MAANSO:RUN SHEEG MA ADAA



Waxay jawab u tahay Maansadii Gaariye ee uu ugu magacdaray
( Runeey Lagu Neceb)
 

 

Roobka oo da ay

Rucubkoo baxay

Raari doo qoyan

Ramad koo dhalay

Ninka rooree

Reernimiyo been

Wax dad kala raray

Urucleeyow

Run adaa gararn


********


Raysamaal iyo

Risbaanad aqoon

Raaso beel iyo

Ruclaad garanayn

Rajaanad lahayn

********

Raranbaa ku leh

Ninragaa shalay

Runtii kugu yidhi

Ridii waxa tahay

Reenka badi see

Rakaadku codkii

Markuu soo rogay

Uri-yaaqdee

Dheg la raacdee

Cidkale an rabin


********

Gaariyow rodol

Raaracaa tahay

Riiq jacayl iyo

Cuqdad ruugbaa

Iilka kugu riday

Dadku kuma rabo

********

Inaad rife tahay

Wax uun kala rida

Oon rajo lahayn

Rabaa ku yaqaan

********


Raaska maansada

Dadbaa ratiboo

Tix rafiiq iyo

Tuduc ridistaba

Rag yaqaanoo

Loo riyaaqoo

Raxmaan baraybaa

Run ka sheegee


********

Abwaanada raran

Murtida rakiba

Rucub doogliyo

Riidho iyo ubax

Rayidku u lulo

Ee ladaba ruxo

Raadba kuma lihid

********

Ra yi xuma iyo

Ismood roganbaa

Ragii la yaqaan

Daba rooroo

Raadso ku yidhiye

Raafaf cawlane

Inaad reentaba

Rugta maansadu

Raali kama aha

Reebanaa tahay


********

Rooda kala falan

Ragaad inad tahay

Rafaadku u yahay

Raaxo iyo sharaf

Hadaan ku rog-rogo

Waxbaa kugu riman


********

Raad-cadbaa tahay

Reero soo gubay

Tana daba raran

Inuu raamsado

Cidbaanse ku rabin

********

Rooda kala falan

Ragaad inad tahay

Hadaan ku rog-rogo

Raysan mayside

Runtaad dhab u garan

********

Rooda kala falan

Ilayn raaxadu

Kuuma roonee

Markuu roob da, o

Ruhu kugu ciyo

Ramaad kuna baxo

Maalku rucubkiyo

Raari goos taan

Dad riyaaqaan

Raysan mayside

Maxaa reer nagi

Oo is wada raba

Raxan raad iyo

Rucle gali soo

Dabkaagu rafacay

********

Maxaa raaliyo

Ninkeega uroon

Isna uu rabo

Rayi beeniyo

Reen ku curisoo

Uriiqday dartaa


********


Rooda kala falan

Reerahaad dumin

Markay rawaxaan

Ma- raqdoodaad

Raaso hoosiyo

Ceel ku ruugtaa


********


Raxankoogana

Rug qarsooniyo

Rakaad dhigataa

********

Ra iisal amrigu

Rasuul inu yahay

Rabi soo diray

Diinta raatiban

Rogrogoo baadh


********


Nin rafaad dhigey

Balaa yana ridey

Fadeexad rikibey

Reero kala rarey

Dhiig rakaab sadey

Rag wuxuna gayin

Oo ka reebnaa

Ku ruqaan sadey

Gaalka raanta leh

Raahib waliyoo

Raxmaan jecel yahay

Rooda kala falan

Adaa la raboo

Run u hays tee

Kaskaagu rig-rigan


********

Wakhti raw sadey

Tiiyoo ruusada

Rajo beel mudan

Raysamaal gudhan

Waanigi rarey

Ribadka ka tiray

Laamo rucubliyo

Rako dheer sudhay

Raxmaan ila qabey

Dadku igu reey

Rayaalaan ahay

Rooda xaashaay

Adaa roga yee

Reerka soo dhaaf

********

Rooda xaashaay

Run-sheeg ma, adaa

Hadaad ragey tahay

Rugtaada u tudho

********

Doorashada riman

Ee sidkeed ridey

Raxanka u guro

Hadaad rajo xumo

U- riyaaq dana

Rukun baan ahay

Aan la riixayn

Rasaas iyo dhagax

Midna kuma ruqo

Runna waa taas


 

Abwaan:Max’d Cisman Budin
budin82@hotmail.com
alfa.345@hotmail.com
Tel:00-252-24450867