ahaa “Miyaanu ogayn danbiga uu galay ciqaabta uu ku mudanayo”? “Yaa ku yidhi dayactira hawlaha dawladu si badheedh ah u dayacdey”?
“Kaxeeya oo xidha” ayaa mar kaliya ku soo duulay dhagaha Mudane Axmed Maxamed Jabane. Xafiiska dhawaaqaasi ka soo baxey waa Shaati-Guduud oo muujinayey inuu u diran yahay hawlaha loo igmadey.Talo uu wax ku gooyo iyo arin ka soo go’day midna ma jirin.Wuxuu talityahaasi raacey sidii loo hawlgaliyey una fuliyey amarka ka yimid qaybtii 26aad ee Jamhuuriyadii Soomaaliya.Wuxuu ahaa la hayste aan is-ogayn.Niman buu u dirnaa oo uu u dabranaa.Aqoon iyo waayo-aragnimana wuu u lahaa hawlo badan.Hankiisaa hooseeyey oo u dirmayey hilaaca aduunyada.

Kooxdani dhalinyarada aheyd dadka ay u dagaalamayeen ayuu ka mid ahaa,waanuse is-ogayn. Wux uu kaalin la wadaagayey dad farabadan. Isla xilliyadan muddo gaaban ka hor ayaa wafdi ay dawladii Ina Siyaad Barre(Afweyne) soo dirtay so gaadheen magaalada Hargeysa. Laba wasiir oo loo soo xul ay inay ka soo jeedeen dhulka iminka ah Soomaaliland ayey ahaayeen. Sida Shaati-guduud ayey u du lmanaayeen.Waana ta keentay in dhalinyaradii UFFO ay u garaabeen kuna yidhaahdeen: “Waanu ogn ahay inaydaan dhibta taala dhulka waxba ka qaban kareyn,waxaanuse idinka codsaneyn aa in aad warbixintaa aanu idin siinay gaadhsiisaan maamulka idin soo diray”.


Abwaan Cali Sugule (Dun-Carbeed) oo ka waramayey wafdiyada xilligaa imanayey Hargeysa ee ka soo jeeday degaanka waa kii lahaa:

Waxay Deeqii tidhi ma nalkii damay inoo daarayaan
Maxay doonayaan maxay diidadayaan
Dakadii Berberii way dilaacsan tahayee ma daboolayaan
Dugsigii waxbarey iyo dariiqyadii may soo dayeen
Dadkii way bukaanee ma dawey inoo sidaan
Waa Darkii midninmada dunsaheyee
Miyey duub-castiisa dabaalayaan
Darajadu Haddaaney dumbuqaba xukumin
Dable kama adkee maxay doonayaan
Iyagaa dulmanoo talo dawladeed laga dayriyoo loo doodayee
laba doqon maqaar maxay doomayaan
Waxay Deeqii tidhi duqii baa rartayoo wuu dala’sadayoo
Digdig iyo mashxaradiyo durbaan loo tumay
ka doonayaan dumarkiyo caruurtii ay dubteen
Dadka noocaasi goor walba iyo xilli walba way nool yihiin,dawlad walbana way ku jiraan.Mar kale ayaa maanso uu isla xilligaa tiriyey abwaan Aadan Tarabi uu ku soo qaadey wafdigaa. Waxaanu abwaanku yidhi:

Taa waxaa ka dhigan ilma Dhuux ku nool
ilma dhuxul ku raage Dhitadii u tiil haamihii dhaqdhaqe
Af-dhabaandhabyadii dhirkay foofku helay dhaqayeysan jiray
Labadii dhunkane wali waa dhankii
Dhanaanaatayoo dhuxdhux baa jirtoo way dhahratayoo
Talo dhacantay bay dhirindhirinayaan dhegna looma laha
Laysku jilib dhigyoo runta laysku dhiib looma dhawrsaninee
Baha dhuux ku nool dhaca baa la yidhi
Dherigii karyoo dhardhaaradii burbure
Dhaantiiyo amaan dhagdhagtii la waa
Dhirkii baa damqadey dhaymo looma helin
Dheri iyo maraa loo kala dhaqdhaqaaq

Sidaa ayuu Axmed Maxamed Jabane ku noqday aqoonyahankii ugu horeeyey ee xabsiga loo taxaabe y kooxda lagu baadi-sooco dhalinyaradii UFFO.


Bishan Febraayo 20da,2014 ayaa bulshada reer Soomalailand xusaysaa kacdoonkii ardeyda iyo kaca ankii dhalinta UFFO. SIdaa darteed ayey margeeta Farshaxan idinla wadaageysaa taariikh nololeedkii iyo sooyaalkii halgameed ee mudana Axmed Maxamed Yuusuf kuna magac dheer Jabane. Maalintani waxay u suntan tahay ardeydii iyo hooyooyinkii kaalmeystay dhagaxa si ay u badbaadiyaan aqoony ahanadooda UFFO.


Xus:

-Suldaan Xasan Barre(IHUN) wuxuu ka mid ahaa hormoodkii kaalin laxaad leh ka geysan jiray hawlah a ay wadeen kooxda UFFO.Wuxuu Suldaan Xasan Barre u ahaa garab iyo gaashaan kooxda dhalinyar ada UFFO.


Mahadnaq:

Waxaanu aad ugu mahadnaqeynaa dhamaan ardeydii kacdoonka hogaaminaysey,maamulayaashii dugsiyada sare ee xilligaa iyo kooxda UFFO oo si hagar la’aaneed uga qayb qaatey barnaamijyada taariikhda 20ka Febraayo eenu soo bandhignay ilaa iminka iyo kuwo soo socdaba..
La soco qaybaha danbe

Xigasho:

-Wareysi: Axmed Maxamed Yuusuf “Jabane”
Bahda Mareegaha Farshaxan
-Wareysi : Axmed Muxumed Madar
Bahda Mareegaha Farshaxan
-Wareysi Maxamed Baaruud
Bahda Mareegaha Farshaxan
 

 


Fu,aad Sheekh
Bahda Mareegaha Farshaxan
www.farshaxan.com iyo www.farshaxan.org