WAR-SAXAAFADEED
 

 


War-saxaafadeedka  Xisbiga Kulmiye  soo saaray,kuna saxeexan yahay  Gudoomi yaha Xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi ,oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay shaba kadda Timacade News, ayaa wuxuu u  dhignaa :-


“Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye oo ku hadlaya magaca golaha dhexe, gudida fulinta, xubnaha iyo taageeryaasha xisbiga kulmiye waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dir ayaa Madaxweynaha JSL, Ciidammadda Qaranka iyo gudidii loo xilsaaray qiimaynta darajooyinka.

Xisbiga Kulmiye waxa uu u arkaa ayuu Warsaxaafadeedku Yidhi in bixinta derejada ciidamadu ay tahay talaabo loo qaaday xagga horumarka, taas oo ka mid ahayd b alanqaadadii xisbiga ee xiliga doorashada oo fulay.

Gaba Gabadii Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md.Muuse Biixi Cabdi waxa uu u rajeey ay gudida qiimaynta derejooyinku in waxii tabashooyin ah ee jira ay si degdeg ah u dhameeyaan.”