WAR SAXAAFADEED

 

 

 

Taariikh:11 September 2011



Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta X eer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay 0172/092011 ku Magacaabay Mudane, Axmed Xa di Saciid inuu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Awdal.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad iyo Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay: Baahida loo qabo in Badhasaab loo magacaabo Gobolka
Awdal,

Markuu Aqoonsaday: Muhiimadda wayn ee loo qabo buuxinta hawsha jagadan Guddoomiyhaha Gobolka Awdal,

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay.

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Axmed Xadi Saciid, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland.


 

 


ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.