MAALINTA DOORASHADA IYO KAADHKA CUSUB
Codkaaga Ku Ciil Bax...Q26
Ahmed Arwo

 

Kala mudan kii hore iyo kan maantu, waa komishanka doorashooyinka. Daliil kale ha doonin ee maalintii ay cayimeen qabashada doorashada, ayaa Madaxweyne Riyaale garabka taabtay  M udane Biikalo oo ahaa xubintii Kulmiye u magacaabay Komishankii ina dhaafay inuu noqdo  Wa siir Dawle. Waa tilmaam wacan iyo shaanbad ku dhacday colkii ina dhaafay iyo dareenkii aynu ka haynay. Waa hanbalyo kale iyo bogaadin aan ku salaamayo Komishanka doorashooyinka iyo dadweynaha Somaliland. Maalin taariikhi ah ayaa la cugtay, 26 June oo ah maalintii  isticma arkii caddaa dalkeena ka huleelay, waxa lagu kabayaa mid dhalisa xukuumad hanata himmilada dadweynaha u haraadan cadaalad, horumar iyo waxqabad. Insha Allah waxay noqon maalin mar labaad la mahadiyo, waxa soo noqon sharaftii ay lahayd iyo ididiiladii waalidkeen ka  muuq day 26 June 1960.

Muwaadin si aad taas u hanato u gunto inaad kaadhka cusub qaadato. U adkeyso safka dheer ee milicda iyo siigadu kuu weheliso. Ha daayicin fursaddan aad sugaysay sideeda sano. Waa masiirkaagii ee ha siisan dhadhan iyo dheef. Waa mustaqbalkii ubadkaaga ee u codee  waxqab adka. Waad aragtay xukuumadda manta jirta oo waxa u sharaxan Madaxweyne ilaa 1997 ku jiray Madaxtooyada , waa 13sano. Dalkeenu waxuu u ooyiyaa caddaalad, waxuu u ooman  yah ay waxqabad, waxuu tabayaa aqoon, waxuu u yeedhayaa hoggaan xilku gubo oo daafaca  xa qa muwaadinka.

Waxwalba waxa ka horeeya waa adigoo kaadhka cusub qaata. Waxa la bilaabay bixintii  kaadh ka oo shalay khamiis 13/05/2010 ayuu bilabmay waxuuna soconayaa toddoba cisho. Haddaad kaas ka habsaanto cod ma lihid, waxaad noqon doontaa qof ka qaday xaqa ugu culus ee  muw aadinku leeyahay, waa adiguu codkaaga ku doorta cidda 5 sano aad hoggaanka dalka u  igman ayso. Waa ammaano dushaada saran, waana mas'uuliyad aad u qaaday faca soo socda iyo dhalinta aan weli codeenta gaadhin.

Si aad u abaal mariso hoggaanka ku dhayalsaday, u qaatay inuu ku leeyahay, garan waayey inaad shaqada adigu qortay una dhiibatay ammaano muddo leh, qaado kaadhka noqona kan KU CIIL BAXA CODKIISA. Iska jir qalalaase ku-noolka miciinsada nabadgelyo darrada, ha yeelin in dhagax laguugu dhiibo walaalkaa oo xaqa dalka aad ka siman tihiin, waxa kuu dan ihi isna dan ayey u tahay. Diid dhuuni aadan mahadin. U oggolow muwaadin kasta xaqa uu u leeyahay inuu codkiisu ku doorto hoggaanka dalka.

Haddaad xil gaar ah ka hayso arrimaha doorashada ood tahay Komishan, Muraaqib, Askari, ka raani, dareewal, iyo qof hawlo kale haya u hagar bax, si daacad ah u gudo waajibkaaga, eex ka dheerow, u dhabar adeeg, u dhibaatood, ishaadu ha soo jeedo, noqo qof u hura waxwalba danta guud iyo mustaqbalka dadkiisa. Amar qaldan oo sharciga ka baxsan diid, si siman ugu ad eeg musharixiinta. Ogow xilka qarankaa leh, qof ma laha, maalintaas doorashada waa la siman yahay, halka musharixiintu ka simantay, inta codka dhiibanaysaana wey siman yihiin, ma kale leh taajir iyo faqiir, rag iyo dumar, wiil iyo waayeel, ma kala leh degmo iyo gobal, qabiil iyo  re er. Qof waliba waxuu leeyahay hal cod oo uu si xalaal ah ugu codeeyo ciduu doonaayo. Dheg how dhigin afminshaar laaluush indho-tiray, ka dhowrso kuwa musuqu madax maray, ka  gaab so kuwa boobka iyo dhaca malafsaday, CODKAAGA KU CIIL BAX oo u codee Isbedelka, u codee aqoonta, u codee daacadda, xumaanta aad soo aragtay bedel oo hiigso horumar iyo hoggaan waxqabad.

Tidicda uu yidhi Cali Aadan aan qayb idinka siiyo:

 

 

Beedka Kowaad

Ma ogtahay dadkaygow

Inkastood dedaalkiyo

Dul-qaadkiyo adkaysiga

Danta guud ku korisaan

Isma doorin xaajoo

Dabagaalle mooyee

Da'yartiyo agoontii

Iyo dawladnimadii

******

Weli way dayacanyiin

Dalka inu hoggaanshiyo

Ninkii hawsha loo diray

Isagiyo dirkiisii

Intay dabarka goosteen

Ku durduriye xeerkii

Darandoorri laba qaad

Hanti qaran daldalashada

******

Dacallada ka buuxsade

Iska diid xisaab celin

Golihii la doortiyo

Doc-faruur nidaaamkii

Idinkuna dadkaygow

Intaan dakharku weynaan

Aan soo dabbaallee

U dareera foodkoo

KULMIYAA daryeeliye

Ugu deeq codkaagaa

 


Ali Adan  ,  London
 


Dardaaran iyo gunaanad haddaanad kaadhka cusub qaadan ma tirsanid, waxaad seegtay cod-bixintii 8da sano aad dhowraysay. Waxa guusha doorasho lagu gaadhaa waa codkaaga iyo ke yga iyo kiisa oo is-biirsada, codka maqan ayaa laga yaabaa inuu kuu keeno cid aadan doonayn . Codka hortii Kaadhka qaado, ku hubso jeebka deedna ku xafid meel adag iyo ammaan, si aad 26ka June 2010 ula soo baxdid adigoo Insha Allah si daacad ah ugu ridi doona cidaad  mustaqb alka ummadda ku aaminayso.

Mahad oo dhan Alle ayaa leh,

Waa inoo qormo kale iyo maalinteed, Insha Allah
 

 


Ahmed Arwo

samotalis@gmail.com
SAMOTALIS Group
http://www.facebook.com/pages/SAMOTALIS/238585618589?ref=mf#!/group.php?gid=143687650990&ref=mf
 


SAMOTALIS Page

http://www.facebook.com/pages/SAMOTALIS/238585618589?ref=mf#!/pages/SAMOTALIS/238585618589
http://samotalis.blogspot.com/
http://samotalis.blogspot.com/