“Komishanka Doorashooyinka waanu ku kalsoonahay, Cali Guray-na kumuu Gefin ee waxa ku Gefay Faysal Cali Waraabe iyo Muuse Biixi…”

 



“Illaahay Muuse Cimrigiisa ha dheereeyee wuu ii markhaati furay in Kulmiye ka soo hor-jeedo Maal-gashi in lagu sammeeyo Somaliland ….” Cismaan Hindi

Haegeysa (TNN)-Gudoomiyaha Ololaha Doorashada ee Xisbiga UDUB Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Cismaan Hindi) ayaa jawaab ka bixiyey Hadalo shalay uu sheegay Gudoomiye ku xigeenka  Xis biga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo xisbiga UDUB ku eedeeyey inay carqaladaynayaan  Doorash ada, isaga oo sheegay Cismaan inay ku kalsoonyihiin Hawlaha Komishanka.

Cismaan wuxuu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo aanu xalay khadka Telefoonka kula  yeel anay, waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan:

S: Guddoomiye, waxaad nooga warataa Warar ku soo baxay Warbaahinta oo uu Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi kaga hadlayay socdaalka Madaxweynaha iyo awoodaha Madaxweynaha ee xilligan kala guurka inaanu xaq u lahayn inuu sammeeyo isku-badal xaga Wasiiradiisa ah iyo inuu maal-gashi la saxeexdo wadamada iyo shirkadaha  shishe eye, Xisbi ahaana haddii ay talada dalka ku guulaystaan ay shuruucdaasi baabiin doonaan arr intaasi sideed u aragtaa?

J: Horta Muuse Biixi Illaahay cimrigiisa ha raajiyee uu noo markhaati furay, waxa weeyi  waxa an baryahan ka san qadhinayay ee aan ummada reer Somaliland u sheegayay oo aan  jara a’idka ku qoray in Kulmiye ka soo horjeedo aqoonsiga Somaliland oo ay leeyihiin Somaliland in la aqoonsado uma qalanto, in Kulmiye leeyahay Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf  Yaa siin inta ay joogaan yaan Somaliland la aqoonsanin, inuu leeyahay Somaliland shisheeye iyo sokeeyaba ninka maal-gashadaa wixiisu waa waxba kama jiraan Maxkammad ayaanu gayn-doonaa, inuu Kulmiye leeyahay Ummada Reer Somaliland waxba may qaban, waxyaabaha Somaliland u qabsoomayna uu sawiro fool xun uu ka bixiyo, Muuse waxa uu leeyahay haddaan u soo noqdo ee uu leeyahay Madaxweynuhu heshiisyo ma geli karo haddii uu soo galana  wax aasi waa waxba kama jiraan, Illaahay Muuse Cimrigiisa ha dheereeyee inuu ii markhaati furay in Kulmiye ka soo hor-jeedo maal-gashi in lagu sammeeyo Somaliland shisheeye iyo  sokee yaba, wuxuuna Muuse sida runta ah la eegtay in Madaxweynaha Somaliland uu dibada uu tagay oo shaqo Qaran u socdo uu adduunweynaha fariin-siinaayo tujaarta adduunyada ee maanta Somaliland maal-gashan lahayd oo ay ku leeyihiin heshiiska aad Somaliland la saxeexataan waa waxba kama jiraan wixiinana waxba lagama soo qaadi doono, halkaasi waxaad ka arkaysaa in ay hortaagan yihiin maal-gashigii Somaliland lagu maal-gashan lahaa, waayo Somaliland waxay ku iibsamayso waynu ognahay waa maal-gashi waa dimuqraadiyada maanta jirta oo la kobciyo, nabada oo la xoojiyo waxa weeyi Somaliland oo isku duubnaata oo maamulka la fidiyo, ta kaliya ee maanta ay ka dhawaajinayaan 24ka saacadood waa Doorasho waa Doorasho, waa dhab Somaliland doorasho way ku iibsamaysaa laakiin waxay ku iibsamaysaa waxyaabahaasi kale ee aan sheegay, markaasi Muuse marka uu Madaxweynihii Qaranka inkirayo oo uu leeyahay Madaxweynaba maaha, waa nasiib daro inuu Somaliland u sheegayo aduunweynaha Dowladai kama jirto, isaguna afkaasi uu ku hadlayo waa kii Kulmiye, Kulmiye in ay siyaasadiisu caynkaasi tahay ayaa noo cad, waxa kale oo ay ka hadlaan Tahriibta iyo shaqo la’aanta, haddii ay wadanka u diidaan in la maal-gashado oo warshado waaweyn la dhiso oo mashaariic laga sammeeyo, shaqooyin in la abbuuro haddii ay diidan yihiin waxay la dagaalamayaa dhalinyarada maanta shaqada la’a in ay shaqo helaan iyaga ayaa ugu wacan iyaga ayaa dhalinyarada ku boorinaya in ay dhoofaan oo ay tahriibaan oo ka hortaagan maal-gashigii iyo shaqadii Ummada reer Somaliland-na way arkaysaa in Xisbiga Kulmiye siyaasadiisu ma-dhalays tahay.

S: Waad loo lamaysaan waana Xisbi Mucaarid ah waxyaabaha aad ka faa’idaysanaysaan haddii muddada lagu heshiiyay ee ay dowladu xilka sii hayso ee doorasho in la gaadhsiiyo loogu tallo-galay uu ku doodayo oo ay sharci daro tahay wuxuu sheegayaa maxaad ugu diidaysaa miyaanu xaq u lahayn maadaama Madaxweynahu heshiis muddada doorashada ka hadhay lagu gaadhay in uu xilka sii hayo ?

J: Waxa lagu gaadhay muddada doorashada inuu Madaxweynuhu yahay Madaxweynihii Qaranka, heshiis lix qodob ah ayaa la galay, heshiiskaasi waanu u hogaansanahay, waanu ixtiraamaynaa, heshiiskaasi kumuu jirin meelna kagama taalo Madaxweynuhu cidna ma magacaabi karo heshiisna ma saxeexi karo meel ay heshiiska kaga taalo ma jirto, waa af-lagaado lagu duminayo Qaranka Somaliland ayaanu u arkaynaa oo lagu inkirayo Dowladnimada iyo Xukuumada Somaliland ka jirta iyo fariimo loo dirayo dibada oo lagaga hor-tagayo Madaxweynaha shaqooyinka u qabsoomi lahaa in aanay u qabsoomin.

S: Cismaan maadaama aad loo lamaysaan laguna heshiiyay waxyaabaha Komishanka ka baxa loo hoggaansamo, waxa uu Muuse dhaliilay hadalo ka soo yeedhay Madaxda Xisbigiina qaar ka mid ah gaar ahaan Af-hayeenka Xisbiga isagoo taagaray hadalkii uu Madaxweyne ku-xigeenku BBC-da siiyay, miyaanay run ahayn in Cali Guray ku kacay wax ka soo hor-jeeda wixii lagu heshiiyay ?

J: Cali Guray, wax ka soo hor-jeeda waxyaabihii lagu heshiiyay oo uu ku kacay haba yaraatee ma jirto, waxaanu sheegay in lixdii Qoddob ee lagu heshiiyay in aanu ixtiraamayno aanu u hayno Komishanka kalsoonida ugu wayn, waxaanu sheegay in ay buun-buuninayaan beena ay ka sheegayaan Komishanka Doorashooyinka, waayo Komishanka Doorashooyinka maalin uu cayimay iyo wakhti uu qabtay oo rasmi ahi ma jirto, sidaasi darteed wax khalada ah oo uu Cali Guray ku kacay haba yaraatee oo uu kaga soo hor-jeedo heshiiskii la galay ma jirto, Qollooyin kanina hoosta ha ka xariiqaan oo ha yidhaahdaan Cali Guray Qoddobkaasi ayuu ku gafay, waxaanu leenahay cidi haddii ay ku gaftay heshiiskii la galay waxa ku gafay oo si toos ah ugu gafay waa Faysal Cali Waraabe ayaa ku gafay, Siilaanyo ayaa ku gafay , Muuse ayaa ku gafay ,Xog-hayaha guud ee Kulmiye ayaa ku gafay, marka uu leeyahay Doorasho haddii ay June dhici waydo wax Xukuumad la yidhaahdo ma jirto, taasi ayaa gef ah oo gafka ugu wayn ah oo awooda intaasi leeg isaga yaa siiyay.

S: ugu dambayntii Cismaan maanta (shalay) Komishanku way hadleen doorashadiina inkastoo aan la hubin maanaba (shalay) way ku celiyeen oo waxay yidhaahdeen June ayaanu ugu tallo-galnay, adigu aragti ahaan maadaama oo aad tahay Gudoomiyihii Ololaha wax badana aad kala socoto, maxaad u malaynaysaa arrintaasi ay Komishanku ku dhaqaaqeen in ay June ku qabsoomayso ?

J: Adeer waxaan ku idhi Komishanka Doorashooyinka Qaranka waanu ku kalsoonahay, kalsooni buuxda ayaanu ku qabnaa, kolka aad leedahay aragti ahaana Cismaan ahaan aragti gooni ah oo aan leeyahay ma jirto, Xisbi ayaan ka tirsanahay talada iyo siyaasada Xisbigayaga ayaan u hoggaansanahay, had iyo jeerna tallooyinka waanu ka wada taashanaa, tallo midaysan ayaanu la nimaadnaa.
 


Source: Wargayska Waaheen