MAGACAABIDDA ABIIB MA MOODAA MARAGGII SEEMAAL!!

 

 

Waa afeefe ogow, qoraalkani maaha mid muddici ku ah masuulka magaciisu ka muuqdo. Waa mid isku dayaya inuu macneeyo muuqaal siyaasadeed, waa muwaadin aragtidii.

Xirfadleyaasha siyaasadu kuwa xilalka haya iyo kuwa xayndaabka dibada ka joogaaba  waxa y isku waafaqsanyihiin in siyaasaddu tahay xirfad aan mooraal hagin ee ay masalaxadi hoga amiso. Waana wax wada gaadhay dadyowga dunida oo dhan halhayskani.

Wadankeenu kuma yaal meere kale, dadkiisuna malaa?ig ma?aha. Gaf kasta oo aadame ga ysan karaa waa wax inaga suurooba, xaqiiqadaasi waxay inoo sahlaysaa in aynu faaqidi ka rno danni kasta oo ka dhasha falalkeenna.

Waxaynu wada xasuusannahay dhacdooyin dhiig lahaa oo ka dhacay geyigeena oo dhaawac yadii ay nabada gaadhsiiyeen dhamaanteen ina damqeen. Kuwii ugu danbeeyay waxa ka mid ah oo aynu wada xasuusannahay dhacdadii Seemaal ee dhegta dhiigga loogu daray dad aan waxba galabsan. Tuhun mooyee wali danbiile garsoorku xukumay ogaalkay ma jiro, waxaads e moodaa in go'aanka madaxwayne Siilaanyo ugu magacaabay mudane Abiib Timacad xilka wasiirnimo uu buuxinayo bar ka maqnayd sawirkii ina horyaallay ee ka koobnaa muuqaaladii aynu u soo joognay ee arintii Seemaal lagu maareeyay.

Bal hada wada eeg go'aamo hore oo madaxwaynuhu gaadhay iyo magacaabidda Abiib siday iskugu xidhmi karaan ee danniga u abuuri karaan, kuna darsoo hadii siyaasadda saldhiggee du maslaxad yahay in su?aalo ka dhashaan saw wax maan gal ah ma aha?

Dilkii Seemaal waxay xukuumadu u xidhay wasiir Abiib oo markaa ahaa la taliyaha siyaasadd a ee madaxwaynaha, waxa kaloo uu galaaftay taliyihii ciidanka qaranka oo inta ehelkii shu hadadu eedeeyeen madaxwaynuhu eryay. Abiib, la taliyihii madaxwaynaha markaa isaga w aa la xidhay, iyadoon maxkamad la soo taagin muddo ka dibna waa la soo daayay. Abiib arri ntaa gaf uma arag kamana uu dacwoonin. Markii la xidhayey madaxwaynuhu xilkiisii kama qa adin, isagoo xidhan iyo isagoo xor ahba wuxu ahaa la taliyehiisii.

Hadaba, su'aalahan aan iska waydiiyay saw lama odhan garo waa gar in la soo bandhigaa:
ma dhab bay ahayd oo Abiib eedayntii loo xidhay wuu qabay? Mar haduu ahaa la taliyihii ma daxwaynaha siyaasaddii khal khalinta ammaanka dalka ma heshiis bay ku ahaayeen? Tolow shirqool kaba ma madaxtooyadaa laga maleegay? Ilayn waatii la xidhay masuul sare oo ka ti rsanaa xafiista madaxwaynaha ah e, ilaa maantana aynaan caddayn karin inuu danbiile ahaa iyo in kalee!

Waa qof iyo maankiiye, su'aalahaa muuqaalkan baa iiga soo baxay: mar hadii sarkaalkii ugu sarreeyay ee madaxwaynaha kala talinayay jaangoynta siyaasadda xiligaa lagu dhuftay sha anbad muuq danbiile ah, waxa jiray wax saar ay xukuumadu doonaysay inay is waydaariso. Si dadku ugu qaataan inay ka damqatay dannigii ahaa inay iyadu ka danbaysay dilkii Seema al oo malaha markaa maslaxad siyaasadeed ugu jirtay, waxa khasab noqotay in la helo cid eeddii loo xambaariyo go'aankiina waa kii noqday in Abiib la xidho xaq ha ahaado ama xale. Xil ka qaadis la'aantii uu xabsiga la galay, xukun la'aantii iyo sidii aanu marnaba garsoorka ugu doonan inay magaciisa waxyeelladii gaadhay waxuun uga naqaan ayaa dhalinaysa dan niga ah in dan heshiis lagu ahaa!

Hadiiba malaha ay fushay dantii laga lahaa dilkii Seemaal oo la taliyihii siyaasadda ee madax waynaha sumcadiisii loo sadqeeyay si loo  bad baadiyo tii madaxwaynaha ee qoonmi lahayd, saw lama odhan karo malaha mansab xilkii uu hayay ka sarreeya ayuu dhaafsaday samir iyo inuu mudo gaaban sugona balan baa aha.

Go'aankii madaxwayne Siilaanyo gaadhay Jimcihii ee uu wasiirka warfaafinta Somaliland ugu magacaabay mudane Abiib Timacad saw hadaba uma ekaan karo balan la gaadhay iyo abaal celintii. Arrintii Seemaal ee dawladdu baadhaysay inta badan ee la inoo sheegay in eedays aneyaal la tuhmayaa jiraan, maankii ka danbeeyayna aan wali la inoo sheegin tolow maxaa kaaga muuqda muwaadin?

Ma la is waydiin karaa inay isku xidhnaayeen dilalkii horee degaanadaa ka dhacay xiligii xisbi ga Kulmiye mucaaradka ahaa iyo dilkan Seemaal ee u danbeeyay? Markaad wada eegto saw iradaa iyo kuwa aad adiguba isku gaysan karto saw hadii aad dhinacayga wax ka eegto kuu lama muuqan karto in magacaabidda Abiib, madaxtooyada Somaliland marag ku furayso?

Muwaadin, adiga iyo maankaa!

 

 



Axmed Nagaashe

mukhtar15@hotmail.com