Madaxweynaha somaliland oo caaw daawadanay ciyaarta dhexmareysay gobolada Maroodijeex iyo sanaag

 



Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wasiirro uu ka mid yahay Wasiirka Wasaarada ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal..............

Hargeysa (TNN):-Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa ka mid ah daawadayaasha ciyaarta Basket-ka ee ka socota Garoonka Timacade ee ku yaal magaalada hargeysa


Garoonka Timo-cadde oo uu ka socdo Tartanka ciyaaraha Gobollada Somaliland ee Basket-ka, oo qayb ka ah Tartanka ciyaaraha Gobollada ee dhawaan ka furey magaalada Hargeysa,ciyaa rtan caaw ayaa waxaa food isdarey xulalka gobolada Maroodijeex iyo sanaag.

Waxaana daawadayaasha ciyaartaasi dhex Maraysa kooxaha Maroodi-jeex iyo Sanaag ka mid ah Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wasiirro uu ka mi d yahay Wasiirka Wasaarada ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal.
Madaxwaynaha Somaliland, ayaa markii uu galay garoonka Timo-cadde, waxa sacab ku soo dhaweeyay dadwaynihii ciyaarta daawanayey, kuwaasi oo uu dhex fadhiistey si uu ciyaarta ula daawado.


madaxwayne Siilaanyo oo Toddobaadkan bilowgiisii furay tartanka ciyaaraha Gobollada ee ka socda Hargeysa Stadium isla-markaana ciyaartii lagu furay oodhex mareysay Maroodi-jeex iyo Saraar daawaday haafkeedii hore, ayaa caawa ay tahay markii labaad ee uu daawanayo ciya ar qayb ka ah tartanka Gobollada


Amaanka Garoonka Timacade, ayaa aad loo adkeeyay waxaana dhinac kasta ka taagan ciidam ada amaanka, iyada oo sidoo kalena ciidamadu ku sugan yihiin gudaha garoonka Timacade ee ciyaartu ka socot.



Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland