Warsaxaafadeed

 

17 July  2010

Qaar ka mid ah wargeysyada madaxabannaan ee dalka ka soo baxa, ayaa daab acay in Madaxweynaha shacabku soo doorteen Mudane , Axmed Maxamed  Max amuud (Siilaanyo) magacaabay wasiiro hordhac u ah oo ka mid noqon doona  xu kuumadda Cusub ee uu soo dhisayo.


Hadaba, waxaan caddaynayaa inaanay jirin haba yaraatee wasiiro si hordhaca loo magacaabay ilaa hada, Madaxwaynaha la doortayna wuxuu ku  mashquulsa nyahay sidoo uu talooyin iyo afkaaro haboon uga uruursan lahaa  aqoonyahan ada kala gedisan ee qarankani leeyahay si uu u soo dhiso dawlad kooban oo  ta yo leh, dalkana horumar gaadhsiin karta.


Gebogebadii Madaxwaynaha la dooratay waxaa uu xukuumadiisa oo isku dhan u u soo magacaabi doonaa hadii Alle yidhaa xiliga uu xilka si rasmiya ula wareego Qarankana uu u dhaarto sida uu dhigayo dastuurka Qaranku, sidaa daraadeed waxaan warbaahinta kula talinayaa inaanay iska qorin waxyaabaha mala-awaa lka ah ee laysla dhexmarayo.



Allaa mahad leh
 


Maxamed Cilmi Aaden
Gudoomiyaha Warbaahinta
Xisbiga KULMIYE