Maamulka deg, Gabiiley iyo Bili-ga Bilis-Xaawalay (Khadra Xaaji Gaydh) halkay iskala soo dhaci toloow?!

 

 

Salaama Calaykum.

Tan iyo inta ay jirtay Somaliland oo labaatan Gu' iyo dhiidhii ah, dalkeenu waxa uu si buuxda ga cantooda ugu jiray waa Allah mahadiiye oo hantiyay, dadkii Ilaahay ku abuuray ee lahaa. Degaan kasta iyo dudo kastaba waxa ka arimiyay oo ka tashaday nin u dhashay! Dhib badan iyo rafaad aan la koobi karin oo aan soo marnay intii awooda-maamul (dawladnimada) dhulkeenu dhaxal-wareegsanayd, ayaad moodaa in Degaano badan oo gayigeena ka mid ah ay cashar u noqotay, oo ay ku cimro qaateen kana faa'iidaysteen. Kuwaasi, waa kuwa tolfiiqda yeeshay ee dhan u wada jeestaye waxa ay judhadiiba markii ay Somaliland aasaasantay ku dhaqaaqeen, inay hawlahii badnaaye kaga qabyoobay is-raacii Somali-layn iyo Soomaaliya, tu gaar ah iyo mid guudba u qalab qaataan dib u yagleelkooda, meel fiican ayaana ay mudadaa kooban durba gaadheen. Waxa meelahaasi guulaha waawayn soo hooyay ka mid ah oo run ah aanna iyagu Somali-layn oo idil dabada iskugu dhuftay dadkeena ku nool degaanka Gobolka Tog-dheer! Degaankan waxa ka soo mudh-baxay awood balaadhan oo horumar dhaqaale iyo mid bulsho labadaba leh.

Waxa ay Togdheer ka mid tahay meelaha ugu warshadaha badan leh ee ku yaal carriga Somali-layn, taasi waxay ku tisaysaa sida uu Gobolkaasi u kobcay dhaqaale ahaan! Waxa kale oo ay ka mid tahay Togdheer meelaha tolfiiqda-bulsho uu aadka u dhismay, haday tahay horu-kaca dha nka waxbarashada iyo iskaashiga wax-wada-qabsiga ku salaysan iwm. Inkasta oo xaga maam ulka ay mar-marka qaarkood loolanka iyo kursi kala-riixashada siyaasadeedeed ee qarank u sa amaynasay hadana marna ma ay noqon taasi mid laciifisa, horumarka dhan kastaba leh ee xaw liga ku socda ee gobolkaasi ka hanqaaday.

Waxa ilaa iyo beri-dhawayd hadaba taa cakiskeeda ahaa oo ''180-digrii'' oo geesta kale ah ta agnaa degaanka Gabiiley! Degaankan Gabiiley waxa laga filayay iyo waxa ka soo baxay ayaa aad u kala fogaaday. Waxa dhab ah hadii cid uuni dhibane ku noqotay dhan kastaba ah is-raacii Somalilayn iyo Soomaaliya inay Gabiiley kow ka ahayd. Degaankan Gabiiley oo dadkiisu ay Beer alay, Xoolo-dhaqoto, iyo Baayac-mushtarba yahiin ayaa waxa uu yahay marka ay noqoto arint u heer-qaran (Soomaaliya/Somaliland) mid dhaqaale ahaan ama bulsho ahaan meel sare kaga jira, oo halbawle u ah dawlad kasta oo jirtaba. Cawo-darose waxa ay dhacday marka ay bahas hu hoos u soo degto ee ay heer Gobol timaado, oo ah halkii ay ahayd bulshadu inay ka gashi-sa maato oo ay dheef ka hesho Nimcooyinkaa Ilaahay gobolka ku manaystay, ayaa ay gabaan noq otaa aan qaneecaad buuran lahayn, waxanad taa ka aragtaa dib-u-dhaca baahsan ee gees ka staba leh ee ka muuqda Gobolka.

Inta ay Somaliland jirtay ilaa Bilo yar hortood qaylada iyo buuqa ka aloosani maamulka degmada Gabiiley mid joogto ah ayuu ahaa, Toban maamul ka badan inta iska bedeshay kursigaa yar ee uu ku fadhiisto ''duqa degmada Gabiiley''! Mar-mar baad is odhanaysaa waar meeshu qodaal iyo dad iska degan baaba ilaahay ku abuuraye waa maxay xanuun-Talyaanigan maamulka kaga dhacay! Xanuun-Talyaani waxan uga jeedaa, dalka la yidhaa Italy, waxa uu ka mid yahay dawladaha uu xasili kari la' yahay xukunkooda sare, waa meelaha aduunyada ugu bedelka/casilaada badan leh marka ay noqoto jagada raysal-wasaarenimo iyo dawladiisa. Hadii ay sal-dhigi waydo taladuna waxa kolay hubaal ah in waxyaabo badan oo qabsoomi lahaa oo horumar ahi ay baaqanayaan.

Waxan garaadsaday tiiyoo horumarka gaabiska ah ee gobolke Gabiiley eedeeda la saaro dawladahii kala danbeeyay ee dalka Somaliland horayso iyo danabayso soo maray, tusaane ahaan, Ingiriis ama Soomaaliya. Haatan cid kale oo farta lagu fiiqaa waxan filayaa inaanay jirin aan ahayn dadka degaanka u dhashay. Aaway farta-dhex ka cunistii iyo ciilkii inagu raagay ee ahaa, hadaanu maruun taladayada u madax-banaanaano waaba la arki wacdarahaanu dhigno iyo heerka aan is gaadhsiino-dii? Ma huf iyo hadal-tire ayaan u qaataa, gobolku waa mid ku hodon ah Cilmi, Caqli iyo Cuud-ba-dii dunida gee ka gees wada gaadhay, aaway hee midhaheedii? !

Gobol ayaa ay noqotay hada Gabiiley, degmooyin kale oo ay iyagana tuulooyin hoos yimaadaan u talisa. Waxa looga fadhiyaa Gobolkan cusub waxii uu qayrkii qabsaday inuu qumisto oo uu we liba qayb iyo qaarna dheeraado. Waar bal caano daatayba dabadood la qabay baa la yidhiye! Haatan uun yaynaan hormada danbe ka hadhine ha la is xaamxaamto oo, guntiga ha loo gaab sado hawlaha badan ee degaanka ka gafoobay sidii loo qumin lahaa. Hadaan hadaba u leexdo halkaan u danta lahaa iyo maamulka degmada Gabiiley oo ahaa meelihii ay sartu ka qudhunsana yd ee ay ka dhutinaysay xaajadu, dooni-shaxarka iyo shaashadana ku noqtay horumarka guud ee degaanka, wax shanqadh ahi kama soo bixin beryahane, maxaan u malaynaa tollow? Ma xeel ad dumar iyo xishood inan-rag baan ku daynaa? Mise waxbaa is bedelay oo......?

Gabo-Gabo: Waxa ay ila tahay Talo inan-rag degmada Gabiiley waa ay bilkaydisay oo wax guul ah oo buurani kama soo bixine, doorkan maanta ah iyo beriba aan ku Jitaabino maamulka iyo ho gaanka degmada waaba la yidhaaye, Bili-ga iyo ayaanka Bilis Xaawo-lay! Oo cagta haloo yara dhigo Khadra Xaaji Gaydh iyo kursiga Gabiiley bal halka ay iskala soo dhacaan, waaba intaasoo ay inoogu badisaaye!.

''Ha jirto Somaliland oo ha Joogto''

 

 

BURCO

 

GABILEY

 

 

 

 

Cali Cumar Xasan
afraad_4@hotmail.com