Madaxtooyadda oo Dagaal Af-ka Ahi ku Dhex Maray Hogaanka Sare ee Kulmiye iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadda
 

 



Madaxtooyadda oo aan ilaa hada talaabo ka qaadin dhacdadan iyo Shini weerartay qaar ka mid ah ilaalada


Hargeysa (TNN) warar aanu ka helnay Qasriga Madaxtooyada xubno ka ag dhawaa shalay ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Feysal Kaamil Ciise iyo Hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye isku fara saari gaadheen Barxada hore ee Madaxtooyadda kadib markii Hogaanka Sare ee Xisbiga Kulmiye laga hor is taagay inay galaan gudaha hore ee Madaxtooyada.

Sida ay dad goob jog ahi Waaheen u sheegeena waxa ay arrintu ka bilaabantay Askarta Gaadhka hore joo ga oo hor istaagay gaadhi ay wateen Hogaanka Kulmiye oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Xisbiga Muu se Biixi Cabdi iyo labada Ku-xigeen ee Xildhibaan C/raxmaan Talyanle iyo C/raxmaan C/Qaadir balse markii ay dhaafeen ay hadana isku dhaceen Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada kaasoo ay isku dayeen inay ka dacweeyaan Askartii ay isku soo dhaceen taasina ay sababtay mar kale inuu Taliyuhu amro inaanay gali Karin Madaxtooyadda.


Jawaabta kale ee Taliyaha ayaa la sheegay inuu Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ka xanaaqay, hase yeeshee waxa arrintii cirka ku sii shareeray Taliyaha oo ku hanjabay inuu gacan ula tagi doono Guddoomiyaha haddii aanu ka bixin Madaxtooyadda, waxaanu warku intaa ku daray in looga soo gurmaday dhinaca guriga Madax tooyadda halkaasoo loo gudbiyay Guddoomiyaha iyo xubnihii kale ee Hogaanka.

Ilaa hada ma jirto wax talaabo ah oo ay Madaxtooyaddu ka qaaday arrintan oo lagu xalilay hase yeeshee w arar iskhilaafsan oo ka soo baxay dad ka ag-dhaw Madaxweyne Siilaanyo iyo kulankii ay la yeesheen Madax da Kulmiye ayaa la sheegay inaanu waxba ka soo qaadin arrinatn inkastoo sida ay wararku sheegayaan uu Amray Xirsi in uu Taliayaha u yeedho

Si kastaba ha ahaatee arrintan ayaa u muuqata mid aan u wanaagsanayn Habdhaqanka Madaxda Madaxtooyadda iyo kuwa Xisbigaba oo sida la hadal hayo ku kala aragti duwan arrimo badan oo Dalka ka taagan iyadoo wararka ka soo baxay kulankii ugu danbeeyay ee ay toddobaadkii hore wada yeesheen Madaxweyne Siilaanyo iyo Hormo ka koobnayd Shan iyo toban xubnood oo hogaanka sare ee Xisbigu ay iskula qaadaa dhigeen sidii wax looga bedeli lahaa cabashooyin badan oo ka muuqda Nidaamka Maamul ee Xukuumadda ee dhinacyada Amaanka iyo Dhaqaaluhu

Dhinaca kalena warar ku dhaw dhaw Madaxtooyadda ayaa sheegay inay Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadda fara-baas ku hayso Shini degan guryaha jaarka la ah Madaxtooyadda taasoo inta la ogyahay uu Warku sheegay inay Qaniintay qaar ka mid ah ilaalada Madaxtooyadda balse ilaa hada lama sheegin Khasaaraha ay gaadhsiisay inta uu leegyahay.

Shinadan ayaa la sheegay inay tahay mid dhaqmaad ah balse mararka qaarkood ay gadoodo oo ay Ciidanka iyo Xaafadaha jaarka ah weerarto, waxaana la sheegay Shinida ugu daran ee dhibaatada ugu weyn ku haysa inay ka soo Duusho guriga Agaasimihii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Axmed Daa’uud oo ku yaala dhinaca Koonfureed ee Madaxtooyadda

 

Source: Waaheen