Libaax Ku-Sheeg Marna Faanaya Marna Calaacalaya Marna Ooyaya!

 

Waxa jirta koox Somalilanders ah oo aad u caashaqsan mid ka mid ah abuurta Eebe gaar ahaan xayawaanka sida LIBAAXA ku waasoo si weyn u jecleysatay in loo qaato inay LIBAAXYO yihiin sidii Dhafoorqiiqleyaashii waagii rijiimka ku  s oo dhejistay jeebka shaadhka tuutaha korkiisa sawirka LIBAAXA ah ee fatoos hnimo iyo faan awgeed isu bixiyey LIBAAXYADA ee shacbigeena dhibaateyn jiray kuwaasoo aakhirkii hilfaha loo qaaday maadama iska dhaaf libaaxyo’e  w axay xitaa ka liiteen xoorka qadhmuun.

Hadaba, kooxdeenan iyana caashaqsan LIBAAXA ee mar kasta ku faanta in xi taa Riyaale uu ku fadhiyo dhabtooda oo sida ay is moodsiiyeen ah DHAB LIBA AX iyagoo isu haysta inay LIBAAXYO yihiin inkatoo libaaxu aanu ahayn  xaya waanka dunida ku nool ee ugu geesisan abuurta Eeebe oo dhan maadama ay jiraan abuur farabadan oo ka geesisan kana khatarsan libaaxa kuwaasoo uu aad uga baqo sida Bani Aadamka, maska, iwm.

Si kastaba ha ahaatee, waxa yaab iyo amakaag leh in markii walba oo laga  dh iidhiyo dulmiga iyo baadilka uu Riyaale iyo kooxdiida Hadhaaga Faqash u badan ku hayaan ummada iyo dalka Somaliland oo cidhiidhina la gesho oo xaqa iyo sharciga loo wada istaago lana wada difaaco, waxa warbaahinta kala duwan ee gudaha ku soo baxa qaar soo hambaaburay oo aad u naxsan ahna LIBAAX ku sheegyadii oo marna ku faanaya geesinimo iyo awood xad dhaaf ah marna, calaacalaya oo ooyaya oo min BOQOR, SULDAAN, CAAQIL, ODEY, WASIIR, iwm wada leh, “waa nala laayey…waa la isugu kaaya tegay…waanu dagaalamay na…waanu aarsaneyna, iwm!!

Hase yeeshee, bal, haba inoo faaneene ileyn, waa halka garaad koodu dhiga ye , may uun ka joojiyaan dheg xumada beelweyntooda maqaamka weyn, sh arafta iyo haybada ku leh ummada iyo dalka, iyo walaalahooda kale ee Reer Somaliland ee ay la daba taagan yihiin qabyaalada sumeysan, cuqdada, calaa calka, iyo oohinta faraha badan ee joogtada ah ee la xidhiidha markii walba ee baadilka iyo dulmiga laga dhiidhiyo ee xaqa iyo sharciga la difaaco ee intay afka gacanta iska geshaan inagu soo daaya xumahooda sida SULDAAN GALAA l, iwm.

Hadal iyo dhamaantii, waxaan walaalahay ugu caqli celinaya, LIBAAXU, waa xayawaan duur joog ah oo daciif ah oon caqli lahayn, wax la jecleysto in la noqdo ama lagu faanonana ma’aha; idinkuna waxaad ka mid tihiin Aadmiga uu Eebe abuuray ee qadariyey ee uu xita inyar malaa’igta ka kor mariyey, sidaas daraadeed, imaansada abuurtiida oo ku faana aadnimadiina suuban oo min fadlukun, ka joojiya walaalahiina kale cadiifada, cuqdada, calaacalka, oohintan, iyo dheg xumada joogtada ah ee aan reerka lagu aqoon ee aad la soo baxdee n taasoo ceeb ku ah guud ahaan Beel Weynta Reer Sheikh Isxaaq ee Saadada ah.
 

 


Guul iyo Gobanimo



Farah Ali Jama

Ottawa, Canada