“Maalintii Dawladdii Siyaad Bare tidhi Xasan Ciise ha la soo xidho, aniga ayaa Taliyihii Ciidanka kula dagaalamay” Muuse Biixi

 



Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in guusha xisbigoodu ka gaadhay doorashada ay tahay guul.............


Hargeysa (TNN) - Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in guusha xi sbigoodu ka gaadhay doorashada ay tahay guul ay la wadaagaan ururada iyo Musharixiinta doorashada ku hadhay.

Guddoomiye Muuse Biixi oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Anigu maanta ma qabbo in xisbiyana dhaceen, xisbiyana guuleysteen oo Somaliland oo dhami wada guulaysatay, ururadii iyo dadkii tartamay ee aan soo bixin, waxaanu leenahay guusha waynu wada leenahay ee maaha mid aanu anagu gaar u leenahay”

Guddoomiye Muuse Biixi, waxa kale oo uu ka hadlay tabashada Xaqsoor iyo reer Axmed-dhag ax, waxaanu yidhi “Doorasho kastaa waxay leedahay jiitan, waala is haraamaa, doorasho kas tana khilaaf lagama waayo, dadbaana cawda, waxay guushuu ku jirtaa sida khilaafka loo xali yo, waxaan ka xumahay in maanta uu maqan yahay ururkii la odhan jiray Xaqsoor, dhibaata da Xaqsoor la maqan yahay waanu dareemaynaa, mudaharaadkii dhacay (kii hore) dhimasho iyo dhaawacbaa ka yimid, dadka waayeelka ah ee reer Axmed Dhagax ee Guddoomiyaha Xaqs oor ka mid yahay ee Salaadiinta leh waanu is-ognahay waxay dalkan u soo galleen, anigana nin iga reer Axmed dhagaxsan ma jiro oo dhibteeda iyo dheefteedaba la wadaaga, tusaale ayaa u soo qaadayaa inamada leh reer Axmed dhagax-baa si gaar ah loo xumaynaa (xubnaha saxaafada)"

Muuse Biixi waxa uu intaas ku daray "Maalintii dawladdii hore (Siyaad bare) ay tidhi Xasan Cii se hala soo xidho, aniga ayaa taliyihii ciidanka kula dagaalamay, waxaana ii markhaatiya Cabdi Haybe, maalintii ay isku dhaceen dawladdii tan ka horeysay ee aanu anagu Mucaaradka ahay n ee Salaadiinta Ciidanka lagu dalbaday ninkii ugu horeeyay ee gurigii Salaadiintu fadhiday tagay anigu ahaa”

Muuse Biixi, waxa uu sheegay in Madaxwayne Siilaanyo aanay ka suurto-galin inuu reer Axme d-dhagax si gaar ah u weeraro “Markii Kulmiye la aasaasayey cidii ugu horeysay ee Siilaanyo u soo gurmatay miyaanay reer Axmed Dhagax ahayn, miyaanay iyagga oo xilka Kulmiye haya ku dhiman Daa’uud iyo Kayse, Axmed Siilaanyo siday uga suurowdaa inuu noqdo nin weeraray reer Axmed-dhagax”ayuu yidhi.
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland