Asalamu Calaykum Waraxmatulahi Wabarakatu.Insha Allah,Ma qaalkan waxa aynu ku soo qaadan doonaa khaladaadka aynu Samayno Marka aan Salaada Gudanayno:

 

1. Iyada oo Salaada Laga tago Gebi ahaanteed: Arinkan waxa uu keenayaa Gaalnimo sida ku cad  Qura anka iyo Sunaha Rasuulka [SCW]. Suuratul Tawbah – aayada, 11-aad, Ilaahay waxa uu ku yidhi [Hadii ay toobad keenaan, Salaada ay oogaan sakadana ay bixiyaan waa walaalahaaga diinta]. Taas oo  macn aheedu tahay hadii ay intaa samayn waayana waxba iskuma tihidin. Sidoo kale waxa Quraanka ku cad oo Alle yidhi [Maxaa naarta Saqara idin geliyey, Dadkii ehelu naarka ahaa ayaa ku jawaabaya “Salaada Maanaan tukan jiran, Masaakiintana maanu quudin jirin.”] {Suuratul Mudathir-42-43}aayadan  quraan ka ah waxa ay inoo cadaynaysaa in waxyaabaha ugu horeeya ee cadaabka lagu galo ay ka mid tahay Salaada oo laga tago. Sidaa darteed waa arin lagu kasban karo cadhooyinkinka Ilaahay.

2. Iyada oo Salaada dib looga dhigo Xiligeeda: Sida uu Ilaahay ku sheegay {Suuratul Nisaa, ayada 103} Ilaahay waxa uu yidhi Salaada waxa la idinku faral yeelay inaad oogtaan waqti cayiman. Kalmada  maw qtuut waxa ay sharxaysaa “Waqti Cayiman”. Calaamadaha lagu yaqaan qofka munaafiga ahna waxa ka mid ah “isaga oo Salaada dib u dhiga”. Markaa arinkana waa danbi weyn oo qofku ku dhici karo.

3. Salaada oon lagu oogin Masaajidka [Jamaacada], waa ragga, e. : Waxa iyana ah khalad lagu dhaco in ragu iyaga oo awooda ay hadana ka habsamaan inay ka qayb galaan Jamaca Masaajidka, isaga oo  Neb iguna{SCW} ka hadlaya arinkan waxa uu yidhi [Hadaanan islahayn dadka ayaa ku guban, kuwa Guryaha ku tukanaya ee raga ah waxaan ku soo gubi lahaa Guryahooda. “Xadiis saxiisa ah”.]. markaa ma  banaa na in qofka raga ah isaga oon cudur daar haysan in uu jamaca ka habsaamo.

4. Salaada oo lagu tukado iyada oon xasilooni lala iman: Tiirarka Salaada waxa ka mid ah in lala yimaado xasilooni [Nagaansho], hadii laga tagana waa khalad ka mid ah khaladaadka lagu dhaco marka salaada la gudanayo. Tusaale waxa inoogu filan xadiiska saxiixa ahaa ee ninka salaada uu nebigu ku yidhi maad tukene ku celi. Markaa waa in salaada lagu nagaadaa rukuucda, sujuuda, taxyaadka iyo qiyaamkaba.

5. Iyada oon lala iman Khushuuc iyo dhaq dhaqaaqa qofka oo bata: Ilaahay waxa uu ku amaanay  Qura ankiisa kuwa la yimaada khushuucda, sidoo kale nabiguna [SCW] wuu amaanay. markaa waa muhim in Khushuuc qalibiga ah lala yimaado, dhaqdhaqaaqana la xakameeyo inta salaada lagu jiro.

6. Iyada oo Loo istaago Ragcad kuu hadhsan, iyadoo imaamku aanu Salaama nakhsigii labaad  dhamays an: Waa in qofka ay u hadhsan tahay rakcad ama ka badan uu sugo ilaa imaamku uu dhamaysanayo  sa lmaaa nakhsiga koowaad iyo ka labaadba [Salamu aleykum Waraxmatulah, hadana, Salamu aleykum Waraxmatulah], ka dib kac siina wado inta rakcadood ee kuu hadhsan.

7. Iyada oo uu qofku ku bilaabo marka uu salaada xidhanayo wax aan ahayn Takbiirta [Alaahu Akbar]: waa khalad in qofku sameeyo wax ka baxsan in uu takbiirta wax aan ahayn ku dhawaaqo, sida usalii  sa laatal casar, ama duhur ama maqrib, Waa bidco in qofku taas la yimaado, lamina ogola, marka uu qofku u istaago Salaada waa in uu ku bilaabo Takbiirta [Alaahu Akbar].

8. Iyda oon la akhrin Faatixada: in faatixada laga tago salaadu kuma ansaxasyso, markaa waa in qofku bartaa Faataxada iyo quraanka kale ee uu salaada ku tukanayo inta uu kari karo. Nebgiguna waxa uu yidhi qofka aan Faatixada akhrin Salaadi uma sugna. Sidaa darted waa in qof kasta oo Muslim ah uu  faa tixada si fiican u bartaa si salaadiisu u noqoto mid laga aqbalo inshaallah.

9. Iyada oo Quraan lagu akhriyo Rukuucda iyo sujuuda: lama ogola in Sujuuda iyo Rukuucda midnaba  la gu akhriyo quraan. Sujuuda in qofku ku ducaysto waa bananan tahay laakiin waa la diiday in quraanka lagu akhriyo.

10.Marka Salaada lagu jiro oo la eego xaga sare ama hareeraha: inta uu qofku Salaada ku jiro waa in  u u ka xakameeyaa indhihiisa in ay kor eegaan ama midig iyo bidix kolba dhinac ay u jaleecsandaan, hadii ay taasi dhacdo waxa ay kaxaynaysaa khushuucdii salaada, markaa waa in uu qofku ku maamulaa  indh ihiisa in ay u jeedaan dhinaca qiblada isagoo la imanaya khusuuc aaminsana in uu hor taagan yahay  Ila ahay samaytay aduunka iyo waxa ku dhex jiraba.


Ilaahay Salaadeena ha ka dhigo tii la aqbalo.
Salamu Aleykum Waraxmatulilahi Wabarkahatu.


Maqaaladeena danbe ayeynu ku sii wadi doontaa inta ka dhiman casharkan.

 

 

 

 

 

Khadar Dahir Abdi
Hargeisa, Somaliland
khadiir@hotmail.com