kawaankii
qaliinka xoolaha tog-wajaale oo xadhiga laga jaray
Tog-Wajaale (TNN)-Wasiirka
Wasaaradda Ganacsiga ee Somaliland ayaa Maanta (shalay) Xadhiga Ka
Jaray dhismaha Kaw aanka Qaliinka ee magaaladda Tog-wajaale kaasi oo
uu dhisay Ganacsade ka mid ah Ganacsatada Deegaanka Gobolka Gabiley.
Munaasibadaasi oo ay ka soo qaybgaleen Guddoomiyaha Degmadda Tog-wajaale
Qawrax Muuse Xuse en. Guddoomiyaha Xisbiga Udub ee Gobolka Gabiley
Mudane Saleebaan Sheekh Maxamed Saleebaan, Guddoomiyaha Degmadda
Tog-wajaale ee Xisbiga Udub Cabdi Siciid dhalinyaro aad u tiro badan
iyo wel iba Haween Tiro badan oo ka soo jeeda Deegaanka
Wajaale iyo Gabiley oo ku gaashaanaa Astaanta Xisbiga calamada
Xisbiga Udub .
Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Haween ka mid ah Hiliblayda
Magaaladda Tog-wajaale kuwaasi oo Xusay inay in badanba u hanqal
taagayeen siddii ay Maalin uun u arki lahaayeen Kawaan Nadiif ah oo
ay ku qashaan Xoolahooda waxaanay haweenkaasi ka shanqadhiyeen inay
wakhtiyaddii hore dhib iyo caafimaad darro kala kulmi jireen
Goobihii hore ee xoolaha lagu qali jiray waxaanay u mahadnaqeen
Ganacsadaha Da'da yar ee Hargaha ka ganacsan jiray ee haatana ku
hamiyey wax aanay maamulkii degmadda haystay 20 sanadood aanay noo
qabanin sidaa waxaa yidhi haweenkii halkaasi ka hadlay ee Hiliblayda
Magaaladda Tog-wajaale .
Waxaa intaasi ka bacdi halkaasi ka hadlay
Cumar Maxamed Cige oo ah Ganacsadaha isku hawlay isla
m arkaana Dhisay Kawaankaasi Qaliinka Xoolaha ee Magaaladda Tog-wajaale
waxaanu u mahadnaqay int ii kala hawl gashay Hirgelinta
Kawaankaasi oo ka mid yahay Maxamed Cabaas
Jaamac oo hore u ahaan jiray Duqa degmadda Gabiley ninkaasi
oo ahaa Qofka ku dhiirigeliyey inuu hirgeliyo kawaankaasi
waxaa nu uu Ganacsade Cumar Maxamed Cige uu sidoo kale mahadnaqa
balaadhan u soo jeediyey Maayarka Degmadda Tog-wajaale
Mudane Qawrax Muuse Xuseen oo si weyn ugala hawl galay
dhameystirka Ka waankaasi Xoolaha hirgelinta Kawaankaasi .
Cumar Maxamed Cige waxa uu sheegay inaanu hawshan ka dabaasheen
haddii aanu haysanin taagee radda Dumarka Hiliblayda
Magaaladda Tog-wajaale .
Intaasi ka bacdi waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirka Ganacsiga ee
Somaliland Mudane Abiib Xassan Filfil
waxaanu sheegay inay Siyaasadda Dawladdu tahay siddii loo
dhiirigelin lahaa Private Sector hantida sida gaarka ah loo leeyahay
taasi oo ganacsiga Somaliland yahay mid Xor ah waxaanu intaa
raaciyey inay Wasaaradda Ganacsigu ay dhawaan hirgelin doonto Hawlo
iskaashi dhinaca Ganacsiga ah oo ka dhaxayn ldoona abada dal ee
Itoobiya iyo Somalilad waxaanu ku dhiirigeliyey inay Bulshaweynta
Reer Wajaale ay Xil iska saaraan Adkeynta Nabadgelyada Maadaama ay
ku Taalo goob Xad ah oo Taxadirke eda u baahan ayuu yidhi
wasiirka Ganacsiga ee Somaliland .
Wasiirka Ganacsiga ee Somaliland Abiib xassan Mar uu la hadlayay
Axsaabta Mucaaridka ah waxa uu sheegay inay ka Luntay Kalsoonidii
waxaanu sheegay inaanay Wax tamar ah aanay isla ahayn Mucaar
idku isagoo intaa raaciyey hadii ay Mucaaridku wax isla hayaan looga
baahanyahay Kubadda badhtan ka taala inay Ciyaaraane balse
aanay dadka Xag xaganin .
Wariye Mohamed Mussa Inji
Degmadda Tog-wajaale
MObile:4410416
mahamad95@hotmail.com
|