KU: Wasiirka Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda Somaliland
Mudane Cabdillahi Maxamed Ducaale
Hargeysa, Jamhuuriyadda Somaliland



Ujeeddo: Sharafta ka Raac Cabdillaahi Yarow!!
Taariikh: 27.01.2010
 


1. Hambalyo:

Mudane wasiir, Cabdillaahi Maxamed Ducaale,
Aniga oo ah muwaadin u dhashay Somaliland, ii ogolow in aan marka hore kuu soo  gu dbiyo hambalyo, ammaan iyo bogaadin badan oo aad ku mutaystay sida  xilkasnimada iyo masuulnimadaba leh ee aad uga jawaabtay hadalladii sumaysnaa ee ka soo yeedh ay wasiir ku xigeenka wasaaraddaada.

Mudane wasiir, waxaad muujisay inaad tahay masuul qaran oo xogogaal u ah  sooyaa lka taariikheed iyo halganka adag ee dalkeenna loo soo maray. Waxa aad caddeeysay inaad tahay nin aan ka dhiman damiirka iyo dareenkii wadaninimo, oo xumaan iyo xag-xagashoba u diiddan haldoorka iyo biri ma geydayda dalkan u soo halgamay, bulshada Somaliland-na magac iyo maamuusba ku leh.

Mudane wasiir, waxaad muujisay inaad tahay nin quman, u qalma qaran hoggaamintii bulshadana qiimo ku leh, balse ka tirsan qawlaysato iyo koox qaldan!
Mar kale waxaan kugu hambalyeynayaa sida waayeelnimada iyo deggenaanshaha leh ee aad uga jawaabtay haddalladii xajiinta iyo xaalad-abuurkaba xambaarsanaa ee ka soo yeedhay masuul ka tirsan xukuumadda, maamul ahaanna adiga ku hoos yimaadda.

2. Talo soo jeedin:

Mudane wasiir, waxaad muujisay inaad tahay nin isku kalsoon oo go’aan qaadasho leh si kasta oo uu go’aankaasi u adag yahayba. Waxaad muujisay inaad tahay nin dalka iyo dadkaba lexejeclo ka qaba oo ay dhibayso isku dhaca iyo xaalad-abuurka dalka laga wado.

Waxaad muujisay inaad necebtahay xaqdarrada, been abuurka iyo bahdilaada lagula kacayo muwaadin aan waxba galabsan. Waxaad muujisay inaad tahay nin aan quus iyo faro madhnaan ka joogin hadafka iyo himilooyinkiisa siyaasadeed ee mustaqbalka.

Haddaba, maadaama adiga laftaadu aad tahay nin aan looga sheekaynayn hadafkii  iy o himilooyinkii SNM loo asaasay runta iyo xaqiiqadana ka og xukuumadda aad ka  tirs antahay, maadaama aad adiga laftaadu qayb ka ahayd halganka iyo naf huridda  dalk eenna loo soo galay, maadaama aad tahay nin si fiican u dareemi kara xanuunka iyo dhibta ay leedahay xukuumad adeegsata cadaadis iyo cabudhin bulsho, taasoo ah waxyaabihii aad qof ahaan ka soo dhiidhiday.

Mudane wasiir, maadaama ay xukuumadda aad ka tirsan tahay soo ababaabushay  fa deexad iyo cambaarayn aan sal iyo raad midna lahayn oo lagu wiiqayo magaca iyo  sh arafta Mujaahid Ahmed Silanyo si dalka qas iyo qala-laase loo geliyo, balse aan ka soo qaadayo in lagaa qariyey oo aan waxba lagula socodsiin markii arrintan la  qorshayna yey,

Maadaama aan anshax marin lagu samayn ku xigeenkaaga oo ku kacay fidno abuur iyo isku dhac dadweyne,
Maadaama uu madaxweynaha laftiisu horseed ka ahaa odoroska iyo hurinta arrintan markii dambena ka hadli waayey oo uu ka aamusay,
Maadaama hadalkaagii bulshada oo dhan qanciyey ka dib uu wasiirka warfaafintu kaa daba hadlay oo mar kale uu u marag kacay hadalladii wasiir ku xigeenkaaga,
Maadaama ay tani muujinayso in madaxweynuhu si toos ah arrintan ugu lug leeyahay isla markaana aanu kugu raacsanayn qaabka aad adigu arrintan uga hadashay kaana soo daba diray nin uu ku kalsoon yahay,
Maadaama sida ay warar xogogaal ahi sheegayaan, xukuumadda aad ka tirsan tahay aanay weli arrintan ka hadhin ee ay waddo olole iyo abaabul weyn oo ku wajahan mudaharaad lagaga soo horjeedo imaatinka iyo soo guryo noqoshada mujaahid Axmed Silanyo,

Adigoo eegaya halka ay ku jirto danta iyo maslaxadda ummadda aad dartood u soo jihaaday,
Adigoo eegaya sharaftaada iyo karaamadaada qof ahaaneed ogna kifaaxa iyo nafhuridda aad adigu dalka hooyo u soo gashay,
Adigoo ka dheregsan oo aad qof walba ka ogtahay (dibna u milicsan doona) jillaafooyinka iyo dabinnada la hordhigay wasaaradda aad wasiirka ka tahay si aanad uga midho dhalin maskabkii iyo milgihii aqoonsi ee aad dalkeenna u soo hoyn lahayd,
Adigoo og in xisbiyada mucaaridka ahi ay xukuumadda iyo xisbul-xaakimkaba kaga badiyeen siyaasaddii arrimaha dibedda ee aad xilkeeda lahayd,

Adigoo qiyaasaya miisaanna saaraya faa’iidada iyo faa’iido darrada ay kuu keeni karto sii haynta xilka wasiirnimo ee aad u sii hayso madaxweyne iyo xukuumad adiga iska kaa xulufaystay kuuna muujiyey in aanay kugu kalsoonayn,
Adigoo dib u qiimayn ku samaynaya heerka wax qabad ee xukuumadda aad ka tirsantahay, isla markaana ay kuu soo baxayso inay tahay xukuumad iyo madaxweyne dalka iyo dadka midna aan u shaqaynayn ee iyagu ka shaqaysanaya,

Waxaan halkan kuugu soo jeedinayaa talo ka timid muwaadin Somalilander ah oo jecel inay hadafkaaga iyo himilooyinkaaga siyaasadeed ee mustaqbalku hirgelaan,
Talo uu kuu soo jeediyey muwaadin Somalilander ah oo jecel in nolosha inta kaaga hadhay aad noqoto nin bulshadiisa magac iyo maamuusba ku leh taariikhdana lagu xuso,

Talo kaa bedbaadin kari lahayd inaad noqoto nin bulshadiisa ka eedooba, nin dan  leh na u eedooba. Muwaadinkani wuxuu ku leeyahay: U hiili bulshadaada iyaga dartoodna u eedow, intaad madaxweyne Riyaale iyo saaxiibadii u hiilin lahayd!

Mudane wasiir, Haddii xukuumaddii aad ka tirsanayd ku qadarin weyday, hadalkaag iina qiimo u yeeli weyday, bulshada Somaliland agtooda ayaad qiimayn iyo qadarinba ka heli doontaaye, Sharafta ka raac, iskana casil xilka wasiirnimo ee xukuumadda Riyaale.
 


Sharafta ka raac Cabdillaahi Yarow!!!!!!!!



Wa Billaahi Tawfiiq,
Rabbi (SWT) talada ha ina waafajiyo

Somaliland Guul, Horumar, Isbedel khayr leh iyo Aqoonsi

 



By: Architectural-Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) [UK & Holland]