Kawaanka Maka-Durdure Iyo Kalkii Sheekh Muxumed Raage (IHUN)
Markii ciidda ay cagaftu igu rogaysay ayaan qayliyey, dirawalkii
cagafta wadey ayaa naxey oo intuu soo degay xadhigii iga furay yidhi........
Duligaan ku noolayn marnaba kama daraateene
daaraha burburay ee madfaca lagu duqaynaayay
dahab iyo damaar iyo intii duunyo lagu waayay
intii diric shahaiidiyo intii danab ku naafowday
inta caydh u soo dibad baxdee daxandaxoonaynin
dir-xunkaad dhamayseen ayaan kaga dawoobaaye
nimankii lahaa duub-casta iyo yayda daba joogta
nimankii daluumaha xabsiga iilka nagu diiqay
nimankii dibnaha eegayee hadalka noo diiday
nimankii dubkoodi gubnaa aragu diidaayay
daymadooda nimankii indhaha dab iga leefaayay
halkaan dabada saaraba kuwii igu dul-meeraayay
magacyada dugaaga ah kuwii darajo moodaayay
dabar-goynti baan nahay kuwii marinka loo daayay
nimankii dadkay soo xidhaan kiish la daba qaado
madax-furasho lagu doonayee duunka ka colownay
~~~ ~ ~~
dimaqaraadi loo simanyihiyo daacad ku hogaansha
dadka waa la naanaabiyee dawga ku hagaaja
milatari baa nasoo daashadee dib uga faalooda
nin kuu digay kumuu dilin sidaa qaba dareenkeeda
damal aan la jarin baan ahee daysta midhihiina
dan qudhaynu wad leenehee daaf u wada jeeda
dabku yii iga seexanine dogobyo weyn saara
daroorimad waan necebehee daadka iga moosa
Maansadii Dardaaran ee Abwaan Cali Xasan Bamfas
“Adiga lee lagu dilaa , go’a ii daana waad leedahay..sii daa hawlaa
noo socotee” ayaa ku soo dhacey dhagaha Sheekh Muxumed Raage (IHUN).
Sheekha oo ka yaaban wiilkan yar ee dhiiran,aqoona aan u laheyn
raganimadiisa ayaa si ay ka muuqato murugo ugu celiyey “adeer go’ a
i sii daa kaasaaban haystaa waxaan korka iska saaree” . Intaa markii
la is dhaafsadey ayaa dadkii uu Sheekhu la wadaagey muddo ku dhaw 10
cisho xaalad u dhaxeysa nolo iyo geeri ayaa mar kaliya isla booday
kuna dhawaaqey “ waar isagoo sheekhu go’iisa sita dil ee ha ka
qaadinee u sii daa” ..Horaa loo yidhi libaax nimaan garaneyn baa lax
ka ridee, haddii uu ogaan lahaa askarigan sheekh Muxumed Raage
(IHUN) wuxuu galo iyo wuxuu guddo go’iisa inuu taabto iska dhaafee,
meel u dhaw muu soo istaageen.
Waxay geli-fardoodaba markii la isku soo gaadhay
Guryo-keente Maan-deeq intaad gaydh u dirirteene
Allaylehe abaal baw gasheen gabiga Soomaale.
Waxse iyaba waa guul-darree gorof ku maalaaya
Oo aan Gobaad loogu tegin gaalo-ka-hadheene;
Adigiyo genkaagii halgamay waa ka garanuuge.
Gorayeey dad-weynuhu hashuu gacan ku soo hooyey
Gooraan nimaan raadin baa gaawahaw sida e.
Waa taa candhadi giigsanayd daysay godolkiiye .
Hays odhan wax gaaraa ku helay garasha-dheeroowe
Gasabkoodi may helin raggii kula gudboonaaye.
Maansada Gashi ee Abwaan Maxamed Xaashi Gaarriye
(IHUN)
Intaa markii la is dhaafsadey ayaa askari kale oo meel aan sidaa u
fogayn joogay yidhi “xadhig an aan hayo ayaa wada gaadhaya ee iska
sii daa go’a odayga”. Sidaa ayuu go’ii Sheekh Muxu med Raage
(IHUN) ku
badbaadey maalintaa. Askariga kale wuxuu markaa isku xidhxidhayey
tiro ku dhaw ilaa 9 qof oo sida xoolaha inta la iskugu xidhxidhayey
ka dibna xaajiyad agtaagneyd sidii gadbad sonkora oo la rarayo lagu
tuurayey.
Xaajiyada waxay u dhaqaaqeysay dooxa Maka-Durdure oo dadkii isku
xidhxidhnaa lagu tuuray ey, ka dibna ciidamo u diyaar ahi xabbad ooda
kaga qaadayeen ilaa dhaqdhaqaaq la waayo. Waxaa sidoo kale meel aan
ka durugsaneyn joogtay cagafta Buldoser-ka ah oo dhinaca u
durki naysay ciiddana ku rogaysay. “ Markii ciidda ay cagaftu igu
rogaysay ayaan qayliyey, dirawalkii cagafta wadey ayaa naxey oo
intuu soo degay xadhigii iga furay,iguna yidhi oradoo intaaney soo
noqon geedahaa qaad oo Isha Boroorama meel aad ku gabato ka raadso”
ayuu yidhi wiil ka badbaadey.
Xaggaagii 1989kii ayna bisha Juun 9dii oo aheyd maalin Jimce ah ayaa
ciidanka SNM ee ku jiray biyo-mareenka dhinaca woqooyi ka xigga
dhakhtarka weyn ee Hargeysa ay ku soo siqayeen xaruntii nabad
sugida. Waxaa soo gaadhey ciidanka oo ku soo biiray ciidan ka yimid
dhinaca Idaacada soona dhex maray xaafada Goljano.
Maamulkii ka joogay dawladii jamhuuriyadii Soomaaliya degaanka ayaa
go,aan ku gaadhey in si aaney u dhicin dhacdadii Madheera
maxaabiista la geeyo badhka Maka- Durdure. Waxaa marka a joogay
wasiirkii gaashaandhiga Aadan Gobyo, Ra’iisal wasaarihii Ina Cali
Samater, Taliyihii qay bta 26aad Dad-qalkii Hargeysa Morgan,
taliyihii nabad sugida G/Dhexe Jaamac Xasan Aadan (Shaafi),iwm.
Waxaa aad loogu kalsoonaa hawsha dilka ah ee ka socotay kawaanka
Maka- Durdure inay yare yn doonto kaalmada dad ahaan ay heli karayeen
ciidamadii SNM oo hargeysa inta badan marka a maamulayey.Halkaa waxaa
xilka hayey oo hawshaa loo caleemo saarey saddex xidigle Ducaa le
Ganaane iyo hal xiddigle Axmed yare.
Sheekh Muxumed Raage(IHUN) wuu ka badbaadey dilkaa loo qorsheeyey oo
bishii Juun 10, 1989 ayuu ka mid noqday koox la yidhi u gudbiya
jeelka magaalada Hargeysa ee ku yaala dugisa baraawe agtiisa.
Sheekha oo aad u anfariirsan, wajigiisan ay ka muuqato argagax iyo
yaab iskaalmeystay ayaa soo galay qolka. Askartii wadey markay
gudihii ku hubsadeen ayey iska noqdeen, quful weyna albaabkii ku
dhufteen.Sheekhu wali wuu didsan yahay.
Wuxuu isagoo daal maskaxeed ka muuqdo dabada la helay gogol jawaan,
buste iyo go’ la isdul-saarey ka koobnayd. Dadkii qolka kula jiray
dhan ay u qaadaan way garan waayeen,cidna waydiin kulama dhicin ee
qof waliba niyada ayuu ka yidhi “Bal Sheekhu ha nasto oo neeftuurku
ha ka yaraadee yara suga”
la soco qaybaha danbe.
Ururintii iyo tifatirkii
Fu,aad Sheekh (somaliland@farshaxan.com )
Bahda mareegta Farshaxan
www.farshaan.com
iyo
www.farshaxan.org
|