Madaxweyne Axmed .M.siiraanyo waa ruugcadaa siyaasiya kana midha dhalin doono wax uu shacabka somaliland u doortay,iyad oo aan aragno guulaha la gaadhay durba!!!
 

 


Waxaan salaamyaa warbaahinta qiimaha iyo qaayahaba mudan oo aan is leeyahay la'aanteed wa xba idiinma suura galeen,aad iyo aad ayaan iddinku mahadnaqayaa.intaasi kadib waxaan jecel ahay in aan in yar oo kooban ka idhaahdo guulaha wax ku oolka ah ee xukuumada somalilnd sida is daba jooga ah ugu talaabsanayso gaar ahaan arimaha dibada.

Hadaba iyada oo uu hogaanka somaliland hayo ruugcadaa siyaasadeed isla markaana ah mujaahid dhiigiisii u huray dalkan iyo dadkan sidii uu u gaadhsiin lahaa horumar taam ah oo lagu naaloodo ayaa waxaa si is daba joog ah u socda ka midha dhalinta qadiyada somaliland oo ah qodobka ugu muhiimsan ay shacabka somaliland u dhigtaagayo.iyada oo aan hore looga qayb geli jirin fagaaray aasha caalamka ayaa madaxweyne Axmed maxamed siiraanyo ku dhiiraday in laga qayb galo shirarka caalamka somalilandna aany ku xidhnaan gidaar taasi oo si cad oo aan mugdi ku jirin uu uga midha dhaliyey madaxweyne siiraanyo.


Hadaba marka aan dib u eegno guulaha wax ku oolka ah ee ay somaliland ku talaabsatay waxaa ka mid shirkan london ku dhamaaday kaasi oo taariikhda markii ugu horeysay la isku hor fadhioiisto somaliland iyo somaliya markaa halkaasi waxaa ka cadaatay markiiba in loo wada hadlo laba dhinac oo is garab yaal ama laba dawladood oo jaar ah waana sida ay tahay runtii,iyada oo dawladaha reer yurubna ku dhex jiraan oo aan runtii aad ugu mahdcelinayo dawladan ingiriiska oo aad ula dadaalaysa dawlada somaliland iyada oo tixgelinaysay rabitaanka shacbiga reer somaliland ee goostay.


sidaasi daraadeed madaxweyne Axmed maxamed siiraanyo wuxuu jabiyey dayrkii ahaa in somaliland hargeysa ku koobnaato oo halkaasi uun layntu taagnaato taasina waxa uu ku keenay caqliga saliimka ah iyo hogaaminta wanaagsan ee uu dalka ku hogaaminayo.iyada oo ay jirto in mincaarad iyo muxaafidba uu u bandhigay in somaliya laga midha dhaliyo wada hadalkeeda la iskuna raacay taasi oo kuwii hore ee xilka hayey ka baqan jireen in wax laala qabsado somaliya ama miis lala fadhiisto way beenowday oo dantu waxay ku soo ururtay in somaliland meel wal oo dani ugu jirto ay ka qayb qaadaato wayna dhacday oo waxaa hirgeliyey madaxweyne Axmed maxamed siiraanyo in la tago goob kasta .


Sidaasi awgeed waxaa baryahan danbe si isdaba joog ah u soconayaa shirarka lagu heshiisiinayo somaliland iyo somaliya taasi oo caalamkuna markhaati ka yahay wixii ka sioo baxaana uu noqon doono in somaliland hesho ictiraaf caalami ah oo baahi wayn loo qabo isla markaana aan ka baxno go'doonka aan ku jirno.


Waxaan isleeyahay somaliland iyo somaliya oo wada hadalaa waxay keeni doontaa aakhirka in meel la isla dhigo in la kala gurto waana siyaasad wanaagsan in lagu dayo wada hadal somaliya iyada oo ay muuqato in aan inaga lafteenu ka roonahay xaga maamulka hadana colka wadhaf ma lagu deyey ayay somalidu tidhaahdaa waa in aan albaab kasta garaacno marka ay ugu yartahay waxaa ka soo bixi kara in la isagu yimaado in afti qaran la qaado ama si kalaba ay dhici karto in si toos ah loo kala gurto.

Hadaba aniga oo taageero buuxda u muujinaya xukuumada somaliland sida wanaagsan ee ay shacabkeeda ugu shaqaynayso waxaan aad iyo aad ugu hambalyayanayaa guulaha isdaba jooga ah ee ay xukuumadu ku talaabsatay haday tahay kulanka shariifka iyo shirarkii london iyo kii istanbuulba,iyada oo aan ognahay hawlaha wax qabadaka ah ee xukuumadu ka wado gudaha dalka ayaa hadana waxaa u dheer xukuumada dadaal dheeraad ah oo ay ka wado dibada sidii looga midha dhalin lahaa qadiyada somaliland, iyada oo ay jiraan dad badan oo lid ku ah wixii horumar ah ee dalka u soo kordha hadana waxaan leeyahay xukuumada inta wanaag iyo taageerada idinla daba joogta ayaa ka badan kuwa ilsa gidaarka ha la wada taagnaado.


Waxaan halkan hamblyo iyo bogaadinba uga dirayaa madaxweynaha somaliland Axmed maxamed siiraanyo oo aan odhan karo runtii wuxuu ku dhiiraday oo uu ka midha dhalinayaa wax hore looga baqan jiray oo ah in aan somaliya la soo qaadi karin oo aan lala fadhiisan kari, dadka reer somalilandna waxaan leeyahay xukuumadiina ku kalsoonaada waa ay ka midha dhalin doontaa waajibaadkii aad u doorateen kuwa horena way ka midha dhalisay sida aan la wada socono.

Gunta iyo gabagabada dadka reer somaliland waxaan leeyahay jeclaada waxa wanaagsan oo diida waxa xun iska dhaafa qabyaalada iyo reer hebel ayaa shir leh kuna kalsoonaaada ruugcadaaga aan u dooranay,midna waan idiin sheegayaa in aanu Axmed maxamed siiraanyo aanu ahayn dadka yaqaana beenta ee uu yahay nin runta aad u sheega oo aan la gabanayn wax kasta oo ay ku qaadanayso,waxaan isleeyahay Madaxweyne Axmed maxamed siiraanyo wuu ka midha dhalin doonaa qadiyada somaliland iyo wixiii kale ee loo idmaday balse inagu haddii aan nahay ummada reer somaliland aan ku gargaaro taageero buuxda.waxaan filayaa haddii aan la is indha tirayn in la hayo markhaatiyo badan inuu yahay mujaahid u daacd ah dalkan, dakiisa iyo qadiyada gooni isutaaga somaliland taasi oo shacabku goostay.

 

 

 

 

Cbadi.D.Camuud
UK