WAR-SAXAAFADEED

 

 



“Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa dhambaal Ham balyo iyo Taageero iskugu jira u diray Orodyahanka caalamiga ah ee reer Somaliland Mo Farah isla markaana haysta jinsiyada Ingiriiska, kaasi oo ku guulaystay biladdii labaad ee dabab ah. Ka dib ma rkii caawa ku guulaystay tartankii Orodka 5000m ee ciyaaraha Olombiga ee ka socda magaaladda London.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud waxa uu ku farxay isla markaana ku bo gaadiyay halyaygan weyn ee wacdaraha ka muujiyay fagaareyaasha ciyaaraha adduunka. Waxaa nu Madaxweynuhu sheegay inay guusha Mo Farah tahay guul u soo hoyatay shucuubta Som a liland iyo dalka Britain-ba.

Madaxweynuhu waxa uu ku booriyay Orod-yahan Maxamed Faarax oo dhawaana ku guulaystay tart ankii 10000m inuu sii wado dedaalka weyn ee uu ka sameeyay dunida ciyaaraha.

Madaxwene Axmed Maxamed Maxamuud waxa uu dhalinyaradda dalka ku guubaabiyay inay ku dayd aan Mo Faarax oo ay awooda saaraan inay heer wanaagsan ka gaadhaan noocyada kala duwan ee ciyaaraha. Madaxweynuhu wuxuu halyaygan ku sifeeyay tusaale wanaagsan u yahay jiilka cusub ee Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu ugu dambayn ku bogaadiyay dawladda Ingiriiska ee uu magaceeda ku orda yo Mo Farah isagoo ku bogaadiyay guulaha waaweyn ee ay ka gaadheen tartanka Olomiga adduun ka ee 2012 oo ka socda Magaalada London.”
 

 

 

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland

Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse)