WAR SAXAAFADEED

 


 

Date: 30/04/2011


Kuwait (TNN)-Madaxweynaha JSL Mudane, Ahmed Mohamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa jaaliyadda Ree r Somaliland ee dalka Kuwayt uga mahad-naqay soo dhaweynta iyo billad ay gudoonsiyeen ka dib markii habeenkii xalay 29/04/2011 ay Madaxweynaha iyo weftigiisu ay la kulmeen jaaliyadda Somaliland ee Dal ka kuwayt oo casho sharaf u sameeyey Madaxweynaha iyo Weftigiisa.

Madaxweynaha JSL waxa uu warbixin dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka siiyey xaalada dalku ma rayo, Jaaliyada Somaliland ee kulanka Casho sharaftab ah Madaxweynaha u sameeyey, Dadkaas oo lagu qiyaasay in ka badan 150 qof oo ka mid ah dadka jaaliyadda Kuwayt degen ee ka soo qayb galay kulank aas.

Madaxweynuhu waxa uu faah-faahin ka bixiyey ujeedada safarka ay isaga iyo weftigiisu ku joogaan wa damada carabta, Waxaanu sheegay in ay dunida carabtu, ka go�nayd Somaliland sidaa Awgeedna ay lagama maarmaan tahay in aynu xidhiidhkeena noolayno oo aanu kulamo la yeelano wadamada Carabta sida Kuwayt iyo Isu-tagga oo aanu soo maarnay intaanan halkan iman taasi oo keliyana kaga hadhi may no Dedaalkayaga ee waanu sii wadi doonaa oo Waxa aanu isku deyi doonaa in aanu Xoojino Xidhiidh Qo to dheer oo inna dhex-mara inaga iyo Carabta.


Waxa kale oo kulankan ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo jaaliyad da uga warramay siyaasadda arrimaha dibedda ee xukuumadda iyo sida ay haatan beesha caalamku ug u soo jeedsatay Somaliland, Markaa ka dib Af-hayeenka Madaxtooyada Mudane, Cabdilaahi Maxamed D aahir ( Cukuse) ayaa isaguna waxa uu jaaliyadda faah-faahin ka siiyey duruuftii ay Somaliland ku sugna yd markii ay xukuumadda cusub talada dalka la wareegtay iyo waxa ay xukuumaddu qabatay mudadii ay jirtay.


Madaxweynaha ayaa markaa ka dib dadka jaaliyadda u ogolaaday in ay waydiiyaan su'aalaha ay waydii nayaan ama gocanayaan.

Gudoomiyaha jaaliyadda iyo haldoor kale oo ka mid ahaa ka soo qayb galayaashii kulanka ayaa Madaxwe ynaha uga mahadnaqay la kulankiisa iyo sida uu socdaalkiisu kor ugu qaaday sharafka dalka.


Waxaanay jaaliyaddu Madaxweynaha gudoonsiisay bilaad aan Somaliland nooceeda hore loo bixinin taa soo ay ku muujiyeen in uu Madaxweynuhu qof ahaan ku  mutaystay waayihiisii taariikheed iyo halgan.


Ka hor intii aanu bilaabmin barnaamajku waxaa lagu furay heesta astaanta Qaranka Somaliland iyo cala nka oo ba banaya oo qadar daqiiqada ah loo taagnaa.












ALLAA MAHAD LEH


Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL