Maanso la magac baxday Garshiyo aqoon

 


Marka hore iga gudooma salaan gacal iyo ehel isu diraan, aslaama calaykum wa raxmatula ahi wa bara kaatu, dhamaan Timacade Groub Meel ay joogaan ba,iyo dhamaan umadda ree r somaliland ka dhab ta ah, ee is daad raacinayn, markaa labaad waxaan halkan kus oo lifa aqay maanso la magac baxday ( GARASHIYO AQOON), oon runtii jeclaystay in layla wadaa go, ila eega idin kuu mahad san.

 


Garaad iyo aqoon baa
Gabay soo diroo yidh
Nin gaboobay waagii
Gaban kuna halkiisii
Gudcur iyo madaw gii
Dharaar iyo Gaddeedii
Gabal iyo habeen kii
Gurmad iyo colaaddii
Xumaan iyo galgalad keed
Waayeel guurihiisii
Gurgur qaad laxaad kii
Gayi waliba dhaqan kii
Xoog waliba goor tii
Gamaan waliba socod kii
Godol wali irmaan kii
Gufaac waliba roob keed
Galbis waliba dheeshii
Gonadaal waliba haraggii
Gardaradu halkeedii
Garab daaq u magan tahay
Garashiyo aqoon teed
Teeniina goor taa
Gorof madhan la meer taa
Geeshaha ka oydaa
Guluf kuna u dheer yahay
Qabiil kuna ka gaadh yahay

*****
Waxay tidhi gamboor tii
Garab kayga tag nayd
Wakhtibaa is gurayoo
Gabashadu ma fiic noo
Gabaw baa u weheshoo
Gacal kala maqnaa baa
Geesha ka yimid oo
Nin ba geela uu rabo
Gaawe kula jiraayoo
Libaaxaa gurxama yiyo
Bahal soo gandood saday
Guriga way ka buuxaan
Goor maad wax gara taa
Gibisha iska tuur taa
Girif girif du waa maxay

*****
Waxay tidhi gun iyo baar
Ma gaboobin arag tidu
Wali waan galbinayaa
Hawshiina maan gabin
Guclo ordod waay kaw
Way adag yay Gaashaan
Wixii ila gudboon ee
Gacal kuu iiga baah daan
Gaddii lagu yaqanaan
Guntiga u adkays taa

*****
Garshana waxay tidhi
Adduun yada gadoon iyo
Gucur lagu hagaayoo
Gaagaab si mooyee
Hadal lama gumeeyoo
Gardarada rag baa jecel
Godob tuna halkii bay
Gogasheedu taalaa
Ma Gudbaa aqoon tii
Ku Gabraar ta been tii
Wali lama gudboonoo
Waa lakala gol roon yahay
Gardaraduna waa xoog

*****
Adduun baa guddoomoo
Halkiisoo ka soo galay
Godob reeb warkeedii
Gabaygii kusoo galay
Wuxuu yidhii guhaadoow
Gaddii lagu yaqaanay iyo
Adduun wuu galbanayaa
Bari iyo galbeed iyo
Goon yahay waxaa jira
Maalin reer la gala iyo
Mid kaloo la guba iyo
Guluf iyo colaad iyo
Middi garab ku tag iyo
Anaa kaa gol roon iyo
Cirkoo wada gariiriyo
Gabaahiir la socod badan
Nin kaan geesi badan iyo
Gaashaan u noolayn
Garashana ku marin socod
Waa la goobayaa yoo
Xadhig loo korfeeyaa
Gadh ka loo suhdyaayoo
Sida awr gab-dhooboo
Garaabiido yeeshaa
Gooni socod ahaa taa

*****
Garaad baa bilaaboo
soo gumeeyay hadal kii
Wuxuu yidhii guhaadoow
Gartii waa la naqayayaa
Gaadh siiy wadaad kii
Gayigaba u wada sheeg
Guurti haw horaysee
Geedkii hadoodile
Grab kiisa kaalaya

*****
Wuxuu yidhi garlaawoow
Shalay wiiii ku gaadhiyo
Gudban iyo xasaddii
Godob tii nin wayn baa
Loo dilay garaad kii
Wayshii way ka goosteen
Dibigiina muu garan
In la goobi kaligii
Barii Gacal la,aan iyo
Gawrac loo talo galay
Saantiisa giir kiyo
In la doonay geeskaba

*****

Wuxuu yidhi giblooy toos
Gayiguba dhamaan tii
Wa guri barwaaqoo
Geestii la eegaba
Dahabbaa gingimayoo
Gunta hoose iyo Baar
Macdan baa ku gadan oo
Gallad weeyi eebee
Haddaan muruq la guud dhigin
Garshadu wax meel dhigin
Gabal dhacay habeen kii
Raadcadu lu garab jirin
Gaajo reebi maysaa
Gacal kiinu waayaha
Gadaal buu ka joogaa
In kuna garaad la,ay
Galbis xumaha weheshada
Qabiil kaa ku gaadhnoow

 

Abdulkhaliq Ali