LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA MUD. AXMED XA SAN CARWO OO TACSI U DIRAAYA EHELKA MARXUUMAD MAKO IBRAAHIM HIIRAD

 

.
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha. Ganacsiga iyo Maalgashiga Axmed Xasan Carwo waxa uu tacsi u dirayaa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo si gaar ah Reer Faarax Jire, reer Iiman, Reer Luduf iyo tafiirtooda meel ay jooganba.

Xaajiyo Mako waxay ahayd hooyo, ayeeyo iyo macooyo dad tiro badan ka tafiirmeen oo be el kasta ay ku lahayd dad iyada qof ahaan ka soo jeeda. Ruux Illaahay barakeeyey oo cimri dheer oo cibaado leh siiyey. Ma filaayo inay jiraan shanta qaaradood ee dunida cid aan ka soo jeedin Mako in laga helaayo iyo carada Soomaaliyeedba.

Mako waxaa lagu aasay maanta 18 October 2013 oo ah ayaamaha barakeysan magaalada Hargeysa, waa Jimce waana maalintii afraad ee Ciidda welina lagu gudo jiro gudashadi xajka.

Waxaan ILLAAHAY uga baryayaa Mako Ibraahim Hiirad, inuu Jannatul Fardows ka waraabiy o, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Xigto iyo Xigaal, iyo Asxaabna meel kasta ooy joogaanbana uu waafajiyo samir iyo duco.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
 

 


Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha SL
ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo maalgashiga
eci.advisor@gmail.com


http://samotalis.blogspot.com/