Maalmihii Timacade iyo Xiisihii Madasha

 


 

Gabiley (Timacade News)-Bandhig suugaaneed aad u qiimo badan oo ku saabsan Maalmihii & Maansooyinkii Abwaankii C/laahi Suldaan Timacadde ayaa lagusoo bandhigay Hotel  As kar ee magaalada gabilay.

Bandhig Suugaaneedkan oo si heersare ah loo soo agaasimay waxa ka soo qaybgalay  aq oonyahan Boobe Yuusuf Ducaale,badhasaab ku xigeenka gobolka gabilay C/risaaq  sh.Aa dan cali, Caaqil Max’ed C/laahi Xareed(weerar), Maryan C/laahi suldaan Timacadde, Idiris Iimaan Rooble, C/laahi Suldaan Timacadde & marti sharaf kale oo aad u tiro badan.


Madashan oo ahayd Mid kulmisay Abwaano , Waayeel la Noolaa Saaxiibna ay ahaayeen  A bwaanka Maansadiisa halkan lagu hayo Caawa, sidoo kale Masuuliyiin, iyo Dhalin aad u  bi licsan oo wiilal iyo gabdhaba leh waxay ka dhalatay Codsi Dhalinta Gobolka ka yimid Waqti hore oo Naadigu soo bandhigay Buugga Diiwaanka Maansada Timacadde, Dhalintu waxay ka codsadeen Qoraaga in si gaar ah Maalin uu ugu sameeyo Guud ahaan Taariikhdii iyo  So oyaalkii Abwaan Timacadde, isna Yeedhmadaa wuu ka ajiibay Dhalinta.

Qoraaga Caanka ah ee Boobe Yuusuf Ducaale oo Madashaasi ka hadlay ayaa si qoto  dh eer uga xogwaramay Taariikhdii & Sooyaalkii Abwaanka lagasoo bilaabo 1920-1973, wax aanu si hufan usoo bandhigay qaybahii kala duwanaa ee suugaantii murxuum C/laahi  Sul daan Timacadde & erayadii uu halhaysta ulahaa abwaanku ee wakhtigan taariikhda baal dahab ah ka galay , aqoonyahan Boobe yuusuf Ducaale waxa uu xusay in Abwaan  Timac adde uu ahaa abwaan ka gabyay xaaladihii wakhtigii uu noolaa ka taagnaa caalamka  taa sina ay inoo cadaynayso in uu ahaa abwaan caalami ah.

Waxa uu tilmaamay sidii uu Abwaan C/laahi Suldaan bulshada uga wacyi galin jiray ku  dh aqanka qabyaalada uguna dhiiri galin jiray inay wax qabsadaan oo aanay waxba ka sugin Wadamo shisheeye & Hay’ado caalami ah . Waxaanu uu Xusay in ay ku kaliftay in uu qoro Taariikhda iyo Suugaanta Abwaan Suldaan Timacadde Dal jacaylka iyo Wadaniyada uu u hayay Wadankiisa iyo Dadkiisa.

Niciima Yuusuf Cilmi oo ku hadlaysay Magaca Naadiga Akhriska Timacadde ayaa ka xog  w arantay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray Naadiga Akhriska Timacadde, waxyaabi hii u qabsoomay & ujeedooyinkii loo aas aasay Naadiga oo ahaa ayey tidhi kobcinta  aqo onta dhilinyarada Gobolka & guud ahaan Somaliland .

Naciima Yuusuf Cilmi waxay Si qoto dheer uga warantay Himilooyinka Naadigu hiigsanayo iyada oo Xustay in Naadugu Xudun u noqon doono isku xidhka Qorayaasha, Abwaanada, Dhalinyarada iyo Bulshada inteeda kale, waxa kale oo ay intaasi ku dartay in Naadiga  Tim acadde ay Muhiimada saarayaan La dagaalanka Jahliga iyo kor uqaadida Akhriska iyo  Qo raalka Dhalinyarada Somaliland gaar ahaana Gobolka Gabiley.

Waxa sidoo kale madashaasi ka hadlay, Idiris Iimaan Rooble oo ay isku gado ahaayeen  M arxuum Abwaan C/laahi Suldaan Timacadde kana waramay waxyaabaha iyo aqoontii uu u lahaa Abwaanka, isaga oo xusay in ay aad u Saaxiibo ahaayeen, Aqoon fiicana uu ulahaa Timacadde, waxa uu halkaasi ka tiriyay Maanso ka mid ah maansooyinkii Ugu caansanaa ee uu tiriyay Abwaanku.

Maryan C/laahi Suldaan Timacadde, Max’ed C/laahi Xareed(weerar) & Shabcaan Cali  Duc aale oo si qoto dheeer uga waramay sooyaalkii taariikheed ee marxuumka & waxyaabaha Dhaxal galka ah ee taariikhda galay ee uu inooga tagay Alle ha u naxariistee Gabayaagii caanka ahaa C/LAAHI SULDAAN TIMACADE.

Ka hor Gunaanadkii Madasha ka soo qaybgalayaashu qoraaga ku hafiyeen wixii  Maskaxd ooda ku jiray ee Su’aalo ahaa, ood ka dheehanaysay Xiisaha ay u qabeen inay si qoto dheer wax uga ogaadaan Noloshii Abwaan Timacadde iyo Waayo Aragnimada Qoraaga Caanka ah ee Boobe yuusuf Ducaale.

Gabagabadii Naadiga Akhriska Timacadde (TRC) waxay shahaado sharaf gudoonsiiyeen qoraaga caanka ah ee Cabdi yuusuf Ducaale(Boobe) kadib markii ay arkeen taariikhda & xogta sugan ee uu uga tegay Dhalinyarada soo koraysa.

 



Mustafe Abdikariin Ali (Mustafe Future)
Timacadde Readers Coordinator
timacaddereaders@hotmail.com