Laba Bakhaar Oo Buuxa Ayaa Ku Shuf-Beelay Saaka Salaadii Subax Magaaladda Wajaale

 


Wajaale(TNN) wararka naga soo gaadhaya magaaladda Wajaale ee u taala xuduuda Galbeed ee ay Somaliland la leedahay Dalka Itoobiya oo ah magaalo weyn oo Ganacsi uu saaka Salaadii Subax dab qabsaday laba bakhaar oo waaweyn oo ay alaabi ka buuxday.



Sida uu ku soo waramay qof goob jog ka ahaa dhacdadaasi ayaa sheegay gabi ahaanba bakhaara daas iyo alaabtiii taalay oo isugu jirtay Bagaash iyo Huudhaydh inay shuf-beeleen oo la bakhtiin k ari waayay kadib markii lagula tacaalay dabkaasi booyado biyo ah.



Magaaladan oo ah magaalo Ganacsi oo ay taalo Malaayiin lacag ah oo u kala agooshta Itoobiya iyo Somaliland ayaa ah magaalo aanay jirin Kaabayaasha Adeegyada bulshada ee Aasaasiga sida Dab damis, Wadooyin iyo kuwo kale, waxaanay taasi sababtay in la bakhtiin kari waayo dabkii qabsad ay
 

 

Source:Waaheen